“Qoys Ahaan Waxaa Iga Geeriyooday Sideed Qof Oo Lix Aanu Walaalo Ahayn Iyo Hooyada Iyo Aabahay, Waxaana Ka Hadhay Aniga iyo…. ”

0

Xogwarranka Wiil Arday Ah Oo Ka Soo Hadhay Qoyskiisii Oo Masiibo Kala Kulmay Duufaannadii Xeebaha Galbeedka Somaliland Ku Dhuftay

“Anigu Xaafadayada Lamaan Joogin Oo Dugsi Ayaan Dhiganayey, Subaxdii Ay Duufaanadu Yaraadeen Ayaan Xaafadii Tagay,Waxaanan Arkay….”- Ibraahin Muuse Cabdi

 

Hargeysa(Hubaal):-Ibraahin Muuse Cabdi oo ka mid ah ardayda wax ka dhigata deegaanka Gargaara oo ka mid ah xeebaha gobolka Awdal ayaa ka warramay masiibo ka soo gaadhay roobabkii duufaanada ahaa ee ku dhuftay gobolada Awdal iyo Selel. Ibraahin Muuse Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in isaga oo ku maqan waxbarashadiisii ay reerkoodii qaadeen daadadkii xooga badnaa ee ka dhashay roobabkii ka da’ay xeebaha gobolka Awdal, waxaanu sheegay inay ka geeriyoodeen sideed qof oo ay ku jiraan hooyadii iyo aabihii. Ibraahin Muuse oo ka hadlaya masiibada uu kala kulmay roobabka ayaa waxa uu yidhi “Magacaygu waa Ibraahin Muuse Cabdi xaafadayada lamaan joogin oo dugsi ayaan dhiganayey, subaxdii ay duufaanadu yaraadeen ayaan xaafadii tagay,waxaanan arkay xaafadii oo uu daad qaaday, qoyskayagiina waxa ka hadhay aniga iyo sadex kale.” Ibraahin Muuse ayaa intaas raaciyey “Qoys ahaan waxa iga geeriyooday sideed qof oo lix aanu walaalo ahayn iyo hooyada iyo aabahay.” Xeebaha gobolada galbeedka somaliland ayey si adag u saameeyeen daadadkii awooda badnaa ee ka  dhashay duufaanadii ku dhuftay, iyada oo dadkii ku noolaa deegaanada xeebuhuna ay la yihiin guryo ay ku hoydaan, dhar ay xidhaan iyo cunto ay quutaan. Xukuumada somaliland oo diyaarado gargaar ah ka heshay dalka imaaraadka carabta ayaa haatan ku ku guda jirta inay gargaar gaadhsiiso dadka ay saameeyeen duufaanada ku dhuftay xeebaha dalku.

Xukuumadda Oo Daah-furtay Aqoonsi Dhaq-dhaqaaqa U Fududaynaya Gaadiidleyda U Kala Gooshta Gobollada Dalka

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Oo Shalay Daah-furay Wejigii Labaad Ee Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka

 

Hargaysa(Hubaal):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL,  Mudane: C/laahi Abokor Cismaan ayaa shalay magaalada Hargeisa si rasmi ah ugu daah-furay wajiga labaad ee Kaadhka dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL Mashruuucan oo ay  Wasaaradda Gaadiidka hore uga hirgalisey Gobolada maroodi-jeex iyo Saaxil ayaa    tababar loo furay dhamaan isuduwayaasha gobolada dalka iyada oo wixii maanta ka danbeeya Kaadhkan casriga ah ee Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL laga bixin doono dhamaan Gobolada JSL. Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maanta aad baan ugu faraxsanahay in aynu isugu nimaadno kulankan ama tababarkan, runtii tababarkani laba ujeeddo ayuu xambaarsan yahay, ujeedada koowaad waa in la idinku tababaro system-kan technology-ga ah ee Wasaaraddu qaadatay, qodobka labaadna waa isbarasho maadaama oo aydun Wasaaradda ku cusub tihiin dhamaantiin, aad baan ugu faraxsanahay in aan idiin duro tababarkan”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Laga bilaabo maanta marka aad tababarkan qaadataan wixii ka danbeeya Wasaaraddu waxa ay joojin doontaa in la isticmaalo buugii hore, waxa aynu isticmaali doonaa kaadhkaa oo inoo sahlaaya inaynu markiiba xogta ogaano…Sidaa awgeed waxa aan idiin iclaaminayaa in aan buugii hore loo isticmaali doonin mid cusub duplicate iyo kala wareejin. Kaadhadhkaa ayaynu isticmaali doonaa, faa’iidooyinka kaadhkani waxaa kamid ah marka aynu u baahano xog muddo ayay inagu qaadan jirtay laakiin imika waxa aydin ku qaadanaysaa wax ka yar sekan, inaad marka aad numberka galisaan heshaan xogta gaadhigaasi qofka leh , chessis number-kiisa, model-kiisa”

