8da Mars: Taariikhda Maalin Ku QAALI Ah DAMIIRKA Dadka!!!!. W/Q: Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

0
37

Waa dugsiga Sheekh Bashiir ee ku yaala magaalada Hargeisa, taariikhduna waana 1993 gii. Maamulihii oo albaabka iskuula taagan oo ul gacanta ku heysta saacaduna ay tahay 1:30 duhurnimo ayay soo gashay ardayad ilaa 10 daqiiqadood soo habsaantay. Markey maamulihii isha ku dhufatey ayay dhinac isku barbarisey sidii wax fasalka ku sii ordaya. Wuxu ku yidhi, naayaa kaley kaaley, waa maxay xiligaad socotaa. Iyadoo sidii waxa baqanaya ah, ayay tidhi, macalin hooyo ayaan qadada u geynayey oo an ku habsaamey. Soco oo fasalka dhakhso u gal ayuu ku yidhi. Aniga iyo maamuluhuba waanu fahmeynaa hooyada qadada loo geynayo, qof kasta oo xiligaa Hargeisa joogeyna, si fiican ayuu u fahmayey waxa ay gabadhu u jeedey.

Marka laga soo bilaabo gooladda jigjiga yar ee Maansoor Hotel looga leexdo, ee hadana la soo gaadho gooladda state house-ka, dukaanka Cawil Curyaan (AHUN) iyo gooladda gobolka, agagaarka Baar Hargeisa iyo agagaarka Hotel togdheer, Hotel gargaar ka soo horjeedkiisa, seyladda iyo calaamadaha; dawladda hoose ka soo horjeedkeeda iyo halka basaska idaacaddu ka baxaan. Meelaha an sheegey iyo meelo kale oo la mida waxa ay ahaayeen halka reeraha laga quudiyo oo risiqa caruurta lagu koriyo laga soo saaro sanadihii 1991 iyo kuwii ka danbeeyey. Dadka manta 35 jirka ah iyo wixii ka yar ee reer Hargeisa intooda badan meelaha iyo meelo la mida ayaa lagu soo koriyey. Magaalooyinka kalena la mid ayay ahaayeen.

8 MarchMarkii dalka lagu soo noqdey mey jirin wax shaqo ah oo mushara laga qaataa. Raguna boolatiig iyo gidaaradoo la istaago mooyee mey heyn wax camal ah. Hooyooyinka fadhi uumuu oolin oo mid walba intey xeydatey ayay quutal yawmka u raadisey caruurta. Halka ay ragu sugayeen inta ay dawlad loo shaqeeyaa dhalaneyso, dumarku dab kasta wey isku tuureen si ay bariiska caruurta u soo saaraan. Meelahaa an soo sheegey ee magaalada Hargeisa ah, waxa fadhi jirey dumar dalaayado hadhsanaya oo jaadka ku iibinaya. Waxay soo fadhiisan jireen 10 ka aroornimo waxaaney ka kici jireen 8 habeenimo. Waxa ay bacadkaa maalin kasta u fadhiyeen waa biilka beri caruutu cuneyso ka soo saara.

Raggu wey ka khajilayeen iney shaqo hoose qabtaan balse dumarka khajilaad uumey oolin oo mid walba 10 af oo ninku ku jiro ayaa soo eegaya oo wax lagu rido doonaya. Inantaa yar ee iskuula ka soo habsaantey iyo hablaha kale ee qeyrkood ah waxa hooyadu ay kaga sii tagtaa guriga si ay caruurta kale ee iskuulka ku maqan bariiska uugu sii kariso, kuwa yaryar ee aan weli iskuulka gaadhina ay u sii ilaaliso. Marka ay kuwii iskuulka ku maqanaa soo rawaaxaan ee ay inantu qadeysiiso ayay caruurta la sii dardaarantaa, markaasey inta ay woxoogaa bariis ah kaloodh ku soo rido u geysaa hooyadeed oo bacadkii fadhida. Markaasey halkaa ka orodaa oo ay iskuulkii tagta. Inantan lagu sheegayo ee reerka kala wadaa waa 10 jir iyo wax aan dhaamin. Xiligaa an ka sheekeynayo iyo in badan maantaba “reer” haddaad maqasho waa hooyada iyo inantaa yar.

