“Illaahay Waxaan Ka Baryayaa Inuu Xilkan Igu Asturo Oo Shaadh cad baan Lasoo galaye Aan shaadh cad kala baxo”

0
31

“Wasiirkaygu Wuxuu Ii Igmaday Qayb  Masuuliyadiisii Ka Mid Ah, Halkanna Nin Adduun U Soo Doontay Ma Ihi Oo MArkii Hore Ayaan Ka Mushahar Fiicnaa, Laakiin Waxaan Doonayaa…”. Xuseen Foodcadde, Guddoomiyaha Cusub Ee Qaybta Bari Ee  Waxbarashada Gobolka Hargeysa”

 

Hargeysa (Hubaal) –Guddoomiyaha Cusub ee Waxbarashada ee Gobolka Maroodi-jeex  qaybtiisa Bari ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Md. Xuseen Cabdi Cawil (Food-cadde) ayaa xilkii xafiiskaasi la wareegay kadib markii dhawaan uu wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon xilkaas u magacaabay. Munaasibada uu xilka kula wareegay  Guddoomiye Foodcadde oo xarunta guddoonka waxbarashada ee qaybta bari ee wasaaradda waxbarashada lagu qabtay waxaa ka soo qayb galay haldoor kala duwan oo isugu jira saraakiisha wasaaraddaas, hal abuuro, madax dhaqameedyo, aqoonyahan kale iyo marti sharaf kala duwan.

 

Xuseen Cabdi Cawil (Food-cadde) Guddoomiyaha cusub ee  wasaaradda waxbarashada qaybta  bari ee gobolka Hargeysa   oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay isagoo kaashanaya Waayo-aragnimada uu ka helay muddada dheer oo uu ka shaqaynayey Wasaaradda Waxbarashada iyo khuburrada Wasaaraddaasi uu wax badan ka qaban doono Horumarinta Waxbarashada, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex ee loo xil-saaray.  “Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku wuxu ii igmaday qayb kamid ah masuuliyadiisii oo ah gobolka Maroodijeex qaybtiisa Bari inaan adeege uga noqdo, aad baanu ugu mahadsan yahay, insha allahna waxaan rajaynayaa inaan siyaasadda wasaaradda waxbarashada ku shaqayn doono. Anigoo kaashanaya tiimkayga cusub iyo kii hore u sii joogay ee xarunta ku qornaa iyo maamuleyaasha iyo waxgaradka iyo dadka  inta wanaaga jecel Illaahay waxaan ka baryayaa in uu xilka igu asturo. Anigoo shaadh cad xidhan baan la soo galaye inaan anigoo shaadh cad inaan ka baxo.  Halkanna nin aduun u soo doontay ma ihi, agaasimeyaashii xaruntu way joogaane, markaan qiimeeyey, iyaguna ay qiimeeyeen, Wasaaradduna ay ogtahayba anigu markii hore ayaan ka mushahar fiicnaa”. Sidaas ayuu yidhi Md. Xuseen Cabdi Cawil Foodcadde,  guddoomiyaha xafiiska waxbarashada ee  qaybta bariga  gobolka Hargeysa ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo maalintii  Khamiistii xilkii xafiiskaas la wareegay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here