Sidoo kale waxa uu Wasiirku goobta uga mahadnaqay shirkadda GTS “Qodobka labaad ee an jecelahay maanta waxa weeyaan in aan u mahadnaqo shirkaddan GTS, runtii waxa ay inoo keentay innovation ama halabuur cusub ayay inoo keentay”

Sidoo kale waxa uu Wasiirku ku dheeraaday faa’iidada kaadhka ee amni iyo sida uu systemkani dowladda ugu fududayn doono cashuur ururinta gaadiidka.

Waxa kale oo halkaasi hadal ka jeediyey CEO-ga Shirkadda GTS Khalid Sheekh Muxumed Sheekh Yusuf “ Shirkadda GTS waa shirkad wadani ah isla markaana programs-ka ay samaysaa ka shaqeeyaan wadamo badi africa ku yaal, Shirkadda ahdaafteeda u mudan waxaa kamid ah soo bandhigida IT Solutions ka qaybqaadan kara kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalkeena JSL.

Maamumuluhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi” Mashruucan Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL  ooh ore loogu guuleystay ka hirgalintiisa Gobolada Maroodi jeex iyo Saaxil ayaynu maantana u fadhinaa in aynu ku tababarno isuduweyaasha Wasaaradda Gaadiidka ee gobolada si looga bixiyo dhamaan gobolada dalka JSL”.

Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo isna hadal ka jeediyey kulankan ayaa yidhi “ Kulankeenan waa hawshii koobaad ama seminar-kii koobaad ee shaqo qaran ah ee aad u timaadaan xarunta caasimada idinka oo tababar halkan la idinku siinayo sidii loo balaadhin lahaa Kaadhka Dhaqadhaqaaqa Gaadiidka dadweynaha oo ay Wasaaraddu ka hirgalinayso dhamaan gobolada dalka”

Cali Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolajiyadda oo hadal ka jeediyey madasha ayaa wax uu yidhi” Wasaaradda Gaadiidku ha cusboonaato balse iyadaa hogaaminaysa horumarka iyo innovation-ka maanta waa taa systemkii u horeeyay casriyeysay, system aan la casriyeyn 25 sanno ayay ku dhiiratay.

Ayaan Cabdicasiis Agaasimaha Waaxda Liisamada iyo Buugaagta oo hadal iyaduna halkaa ka soo jeedisay ayaa waxa hadaladeedii kamid ah “Shaqadani waxa ay ku koobnayd Hargeisa iyo Berbera balse waxa aan imika ku faraxsanahay in shaqadii iga kala fududaan doonto oo gobol walba dalka uu gaarkiisa u bixin doono kaadhkii dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Tirada Qoysaska Cusub Ee Somaliland U Soo Kordha Sanadkii Iyo Kuwa Ka Burbura

0

“Wiilasha Waxaan Odhan Lahaa Ku Faro-adayga Qoyska Ugu Horreeya,  Inta aad Mid Labaad U Hanqal Taagaysaan, Kii Horena Duminaysaan”

