85 Jir Ka Mid Ahaa Shamacyadii Siraaday Waxbarashada Oo Shalay Lagu Aasay Hargeysa & Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Shakhsiyadiisii

0
1

Waxaa Uu Marxuumku Laba Jeer Xil Wasiirnimo Kasoo Qabtay Xukuumaddii Axmed Siilaanyo

 

 

 

Hargeysa(Hubaal)- ALLE ha u naxariistee waxa shalay  si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha masalaha ee caasimadda Hargeysa Wasiir Ku-xigeenkii hore ee waxbarashada, Marxuum Axmed-nuur Aw Cabdi Shaacir oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Sida werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, waxa aaska Marxuum-Axmed-nuur Aw Cabdi Shaacir ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenkii u horeeyey ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac, Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha dibadda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Cabdikariin Xuseen Siciid, wasiirro hore iyo boqolaal dadweyne ah.  Masuuliyiintii ka qaybgalay aaska Marxuum- Axmed-nuur Aw Cabdi Shaacir ayaa sheegay in marxuumku ahaa shakhsi dal jecel  isla markaana u soo shaqeeyay waddanka.

Marxuum Axmed-nuur Aw Cabdi waxa uu laba jeer wasiir ku xigeen ka noqday wasaaradda maaliyadda Somaliland. Xilkii ugu dambeeyey ee uu qabtay wuxuu ahaa wasiir ku-xigeenka waxbarashada ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo.

 

Alle ha u naxariistee marxuum-Axmed-nuur Aw Cabdi wuxuu ku geeriyooday isagoo 85 jir ah, waxaanu muddo dheer ahaa macalimiintii kaalinta weyn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada, waxaanu  ka soo shaqeeyey xiligii Soomaaliya iyo haddaba xafiisyada Manaahijta iyo kormeerka guud. Waxa kaloo uu ahaa sheekh aqoon u leh culuunta diinta islaamka. Marxuumku wuxuu ifka kaga tagay laba xaas iyo 11 carruur ah.

 

Geesta kalena sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo  kaoo baxay qasriga madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland,   uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Axmednuur Aw Cabdi Shaacir oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 06/06/2018, magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii Beelaha ku dhaqan Somaliland, sidoo kalena waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii isaga danbeeyey Xukunka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here