6-dii Arrimood Ee Sannadkan Ugu Waaweynaa Deegaannada Soomaalida

0
1

Hargeysa (Hubaal) Sannadkan dabayaaqada ah waxaa deegaannadda ay Soomaalida dagto ka dhacay arrimo fara badan oo qaarkood ay wali ka sii guuxayaan dhagaha shacabka. Sidii ay horayba u ahaan jirtay, 2018-ka wuxuu noqday sannad kale oo ay dadka Soomaaliyeed ku xasuustaan waxyaabo badan oo isugu jira dhanka fiican iyo dhanka qallafsan labadaba. Inkastoo ay dhaceen waxyaabo badan oo aan la soo koobi Karin, dhacdooyinka aan halkan idinkula wadaageyno waa 6 ka mid ah kuwii ugu saameynta badnaa ee la xusi karo.

1-isbadalladii ka dhacay deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

Rabshadihii ka dhacay dalka Itoobiya horantii sannadkan ayaa horseeday inuu isbadal baaxad leh ka dhaco dalkaasi, waxaana xisbiga talada haya uu ra’iisul wasaare u doortay Abiy Axmed, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, oo la sheego inay yihiin kuwa ugu badan dalka Itoobiya. Doorashada Abiy Axmed ayaa sidoo kale horseedday isbadallo kale oo ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, waxaana deegaanada uu isbadalka siyaasadeed saameeyay kamid ahaa degaanka Soomaalida oo madaxweynihii xilka hayay, Cabdi Maxamuud Cumar lagu saaray cadaadis inuu xabsiga jeel Ogaaden kasii daayo maxaabiistii u xirneyd arrimaha siyaasadeed. Inkastoo maxaabiistaasi la siii daayay ayaa haddana 7-dii bishii Agoosto ee sannadkan waxaa xilka madaxweynenimada dowlad deegaanka Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar, oo xilkaas soo hayay 8-dii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa si ku meel gaadh ah xilka u hayay Axmed Cabdi Maxamed oo markii dambe kulanka golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka uu ku yeeshay magaalada Addisababa xilka looga qaaday, markaasoo xilka madaxweynaha loo magacaabay madaxweyne Mustafe Muxumad cumar (Cagjar).

Horaantii bishii Siteembar, baarlamaanka Dawlad deegaanka Soomaalida “Itoobiya” ayaa ansixiyey go’aanno aasaasi ah oo la hadal hayey tan iyo markii la magacaabay madaxweynaha cusub, Mustafe Muxumad Cumar.

Baarlamaanka oo yeeshay fadhi aan caadi ahayn ayaa waxay doorteen afhayeenka baarlamaanka oo noqday Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas). Cabdullaahi Siciid Cumar ayaa isna loo doortay guddoomiyaha maxkamadda guud.

Sidoo kale xubnaha baarlamaanka waxay isku raaceen in magaca dawlad deegaanka uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida, lagana saaro erayga “Itoobiya”, oo la sii raacin jiray.

Waxaa kale oo ay isku raaceen in calanka dawlad-deegaanka uu noqdo mid xagga dambe ku leh xiddigta cad ee shanta gees leh ee ku dhex jirta midabka buluugga ah.

Madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa ku eedeeyey madaxii hay’adda sirdoonka Itoobiya, Getachew Assefa, inuu “cabsi galin iyo hanjabaad” ka waday deegaannadooda. Madaxweynaha oo warbaahinta deegaanka waraysi siiyay ayaa sheegay in Getachew uu u dhaqmi jiray si ka baxsan nidaamka dalka iyo midka xisbiga uu ka tirsanaa ee talada dalka hayaba.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan, waxaana taasi xigay in magaalada Addis Abba la geeyay madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar oo markii dambe lagu xiray halkaas.

26-kii bishii Agoosto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo mar wax laga weydiiyay waxaa laga yeelayo mustaqbalka madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu sheegay in arrintiisa ay u taallo sharciga iyo caddaalada dalka Itoobiya.

Hasa yeshee Cabdi Maxamuud Cumar oo dhowr jeer oo hore maxkamad lasoo taagay ayaa ilaa iyo iminka xiran, wax xukun ahna uusan ku dhicin.

21-kii bishii Nofembar ee sannadkan boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee ONLF ayaa gaaray magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Labo diyaaradood oo sidday ciidammadaas oo ka soo kicitimay dalka Eritrea ayaa gaaray Jigjiga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne, mas’uuliyiin iyo xubno jabhadda ka tirsan oo ku sugnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana xigay imaanshaha madaxda ONLF ee magaalada Jigjiga.

2-Guushii Ilhaan Cumar ee doorashada Mareykanka

Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaali ah oo ku nooleyd xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee xilkii ugu sarreeyay ka qabta dalka Mareykanka.