Hargeysa (Hubaal/Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Shaqo Gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi,ayaa sheegtay in ay xil iska saareen bisha barakaysan ee Ramadaan in ay quudiyaan dadka maskaxda ka xannuunsanaya iyo carruurta derbi jiifka ah oo xilliga Ramdaanka aan helin meel ay wax ka cunaan.  Waxaa kale oo ay ka hadashay  gurmad loo sameeyay dadkii roobabka dabaylaha watay saameeyeen oo ay wasaaradda shaqo gelintu ka qayb qaadatay. Waxaa kale oo Wasiir Hinda ay ka hadashay tirakoob guud oo ay ku sameeyeen shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka ka shaqeeya iyo dhaqaale kaalmo ah oo ay ku taakuleeyaan qoysas reer Somaliland ah oo bulshada ku dhex nool oo aan haysan wax ay ku noolaadaan oo ay kaalmo bille ah gaadhsiiyaan. Wasiirka oo xog warran siisay majallada dawliga ah ee xukuumaddu maamusho waxaa kale oo ay ka war bixisay arrimo ku saabsan waxqabadka xafiiskeedu ku tallaabsaday muddadii ay xilka haysay, waxaanay tidhi “ Waxyaabo  badan ayaa noo qabsoomay,waxyaabaha noo qabsoomay waxaa ka mid ah waxaanu diiwaan gelinay dhammaan shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka jooga iyo noocyada shaqo ee ay hayaan waxaa kale oo aanu soo saarnay in aan shirkadaha iyo hay’ahada dalka ku sugani in aanay dalka dibeddiisa ka keeni karin shaqaale ajaanib ah oo qabta shaqo qof muwaadin ah oo Somaliland u dhashay uu qaban karo waanan kula xisaabtamaynaa oo waanu ku dabo gelaynaa. Waxaa kale oo noo qabsoomay waxaanu samaynay oo aan hore dalka uga jirin wasaaradduna aanay lahayn waaxda Naafada oo ah wax muhiim ah oo agaasime waaxeedkeedii leh oo u adeegaysa dadka naafada ah iyo baahiyadooda,waxaa kale oo aanu samaynay in aanu carruur badan oo derbi jiif ahayd in aanu suuqyada ka uruurinay oo aanu geynay xarunta daryeelka Carruunta ee Maxamed Mooge  oo aanu daryeel wanaagsan u samaynay intoodii ugu badnayd,waxaa kale oo aanu tirakoob guud ku samaynay dhammaan carruurta derbi jiifka ah dalka oo dhan waxaanan  ku samaynaa baadhitaan caafimaad oo aanu ugu geyno derbi jiifku halka ay ku nool yihiin  waa inta aanu awood u waynay in aanu  meel ku geyno e waxaa kale oo aanu ka qayb qaadanaa xilliyada masiibooyinku ay dhacaan sida ta imika ka taagan gobolada galbeed ee roobabka duunaafka watay uu ku dhuftay oo aanu dhar iyo busteyaal ugu talo galnay,waxaa kale oo aanu tirakoob ku soo samaynay dad badan oo qoysas  meelo kala duwan oo dalka ah ku nool oo duruufo kala duwani ay ku gedaaman yihiin oo aan awoodin in ay shaqystaan ama ay helaan nolol maalmeed markaa qoysaskaasna waxaanu si joogto ah u siinnaa biil khayri ah mudadii aanu joognay.” Wasiirka oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay in ay ogyihiin tayada shaqo iyo nooca aqooneed ee ajaanibka dibedda lagaga keenayo  ee dalku u baahan yahay, ayaa tidhi. “Waxaynu u baahannahay waa xirfadleyaal laakiin qoraal iyo luuqado uma baahnin markaa xirfadleyaasha aynu u baahannahayna waa kuwo aanu diiwaan gelinay oo aanu ku daba gelayno cidda keenaysa waxaa kale oo aanu doonaynaa in Somaliland xirfadleyaal aqooneed ay usoo baxaan oo laga wada shaqeeyo sidii aynu xirfadleyaal kala duwan aynu u soo saari lahayn.” Wasiirka oo ka jawaabaysay siday ula socdaan xaaladda dadka maskaxda ka xannuunsanaya iyo carruurta derbi jiifka ah bisha Ramadaan,ayaa  tidhi. “waxaa jirta dadkeena waalan (maskaxad ka xannuunsanaya) iyo carruurta derbi jiifka ahiba aad ayay innoogu dhex dayacan yihiin  gaar ahaan  bisha Ramadaan waxaanay dadkaasi  ay wax ka cuni jireen oo wax siin jirya hudheelada Ramadaantana hudheeladu way xidhan yihiin  mana aha dad sugaya afurka ama xamilli kara gaajada intaa leeg, markaa waxaany samaynay bisha Ramadaan oo aanu bilawnay in aanu gaadiid ku qaadni Roodhi iyo kalluun la isku daray iyo biyo si aanu u quudino dadka waalan iyo carruurta derbi jiifka ah oo aan lahayd cid daryeesha oo qaranka uga sokaysa waanan sii wadaynaa bisha Ramadaan oo dhan,tallaabadan iyo kuwo kale oo badan oo aanu qaadnayba waxay ka mid yihiin waxqabadka Xukuumadda iyo hayal samida ay dadkeeda u hayso ee uu nagu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.” Wasiirka  oo la waydiiyay waxay ka ogyihiin wasaarad ahaan tirada qoysaska Somaliland sanadkii u soo kordha iyo kuwa ka burbura,ayaa ku jawaabtay. “inbadan ayay Somaliland jirtya intaa ay jirtayna qoysasna way  inoo dhismayeen waana innaga dumayeen waxaana xusid mudan carruurta innagu dhex dayacan ee derbi jiifka ah badankoodu waxay ka yimaadeen oo derbi jiifka ka dhigay waxaa qoys burburka waxaanan leeyahay wiilasha iyo hablahaba qoys sida loo dhisaa way fududahay laakiin waxaa culus sida uu u sii jiri karo markaa sal fudayd qoys lagu dhiso laguna dumiyaa waa waxa sababay in aynu yeelano carruur badan oo derbi jiif ah markaa waxaan gaar ahaan wiilasha odhan lahaa ku faro adayga qoyska ugu horreeya ee aad dhistaan inta aad mid labaad u hanqal taagaysaankii horena duminaysaan.”

