30 Guuradii Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Burco Soo Galeen, Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed Ee (Snm).

0
1

Waxa aynu taariikhda aan marnaba duugoobaynin, ku haynaa cadaymo iyo bayaano, ka warama marxaladihii uu soo maray ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed ee (SNM), iyo waliba Halgankii qadhaadhaa ee ay la galeen Dawladii Kacaan Doonka ahayd Soomaaliya, Oo uu Gadh wadeenna ka ahaa AHUN Maxamed Siyaad Barre, oo shacbigii Soomaaliyeed, Gaar ahaanna Labadii dawladood ee Lixdankii Isku Biiray, in qilaab milateri ku qabsaday, Goboladii Waqooyi iyo Koonfur, Walow ay xaqiiqada indhaha ka qabsadeen maamuladii iskaga kala dambeeyay oo shacbigii Goboladii waqooyi, ka dhigayay Gobolo Kooban balse aan anigu Ayidsanahay, in ay kala ahaayeen, laba Dawladood oo wax isku darsaday. SNM ay ahayd mid ka dagaalan tay cadaalad darro laga galay umadii hamuunta u qabay is raaca, iyo in la helo shanta soomaali, (NORTH FRONT DISTIRCT, SOMALI FRENCH COST,ETHIOPIAN SOMALI TERRITORY ,SOMALIA IYO SOMALILAND).

Hadaba marka aan intaas ka imaado, milicsigii taariikhda ahaa SNM, waxa aan ibo Furi doona maqaalka Aan kaga hadli doono, 27/may/1988 maalintii ay soo galeen cutubyo ka tirsan mujaahidintii SNM.

Waxa ay ahayd markii Labadii Dawladood ee Somaliya iyo Ethiopia, ay kala saxeexdeen heshiiskii labada dhinac ahaa isla markaana  JABHADAHA ay labada Dhinac kala taageersanaayeen in la joojiyo, Dawlada ETHIOPIA ay Garabka Iyo gaashaanba La barbar taagnayd URURKII SNM, halka Dawladii soomaaliyana Ay Sacaadada Iyo Dhinac U buuxinta Hubka ay ka siinaysay JABHADIHII ERITREA, Heshiiskaasina markii Ay si toos ah u kala saxeexdeen.

URURKII SNM waxa soo foodsaaray Xaalad Aad U adag Oo ay sababteeduna ahayd heshiiskaasi Dhexmaray SIYAD BARRE IYO MINGISTA XAYLA SALAASI. Taasina waxa ay sabab u ahayd in URURKII SNM ay Qaataan Go’aan aad U qadhaadh oo ah In uu si toos ah usoo galaan gudaha dalka iyo in ay ku Fashilmaan wixii Ay kusoo tabcayeen Muddadii Badnayd ee uu jiray ururku, oo uu noqdo HAL BACAAD LAGU LISAY.

Qaybo kamida ciidamadii URURKA SNM oo uu gadh wadeenka uu ka ahaa MUJAAHID AXMED MIRE MAXAMED Iyo Ku/xigeenkiisii AADAN SALEEBAAN ayaa si toos u soo galay gudaha, magaalada burco iyagoo galabnimadii 26/may/1988 ay ka soo ambabaxeen Degmada Samatar Axmed, Salaadii maqribna ay kusoo tukadeen Degmada Kurtin budh yare, waxa ayna ka koobnaayeen Afar GUUTO, oo ay kala ahaayeen:-

  1. Guutadii Tawakal oo uu hor jooge ka ahaa Axmed Macalin Haaruun, Iyo Ku/xigeenkiisii Cumar Aw maxamed.
  2. Guutadii ALLA AAMIN oo uu hor jooge ka ahaa Xandulle, Iyo Ku/xigeenkiisii Cabdi sanyare.
  3. Guutadii loo yaqaanay KOOWAAD oo uu hor jooge ka ahaa Ibraahin Dhiif ( Hay liqin) , Iyo Ku/xigeenkiisii Xasan Cali Abokor.
  4. Guutadii Tiknikada oo uu hor jooge ka ahaa Cabdilaahi Muxumed Afyare, , Iyo Ku/xigeenkiisii Maxamuud wadaad.

Dhanka Hawl galinta waxa u qaabilsanaa Xuseen Cabdi Hurre oo isaguna ahaa Hawl galiyaha la socday, ciidanka wallow ay qaar kale oo badaniba la socdeen.