Taageereyaasha xisbiga dimoqoraadiga ayaa Ilhaan Cumar u doortay in ay noqoto musharaxa xisbiga ee kursiga Aqalka Koongareeska.

Ilhaan ayaa inta aanan loo dooranin aqalka Koongareeska waxa ay horay ugu guuleysatay aqalka wakiilada gobolka Minasoota ee dalka Mareykanka.

6-dii bishii Nofembar Ilhaan waxaa ay ku guuleysatay xubinimada aqalka Kongreska, waxaana ay sidaa ku noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo guushaasi gaara.

Guusha Ilhan Cumar ayaa aad looga soo dhaweeyay dhamaan deegaanada Soomaalida.

3-Khilaafka maamul goboleed iyo dowlad federaalka

10-kii bishii Nofembar ee sanandkan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya waxay kulankii uga socday Kismaayo ka soo saareen war-murtiyeed ay xiriirka ugu jareen dawladda Soomaaliya.

Isla markiiba waxaa arrintaas ganafka ku dhuftay madaxweyne ku xigeennada labo ka mid ah maamul-goboleedyadaas – oo kala ahaa Puntland iyo Galmudug.

Dhowr goor oo hore ayey siyaabo kala duwan isugu dheceen maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Mar walba oo ay si gooni gooni ah isugu dhacaanna waxaa soo yeeraysay in “maamul goboleed hebel uu xiriirka u jaray dawladda”.

Xildhibaano katirsan aqalka sare ayaa u xeyd xeytay xalinta khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sanatar Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in mas’uuliyadda aqalka sare ay tahay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada, balse arrintaasi ayaa u muuqatay mid aan miro dhalin, waxaana intaasi xigay in madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu muddo kadib sheegay in uusan madaxda maamul goboleedyada kale la qabin fikirka ah in xiriirka loo jaro dowladda dhexe.

Maxa yihiin tabashooyinka dowlad goboleedyada ee ay soo gudbiyeen guddiga aqalka sare?

War-murtiyeedka ay soo saareen guddiga aqalka sare ayaa lagu xusay ilaa 12 cabasho oo ay qabaan dowlad goboleedyada qeybta ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya.

8 ka mid ah tabashooyinka ayaa ahaa kuwo ay si wada jir ah u wadaagaan afarta maamul goboleed ee kala ah Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, halka 4 kalena ay yihiin kuwo ay mid mid ugu gaar ah.

Tabashooyinka ay isla qabaan ayaa kala aha:

1-in la dedejiyo dhameystirka dastuurka federaalka.

2-in la billaabo dhismaha ciidanka qaranka iyo sugidda amniga.

3-in la dhiso guddiga garsoorka qaranka iyo in dib loo habeeyo waaxda garsoorka.

4-In loo howl-galo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

5-In laga heshiiyo hannaanka doorashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha xisbiyada.

6-In la xoojiyo nidaamka federaaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

7-In la mideeyo qorshaha qaran ee la xiriira wax qeybsiga, mashaariicda iyo dhaqaalaha.

8-In aan la fara galin doorashooyinka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale qodobbada u gaarka ah mid kasta oo ka mid ah maamul goboleedyada ayaa kala ah in:

  1. Jubaland ay dooneyso taageeridda ciidamada daraawiishta ee dhanka tayada iyo sugidda ammaanka.
  2. Koonfur Galbeed ay dooneyso in lagala shaqeeyo sugidda amniga
  3. Puntland ay dooneyso taageeridda ciidanka xoogga dalka, qeybta Puntland ee xagga mushaarka, tababarka iyo qalabka.
  4. Galmudug ay dooneyso in lala dhiso ciidamo iyo in laga caawiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
  5. Marlaxadihii siyaasadeed ee maamulka Koonfur galbeed

Madaxweynihii iscasilay ee Koonfur Galbeed, Shariif Xassan Sheekh Aadan oo tan iyo markii la asaasay maamulkaas shukaanta u hayay ayaa xilka isaga dagay isagoo waqtigiisa uu wax yar uga harsanyahay, kadib cadaadis siyaasadeed oo la sheegay in la saaray.

Shariif Xassan ayaa horay u sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka, inkastoo markii uu iscasilay uu ku dhawaaqay in uu ka haray tartanka doorashada.

“Faragelinta Dowladda Federaalka”

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa horay u sheegay in Dowladda Federaalka ay faragelin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed, isagoona xiligaasi ugu baaqay in ay faraha kala baxdo doorashada.

Xiliga uu Shariif Xassan ku eedeynayay Dowladda faragelinta ayaa waxaa dalka ka tagnaa khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyda, waxaana madaxda maamul goboleedyada ay xiligaasi qabeen fikrad ah in dowladda ay si toos ah faragelin ugu heyso doorashada.