 

 

 

Ugu dambayn wasiir Hinda oo farriin u dirtay bulshada reer Somaliland gaar ahaan inta wax haysa ee gacantooda maal ku jiro,ayaa tidhi. “waxaynu ku gudo jirnaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan waana maalmo tirsan o kooban markaa waxaa jira carruur badan oo derbi jiif ah  oo u baahan  in aynu uga farxino sida ubadka aynu guryaha inoo jooga ee aynu waalidka u nahay markaa carruurtaas oo aan lahayn cid daryeesha oo qaranka uga sokaysa waxaan leeyahay dadka ALLE wax siiyay walaalayaal carruurtaana aynu ciid siino oo  aynu ka farxinno sako iyo sadaqad labaduba way ku  baxayaan ee yaynaan illaawin in ubad derbi jiif ah oo ubadkeena la mid ah oo ALLE innagu eegayaa uu jiro oo u baahan in aynu u buuxino kaalintii waalidnimo.”

Baaq ay Hay’adda Horumarinta Bariga Afrika Kasoo Saartay London Oo Ku Wajahan Duufaannadii Ku Dhuftay Galbeedka JSL

0

War-saxaafadeed: “Hayadda horumarinta barigga Africa ee EAD waxay bulshadda Somaliland ugu baaqaysaa in si deg deg ah oo wadajir ah loogu gurmado dadka dhibaatadu ka soo gaadhay roobabka ”

Sida  aynu la socono  roobabkii dabaylaha watay ee bilawgii todobaadkan ku dhuftay qaybo ka mid ah xeebta iyo goboladda galbeed ee Somaliland waxay dhibaato weyn soo gaadhsiiyeen qaybo badan oo ka mid ah bulshadeena. Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa masiiabaddaa u geeriyooday dad ka badan 30 ruux, halka qaar kalena la laayahay. Sidaas oo kale waxaa  ku baro kacay qoysas badan, iyadda oo qaar badan oo kalena ay ku caydhoobeen.

Sidaas darteed, hayadda horumarinta barigga Africa ee EAD waxay ugu baaqaysaa bulshadda bulshadda Somaliland in si deg deg ah oo wadajir ah loogu gurmado dadka dhibaatadu gaadhay.ee ku nool xeebta goboladda Awdal iyo Salal gaar ahaan degmadda Lughaya iyo inta ku teedsan.

