47 Qof oo ka Badbaaday Diyaarad Rakaab ku Dhacday Badda Dalka Micronesia

0
1

Micronesia (BBC/Hubaal)- Dhammaan 47 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale \ayaa ka badbaaday diyaarad xammuul oo ku dhacday badda dalka Micronesia ee qaaradda Laatiin Ameerika shalay. Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Chuuk International Airport, ayaa caddeeyey in haba yaraatee aan wax dhaawac ah gaadhin.dhammaan dadka la socday diyaaradda badda ku dhacday oo laga leeyahay dalka Papua New Guinea.

Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya diyaaradda shirkadda Air Niugini oo ku jirta biyaha badda. Soddon iyo shan ruux oo rakaab ahaa iyo 12 ruux oo ka shaqaynaysay diyaaradda duulimaadka ee lambarkeedu ahaa ANG73, midkoodna dhaawac halis ah ma gaarin. Ma cadda waxa sababay in diyaaraddu dhacdo, balse baaritaan arrintaas ku saabsan ayaa si dhakhso ah loo billaabi doonaa.

SHARE
Article horeCabdi Ilay oo Cafis ka Dalbaday Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here