Sidoo kale qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo BBC-da la hadlay xiligaasi ayaa sheegay inay habboontahay in dib loo dhigo doorashada, iyagoo Dowladda Federaalka ugu baaqay inay joojiso ”faragelin” ay shegeen inay ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.

4-Mooshinkii madaxweynaha

9-kii bishan Diseembar waxaa soo shaac baxay Mooshin ka dhan ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo ay saxiixeen 92 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale qalinka ku duugay mooshinkaas. Hase ahaatee Mooshinka ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa abuuray khilaaf siyaasadeed oo xitaa kala qeybiyay guddoonkii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladihii hore, khilaafka noocan ah waxa uu aad u saameyn jiray madaxtooyada iyo xukuumadda, waxaana inta badan mooshinada laga keeni jiray xukuumadda, sababtuna waxa ay ahayd madaxwyenaha iyo Ra’isulwasaaraha oo is qabta. Hadda khilaafka waxa uu usoo wareegay dhanka baarlamaanka, wuxuuna markii labaad khilaaf ka dhex dhaliyay guddoonka baarlamaanka oo ku kala aragti duwanaaday mooshinka madaxweynaha ee uu guddoomiyaha saxiixay. Waxa ay sidoo kale ku kala aragti duwaanaadeen kala diristii guddiga maaliyadda ee baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdiwali Muudeey oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Guddoomiyaha waxa uu mooshinka saxeexay isaga oo xanaaqsan, haka laabto ayaan leenahay”.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xildhibaanada ay gaareen in aysan salaanta iska qaadin, markii horena ay saaxiibo ahaayeen.

Xitaa waxaa la sheegay in xildhibaano isugu yimid goob aroos ah oo lagu casuumay ay salaanta isla garab mareen.

Arrintaas ayaa u muuqatay xiisad siyaasadeed tii ugu darneyd tan iyo intii xilka loo doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo labo sano ka hor.

Laakiin jahwareer iyo isqabqabsi badan ka dib, ugu dambeyn waxaa jaanta rogtay Mooshinka, ka dib markii sida la sheegay ay si hoose u heshiiyeen guddoomiyaha baarlamaanka iyo hoggaanka sare ee dowladda.

Guddoomiye Mursal ayaa ku dhawaaqay in uu mooshinkaas burburay, xiisaddii ka taagneydna ay halkaas kusoo af jarantay. Sida uu qabo sharciga, mar haddii uu jabo mooshinka ama uu siyaabo kale u socon waayo, muddo 6 bilood ah qofkaas lagama keeni karo mooshin kale.

6-Xadhiga Mukhtar Robow

Mukhtar Robow Abuu Mansuur oo si nabad ah isugu soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Agoosto ee sannadkii 2017-kii ayaa waxaa uu ku dhawaaqay inuu isaga baxay ururka Al Shabaab ee uu xilalka sare ka soo qabtay. Hase ahaatee, dad badan wuxuu uga yaabsaday mowqifkiisii uu ku shaaciyay inuu ka qeyb galayo doorashada madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo billaabay ol’ole siyaasadeed oo xoog leh.

Mukhtaar oo ka mid ahaa musharraxiinta ugu cadcad doorashada ayaa Dowladda Federaalka waxay ka soo xirtay magaalada Baydhabo maalintii khamiista ahayd ee 13-kii bishan Diseembar, iyadoo na ku eedeesay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isasoo dhiibay iyo in uu hub iyo ciidamo u gaar ah isaga geeyay magaalada Baydhabo, kuwasi oo ay sheegtay dowladdu in ay khatar ku yihiin amniga magaalada Baydhabo.

Qaar kamid ah xildhibanaada barlamaanka ee Dowladda Federaalka iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dowladda ugu baaqay inay Mukhtar Robow u oggolaato in uu ka qeyb galo doorashada, hase yeeshee dowladda ayaa dhagaha ka fureysatay baaqaasi.

Mukhtar ayaa ka soo baxay dhammaan shuruudihii looga bahnaa ee doorashada, waxaana u harsaneyd oo keliya jeedinta khudbaddiisa ku saabsan ajandaha maamulkiisa.

Guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa iyagu na sheegay in aysan u banaaneyn tallaabo aan ka aheyn in Mukhtar Robow ay ka saaraan liiska musharixiinta ka qeyb galaya doorashada.

19-kii bishan Disembar ayaa magaalada Baydhabo madaxweyne loogu doortay Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen, kaasi oo dadka qaar ay u arkayeen inay wadato Dowladda Federaalka.

Xigasho: BBC

SHARE
Article hore“Mudane Madaxweyne Iyo Taliye, Wixii Khalad Hore Ee Aannu Galnay In Nalaga Saamaxo Ayaannu Jecel Nahay”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here