Hayadda EAD waxay ku dhiiri galinaysaa, uguna baaqaysaa xukuumadda JSL, hayaddaha samafalka , wadamadda muslimiinta iyo kuwa deeqaha bixiya,  iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda  inay dar dar galiyaan hawlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka dhibaatadu soo gaadhay. Hayaddu waxay si gaar ah ugu baaqaysaa ganacsatadda iyo qurbajoogtu inay is abaabulaan, si deeqsinimo leh-na  ugu hagar baxaan taakulaynta iyo caawinta bulshadeena  dhibaataysan.

Ugu dambayntii, hayadda EAD waxay ku bogaadinaysaa xukuumadda Somaliland, wadamadda aynu dariska nahay sida deg dega ah ee ay u bilaabeen gurmadka.

Jazaakalaah khayr

Gudidda fulinta EAD UK

Kulan Lagu Lafo-gurayo Nidaamka Maalliyada Iyo Wareegtooyinka Xisaabaadka Dawladda Oo Hargeysa Ka furmay

0

Hargeysa (Hubaal)- Agaasihamaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa magaalada Hargeysa ka furay kulan lagu falanqaynayo hagayaasha xisaabaadka oo ka qayb ka ah Mashruuca dib u habaynta maaliyadda qaranka Somaliland. Kulan hawleedkan oo socon doona muddo afar maalmood ah waxa dib u eegis iyo lafo-gur lagu samayn doonaa nidaamka xisaabaadka ganacsatadada yar yar iyo kuwa dhexe, hagayaasha faahfaahinaya hagayaasha xisaabaadka dawladda iyo wareegtooyinka xisaabaadka. Munaasibadda furitaanka mashruucan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka soo qaby galay saraakiil ka socday xafiiska xisaabaadka guud ee qaranka, wasaaradda maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo tiro badan, kuwaasi oo muddada uu kulankani socda ka doodi doona mashruucan dib u habaynta miisaaniyadda qaranka. Xidhiidhiyaha mashruuca dib u habaynta maaliyadda mudane Xasan Faarax ayaa faahfaahin dheeraad a ka bixiyay faa’iidada iyo ujeedada looga dan leeyahay mashruucan dib loogu habaynayo miisaaniyadda qaranka, waxaanu sheegay in kulankani uu daba socday kulamo kale oo ka horreeyay. Agaasihamaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, oo munaasibaddaasi hadal ka jeediyay ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha in ay ka faa’iidaystaan muddada uu shirkani socdo, waxaanu yidhi “Waxaynu galnay afar maalmood oo shaqadeena muhiim u ah, mar haddii dib u eegis la yidhaahdo hadhow dib loogu noqon maayo, markaa wixii maanta ku dhaafa ka daba tag ma leh, waxaan idinkula dardaarmayaa arrintan muhiimadda gaarka ah inoo leh in aynu u hagar baxno, sababta oo ah waxaa laga yaabaa in aynu ku shaqayno boqolka sannadood ee soo socda ama muddo aad u dheer, waana bar-bilaw.” Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxamed Daahir ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxaanu hogatusaaleeyay ka soo qayb galayaasha faa’iidada uu kulankani u leeyahay dib u habaynta lagu samaynayo miisaaniyadda qaranka.

Duufaanno Hor Leh Oo La Filayo Inay Ku Dhuftaan Puntland

0

Duufaan ka kacday waqooyiga badda Hindiya ayaa lagu wadaa inay ku dhufato xeebaha dalka Cumaan illa 3 iyo 4 maalmood, duufaanta ayaa halis gelinaysaa maraakiibta iskaga kala goosho dalka Soomaaliya iyo dalalka gacanka , waxayna saamayn ku yeelan doontaa gobolka Bari ee maamulka Puntland 24-ta saac illa 48-ka saac ee nagu soo aadan.

Roobab dabaylo wata ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka da’aan gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in khaasaraha ka dhalan kara duufaanta la filaayo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari ay noqon karto mid aan badnayn marka loo barbardhigo khasaarihii ka dhashay dufaantii Sagar ee dhawaan la wareegtay qaybo kamid ah gobolka geeska Afrika.