Jaad oo keliya lama iibineyn ee hooyooyinka qaar intey joonyado isku kakabeen ayay maqaaxi xeyraan meel ka furan jireen. Qaarbaa iyaga oo dhowr bakeeri io kildhi sita magaalada wareegayey oo waxa ay raadinayeen meel dhisme laga wado markaasey shaah karinayaan si kuuliga iyo wastaadiintu uuga iibsato. Qaarbaa marka salaada subax la tukanayo taagan sariibadaha oo sugaya baabuurta khusradda ka keeneysa beeraha si ay dhakhso uuga iibsadaan oo ay uula tagaan meelihii ay ku iibinayeen. Qaarbaa xero dhiigta ku kalaha oo hilibka ka soo iibsada si ay u sii iibiyaan.

Waxbarashada ayaan aad uugu lug lahaa xiligaa. Ardeydana waxa laga qaadi jirey woxooga xaqal shaah ah ileyn macalimiintu mushahar may qaadan jirine. Marka ardey iskuulka laga soo eryo ama la yidha waalidkaa u yeedh oo lacagtii keen dheh, aabuhu muu soo raaci jirin, waayo uu ka khajilaya inu yidhaa waar waxba ma heysane inanka yar ii daa iskuulka ha dhigtee. Balse hooyadii oo bacadkii laga soo kiciyey ayaa iskuulka imaneysa oo maamulaha la hadleysa oo odhaneysa hooyo an kuu duceeyee inanka ha iga soo eryin ee ii daa marka an wax helo anaa keeniye. Maamulahaasi ayay u calaacaleysaa oo ay u dan sheeganeysaa si inankaa yar loogu daayo oo uu wax u barto. Hooyadu cidna ka khajili meyso marka ay timaado danta caruurteeda iyo nolosha reerkeeda. 10 ka shilin ee hooyo soo gala, marka ay uugu yar tahay 9 ayaa caruurta ay wax uugu qabaneysaa. 10 shilin ee aabo soo gala, ka uugu wabaagsan 5 shilin ayaa caruurta ka soo gaadheysa.

Raga iyo dumarka maanta mansabyada haya ee qaarkood dalka taladiisa wax ka haya, kuwa hey’adaha ka shaqeeya, qaar weli wakhtigu hayo oo aan fursadaa helin, in badan oo qurba jooga, wadcigaa an sheegeyo iyo si la mid ah ayaa lagu soo koriyey. Abaalka hablaha iyo hooyooyinku ragga ku leeyihiin marna ma gudi karaan.

Hooyooyinkii weli sidii ayay u fadhiyaan meelihii an soo sheegey. Kama aha lacag jaceyl ee jaadka iyo khudradda iyo hilibka ay bacadka la fadhiyaan waxa ay ku soo korinayaan jiilka beri dalkan hogaamin lahaa. Weli dumarka iyo hooyooyinka badankoodii wey dayacanyihiin, waxaaney u baahanyihiin taagero iyo qadarin. Waa muhiim in dawladdu ay hoos u eegto wadciga dumarka ee dalka. Waa in dumarka laga qeyb geliyaa hogaanka dalka iyo taladiisa. Waa markii u horeysey ee gabadh loo magacaabo wasiir wasaaradda uugu awooda iyo shaqada badano o maaliyadda, waana arin dhiirigelintiisa leh. Balse waxa iyana muhiim ah in hoos loo dhaadhaco oo la eego dumarka duruuftu heyso ee weli halgamaya iyo sidii noloshooda kor loogu qaadi lahaa. Waa muhiim in xisbiyada qaranka iyo golayaashaba laga qeyb geliyo oo ay ka qaataan door muuqda.

Shakhsiyan maxaa adigaagan maqaalka akhriyaya kula gudboon? Xuska maanta ee maalin ta dumarka, maaha in laga hadlayo dumar kale iyo dawlado kale toona. Waxa laga hadlayaa waa hooyadaa bacadka fadhida iyo inantaa yare e waxna baraneysa reerkana wadda. Haddii hooyadaa nooshahay iyo walaashaa waa muhiim inaad berri xustaa oo ad madaxa ka dhunkataa. Waa muhiim iyo hooyo kasta oo kaa soo horbaxda ama ad caleen qoyan u dhiibto ama ubaxa ama ad la hadshood tidhaa maanta waa maalintiinii. Waxa iyana muhiim ah inaan xafladaha aan lagu eekeysiin meelaha inta ladani soo gaadhi karto oo keliya, balse waxa muhiim ah in wasiirada iyo bulshada inta kale ee muuqataa ay booqdaan meelaha dumarku fadhiyaan oo ay hanbalyeeyaan.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here