Himilada iyo goolka ay Halganka u soo galiyeen magaaladana ay tahay in uu noqdo urur ku guulaystay ka midho dhalintii ujeeddooyinka loo aasaasay ururkani, balse ay qaateen go’aan aad u Xanuun badan, iyagoo tirada iyo cududada ciidanna ay ahayd mid aad u hoosaysa, balse aanay ka niyad jabin halgankii lagu mijo goynayay, kaligii taliskii ina siyaad bare.

Hal ku dhigga maalintaasi waxa uu ahaa AMA DHIMO AMA NOOLOW, galitaankii burcona waxa ay hor seeday in ay noqotay furihii guusha ee SNM, nidaamkii maamul ee dawladii SIYAD BARE ee ka jirtay goboladii waqooyi ee soomaaliya in uu faraha ka baxo, halka war baahinta caalamkuna ay si wayn u qaadaa dhigeen xaalada dagaal ee ka socota waqooyiga soomaaliya, hase ahaatee Nidaamkii SIYAAD BARE ayaa ku tilmaamay, waxba kama jiraan, dagaalka ka socda waqooyiga soomaaliya.

Balse laakin waxa isla markiiba LAANTA BBC-DA qaybteeda cariga LONDON ay waraysi Toos ah ka qaadeen Gudoomiyihii waqtigaasi ahna Madaxweynihii hore ee soomaaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyadoo ay ka waraysteen dagaalka U dhexeeya Ciidamadda SNM iyo Kuwa SIYAAD BARE “ horta magaalada waxa si dhamaystiran loo qabsaday 28/may/1988” isagoo intaasi ku daray in ay ka faa’iidaysteen jaaniskii ay kaga hortagi lahaayeen SIYAAD BARE halkaasna waxa ka bilaabmay dagaalkii waqooyiga meelo kale oo aad wareerteen amaba dagaalku ka socdaan miyay jiraan? “ haa meelo badan ayaa la wareeray, meelo badnina dagaalku wuu ka socdaa meelaha la qabsaday ee aanu warkooda haynana waxa kamida, cadaadley, gabiley oo meelo badan laga xoreeyay, tuulooyin badan oo hawd ka ah oo shacbigu laftarkiisu xoraystay waxa ka mid ah Oodwayne”

 

QAYBIHII SHACABKA EE KA  QAYB GALAY DAGAALKAAS, LAGU SOO GALAY MAGAALADA BURCO WAXA KA MID AHAA, HAWEEN U BADNAA DHALINYARO OO AY TIRADOODU GAADHAYEEN, DHAWR IYO TOBAN GABDHOOD OO AHAA NAFTOOD HURAYAAL AH.

Waxa ay ahaayeen gabdho mayalkooda shaqsiyadeed uu ahaa mid aad u adkaa, iyagoo garowsanaa in uu dagaalku ahaa mid aaney itaal iyo awoodtoona u haynin, halka raggan mujaahidiinta ahi ay ku tala galeen in aanay soo noqonin, balse laakiin ay soo saareeN geesimadooda, wadaniyadooda oo uu  ka yaabay taliyihii ciidanka watay ee axmed mire maxamed oo markii dambe geeyay, goobaha dagaalku ka socdo, wallow ay qaar ka mid ahaayeen ku geeriyoodeen dagaalka, waxa ay ahayeen aduunka wixii ugu la yaabka iyo caajaa’iibta badnayd, hablo yar yar oo la ogyahay in ay ka qayb ka ahaayeen xorayntii magaalada burco.

Hadii aynu soo qaadano magacyada gabdhahani geesiyayaasha ahaa ee sida libaaxnimada iyo kartida leh, ee ugu dagaalameen dalkan iyo dadkan iyagoo, haween ah oo ilaahay ugu tala galin in ay ka dhex dagaalanto, ragga aan cabsi iyo baqasho dareen midna aan dan iyo muraadtoona lahayn.