Dadka deegannadaasi ku dhaqan ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan islamarkaasna la sheegay in duufaanta ay dhalin karto burbur gaar ahaan goobaha u nugul roobabka,

 

Qaramada Midoobay waxay sido kale sheegtay in deegannada digniinta hor leh laga soo saaray oo horraan ay ka jireen daadad saameeyay dadka.

Khasarahii dhawaan ka dhashay duufaanta

Somaliland

Jamhuriyadda Somaliland waxay sheegtay in 31 qof ay ku dhinteen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan.

 

Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo.

Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal,Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Saylac

Waxaana gargaar la gaarsiiyay dadka ay fataahadaha ay saameeyeen halka kuwa ku xayiranaa halkaasi laga daadgureeyay.

Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi.

Muqdisho

Roobabka mahiigaanka ah oo maalmihii lasoo soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo naawixigeeda ayaa sababay dhimashada inta la xaqiijiyay lix qof iyo burburka boqolaal guri.

Roobaabka ayaa dhaliyay faatahado guud ahaan gobolka, magaalada Muqdishu waxay fataahadaha saameeyeen xaafado dhowr ah wuxuuna sababay barakac ballaaran.

Jabuuti

Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UN-OCHA ayaa sheegay in 2 qof ay duufaanta ku dishay dalka Jabuuti halka illaa 30,000 qof ay guryahooda ka barakaceen kaddib markii ay daadadka ay saameeyeen.

 

Agaasimaha Hay’adda NRC, Nigel Tricks wuxuu sheegay in duufaantani ay tahay tii ugu xooganayd ee abid gobolka ku dhufata.

Xigasho: BBC-somali

Wasiirka Gaadiidka Oo Daahfuray Balaadhinta Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Ee Gobolada Somaliland.

0

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL,  Mudane: C/laahi Abokor Cismaan ayaa maanta magaalada Hargeisa si rasmi ah ugu daah-furay wajiga labaad ee Kaadhka dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL Mashruuucan oo ay  Wasaaradda Gaadiidka hore uga hirgalisey Gobolada maroodi-jeex iyo Saaxil ayaa  maanta tababar loo furay dhamaan isuduwayaasha gobolada dalka iyada oo wixii maanta ka danbeeya Kaadhkan casriga ah ee Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL laga bixin doono dhamaan Gobolada JSL.

 

 

 

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maanta aad baan ugu faraxsanahay in aynu isugu nimaadno kulankan ama tababarkan, runtii tababarkani laba ujeeddo ayuu xambaarsan yahay, ujeedada koowaad waa in la idinku tababaro system-kan technology-ga ah ee Wasaaraddu qaadatay, qodobka labaadna waa isbarasho maadaama oo aydun Wasaaradda ku cusub tihiin dhamaantiin, aad baan ugu faraxsanahay in aan idiin duro tababarkan”.

 

 

 

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Laga bilaabo maanta marka aad tababarkan qaadataan wixii ka danbeeya Wasaaraddu waxa ay joojin doontaa in la isticmaalo buugii hore, waxa aynu isticmaali doonaa kaadhkaa oo inoo sahlaaya inaynu markiiba xogta ogaano…Sidaa awgeed waxa aan idiin iclaaminayaa in aan buugii hore loo isticmaali doonin mid cusub duplicate iyo kala wareejin. Kaadhadhkaa ayaynu isticmaali doonaa, faa’iidooyinka kaadhkani waxaa kamid ah marka aynu u baahano xog muddo ayay inagu qaadan jirtay laakiin imika waxa aydin ku qaadanaysaa wax ka yar sekan, inaad marka aad numberka galisaan heshaan xogta gaadhigaasi qofka leh , chessis number-kiisa, model-kiisa”

 

 

 

Sidoo kale waxa uu Wasiirku goobta uga mahadnaqay shirkadda GTS “Qodobka labaad ee an jecelahay maanta waxa weeyaan in aan u mahadnaqo shirkaddan GTS, runtii waxa ay inoo keentay innovation ama halabuur cusub ayay inoo keentay”

 

 

 

Sidoo kale waxa uu Wasiirku ku dheeraaday faa’iidada kaadhka ee amni iyo sida uu systemkani dowladda ugu fududayn doono cashuur ururinta gaadiidka.

 

 

 

Waxa kale oo halkaasi hadal ka jeediyey CEO-ga Shirkadda GTS Khalid Sheekh Muxumed Sheekh Yusuf “ Shirkadda GTS waa shirkad wadani ah isla markaana programs-ka ay samaysaa ka shaqeeyaan wadamo badi africa ku yaal, Shirkadda ahdaafteeda u mudan waxaa kamid ah soo bandhigida IT Solutions ka qaybqaadan kara kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalkeena JSL.

 

 

 

Maamumuluhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi” Mashruucan Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL  ooh ore loogu guuleystay ka hirgalintiisa Gobolada Maroodi jeex iyo Saaxil ayaynu maantana u fadhinaa in aynu ku tababarno isuduweyaasha Wasaaradda Gaadiidka ee gobolada si looga bixiyo dhamaan gobolada dalka JSL”.

Qoys Agoon ah oo Baaq Cabasho Dhul ah u Diray Madaxweyaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

0

Hargeysa (Hubaal)- Qoys agoon ah oo lagu haysto goob dhul-beddel loo siiyey oo ku yaal degmada Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa, ayaa farriin codsi ah u diray Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay ka codsadeen in wax laga qabto sifo caddaalad-darro ah oo la doonayo in dhulkooda looga qaado.

 

“Waxaan u sheegayaa dawladda sharafta leh, Madaxweynaha leh, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare leh, ee Wasiirka Caddaaladda leh, dulmiga la igula dhacay ee aan halkan ku soo bandhigayo, ee jaarkii ii taaggan yahay, ee dadkii la ila siiyey ii taagan yihiin, ee faylkaygii oo dhammaytiran u haysto, ee muddadii la i dajiyey dhulkaas danta guud ah aan degay la iga soo raray balloogayga NRC-da iskuulka ka dhistay uu Maayar Jiciir iga soo raray uu ee dhulka beddelka i keenay dhulkaas sifo sharci ah aan ku dagay oo caddayntiisuna u dhammaystiran tahay.

 

Dhulkan oo aan u sameystay sees qaddiim ah markii dawladda hoose ee Hargeysa ay na siiyey sannadkii 2010-kii ee sharcigaygii oo dhammaystiran aan u sameystay ee aan sannad walba cashuur ka bixinayey ee cid i haysata iyo cid igu haysata iyo cid igu qabsata marnaba aanan arag, ayaa muddada yar ee kooban waddadaas yar ee laamiga ah i hormartay, ayaa gabadhi seeskaas aad arkaysaan ee qadiimiga ah ka soo tallaabsatay ay ka jeexatay laba baloodh, markii jaarku ii soo sheegeen ee aan ugu imi aan ee aannu isla tagnay maxkamadda ee aan xaashi igula doodo sidan ee ay leedahay; ‘Maanta dhulkaas waxaasaan ku leeyahay.’ Anigana sharcigaygu ii dhammeystiran yahay, aan xaashi ka dhinayn, markii Waaxdu aragtay ay runta u sheegay ee ay ku tidhi; ‘Dhulkan waxba kuma helid, gabadhani [Kawsar Cabdi Cabdillaahi] sifo sharci ah ayey ku mulkiday.’

 

Sida ay sheegtay marwo Kawsar Cabdi Cabdillaahi, cidda dhulkan loo xukumay, ayaa nootaayo ay qoreen ku sheegay in aanay jirin wax dhul ah oo ay iyada ku haystaan, haddana ay la yaabtay cidda sifada sharci-darrada ah loogu xukumay goobta dhul-beddelka loo siiyey.

 

“Dhulkaas oo ilaa iyo maalintii dhul beddelka la iigu sameeyey mulkiyaddiisa qaatay aan cashuurtiisa bixinayey, ayaa haddana Gabadhaasi xukunkaas ka booday, ee ay haddana tagtay tii Dawladda Hoose, markii la baadhay sidii uu ahaa ee loo soo sheegay Dawladdii Hoosena halkeenii martay xukunkii Waaxda ee halkaas laga saaray. Intaas kumay hadhin ka booday oo tii Maxkamaddii Sare u ambiil-qaatay, haddana xukunkii halkii maray markii dhulkii la yimi, haddana halkeedii laga saaray ee haddana tidhi; ‘Wax dib-u-eegis la yidhaahdo ayaan doonayaa.’