  1. KOOS FAARAX KHALIIF
  2. XALIIMO AXMED FAARAX
  3. CANAB CALI AXMED
  4. CANAB RAABI
  5. HINDA CISMAAN JIILAAL
  6. SAADO DHEGA YARE
  7. HINDA ABNA WAAS
  8. MARWO RUUN AXMED CSIMAAN
  9. AHUN SAYNAB AW CUMAR
  10. AHUN YURUB XASAN XAAJI CABDILAAHI

Waxa ay rafaadkaas iyo kulaylkaas qoriga aan loogu tala galin in ay qaataan, dantu ay ku kaliftan markii taliskii macangaga ahaa siyaad bare burburka iyo xasuuqa uu ugaystay umaddii gobolada waqooyi, kuna wacad mareen in ay ka qay galaan dagaalkaas aanu layskugu aabayeelin ee waqtigaasi ka dhacay magaalada burco 3O SANADOOD ka hor.

MUJAAHID AXMED MIRE MAXAMED OO AHAA TALIYIHII CIIDANKII SOO GALAY, MAGAALADA BURCO.

“ Markii aanu ciidanka kasoo dhaqaajinayay samatar axmed, maqrib bay ahayd salaadii maqrib halkaas ayaan ciidanka ku tujiyay, marka aanu tukanay ee aanu ducaysanay, ayaan idhi baabuurteena aynu ka fuulno inta aanay cadceedu inoogu dhicin, inaga dhaqaaji, waxa aan ciidanka u sheegay baabuur walba waxa ku jira shidaal kooban shidaalkaasi waxa uu ina gaynayaa magaalada burco, inagama soo celin karo, qori walba waxa ku jira rasaas kooban oo aynu raaca koowaad aynu kaga gudbi karno, ka labaadna kulama dagaalami karno, waxa hantidii, shidaalkii, hubkii, gobanimadii ay taalla ciideenii ee ciideena ma ku dagaalannaa. HAA ayaa laysku raacay qof walba isagoo og taa oo qofna shaki kaga jirin, ayaanu gaadiidkii soo fuulnay sidii baanu kusoo gaadhnay burco, salaadii subax waxa aanu ku tukanay halkii uu ku faani jirey ee la odhan jirey (BARTA)  ee la odhan jiray looma dhawaado ee qofka u dhawaadaa wuu dhintaa halkii lafteedii baanu ku tukanay salaadii subax, markay arkeen dadka iska soo socda ayay baasuukayaal nagu soo rideen markaasaan idhi waxba haku ridina’e iska socda markii waxba lagu ridi waayay ee layska soo socday bay is yidhaahdeen malaha waaba laydinka horeeyaye bal idinku lafihiina uga yaaca” Hadii aynu qaybahaasi kusoo afmeerno hadalkii taliyihii watay mujaahidiintii SNM ee soo galay magaalada Burco, waxa uu ahaa dagaalkaasi mid wada saameeyey goboladii waqooyiga soomaaliya, 28 bishana waxa uu ka bilaabmay CEELKA GEDIS ayaa mujaahid Maxamed Cali AHUN galay, 29kii bishana Xuseen axmed dhulucsane CADAADLEY, waxa hadana Maxamed Cali galay mandheera 30kii bishii, sidaasna waxa lagu soo galay 31kii bishii may 1998 AHUN Ibraahin Xuseen (koodbuur) magaalada hargaysa ee caasimada Somaliland.

Waxa uu noqday hawlgal (operation) isku soo dhiib dhiibayay tuulo ilaa magaalo, guul waarta ay kasoo hoyiyeen mujaahidiintii SNM ee Soo galay magaalada burco.

Hadaba shacbi ahaan inagu ma nahay qaar markasta dib u baadha taariikhdii iyo waayihii loo soo maray dalkan? Mise ma isku daynaa in aynu xusno qof inagu qaaliya, maalin inagu qaaliya, shay inagu qaaliya? Maxaynu u dareemi la’nahay ujeedadii SNM ay wadankani nafahooda ugu soo hurayeen?

Waxa aynu nahay umad aan marnaba xooga saarin milicsigii taariikheed ee dalkan iyo dadkan, waxa aan ku soo afmeerayaa maqaalkan aan ka hadlayo dib u xasuusinta hadba maalinta la taagan yahay, gaar ahaana maanta oo ay ku beegan tahay maalintii lasoo galay magaalada burco, 27/may/1988 maalin jimce ah.

W/Q Yaxye Cabdikariim Cali

GUUL IYO GOBANIMO IDILKEENA

ALLAH MAHAD LEH.

Email yahye9321@gmail.com

SHARE
Article hore“Intii Dunidu Ay Jirtay Magaca MUUSE Waxa Uu Soo Maray Saddex Marxaladood Oo Kala Duwan”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here