 

Waxa markii dambi nagu dhacay xukun dib-u-eegis ah oo summaddiisu tahay Tix:MS/I/DB/18/2017 oo ka soo baxay Maxkamadda Sare, taariikhdu markii ay ahayd 26/4/2018, waxaanna xukunkaas soo saaray rag aanan filayn anigu oo qaar qoyskeeda yahay, ninka Cabdiraxmaan Xasan Nuur la yidhaahdo oo ninkeeda Abti rumma u ah iyo inan kale oo la yidhaahdo Cabdiqaadir Axmed Maxamuud iyo ninka la yidhaahdo Maxamed Faarax Siciid, labada nin ee kale ma cambaaraynayo, waxna kuma hayo, dhulkaygana may iman. Saddexda nin ee aniga ii badheedhay ee caddaalad-darrada iigu badheedhay ee dhulkayga dib-u-eegistaa ku xukumay waa saddexdaas nin,” ayey tidhi Kawsar Cabdi Cabdillaahi.

 

Waxayna intaas ku dartay; “Waanna Maxkamadda Sare, waxayna ii soo cuskadeen ninkii laga jaray danta guud ee dawladdu ka goosatay anigana dhul-beddelka la iigu siiyey oo la yidhaahdo Maxamed Fadal, oo dadka dhinac kasta iga xiga haysta, ayaa nootaayo u soo qoray, waxay yidhaahdeen; ‘Waxaad tidhaahdaa, markii aannu dhulka kala qeybsanaynay aniga dhulkayga lagama jarin.’ Xukunkaas dhan ee ay soo-saareen intaas raggaasi ku soo saareen; ‘Ina Fadal ayaa yidhi, dhulkaas aniga la igama jarin.’ Nin tuug ah oo maalin walba jeel ku jira, oo dhulkiisii laga gooyey, oo dhulkiisii madhiyey.

 

Raggaasi waxay xukunkaas u cuskadeen oo ay ku soo saareen dhulkaas, Dawlad Hoose iyo dawlad sare ayaa og, oo dhulkaasi waa wada dan guud, oo dhammaan kuwa igu xiga oo dhammi waa wada dan guud oo maalin ayaa nala wada siiyey, dhulkii la iga soo raray ee dhul beddelka la iigu sameeyey ee iskuulka laga dhisayna waxba igama foga oo wuu u muuqda.

 

Waayo, dhulkayga dhul beddelka la iigu sameeyey ee iskuulka laga dhisay dhakada kaga soo dhaceen oo gurigoodii noqotay, dadkan hadda dhulka igu haystaana waxa ay igu eeganayaan dumarnimada iyo agoonta aan haysto, aniga waa la ii badheedhay, saddexdaas garsoore ayaanna ii badhaadhay oo si cad oo aanay geedna iigu soo gabban, waxayna ii cuskadeen waa nootaayo uu nin kale qoray.

 

Haddaba, haddii dhulkayga shaki la galay oo ay tuhun ka galeen oo ay shakiyeen, ma waxay garan waayeen Dawladda Hoose caddayn keena ku dhaha dhulkan ciddii leh, ma dhul dad baa, mise waa dhul dan guud ah oo Dawladda Hoose ayaa bixisay? Anigu ma dhul dan guud ah ayaan oo dhul beddel la iigu sameeyey ayaan dagannahay mise dhul dad leeyahay?

 

Aniga dhulkan dhaxalna iguma soo galin, lacagna maan siisan ee dhulkaygii ayaa la iigu beddelay, sifo sharci ahna waan ku dagay, dawlad ayaa i keenay, waanay i dajisay, wixii lagu mulkiyey ayaan sameystay oo faylkaygii oo dhammaystiran ayaan sameystay, seeskayga oo dhammaystiran ayaan sameystay, sannad walba cashuur ayaan ka bixiyaa. Waayo, dadka oo dhammi halkaas ayuu dagan yahay ee loogu qabsan waayey, maxay seeskaygan qadiimiga ah u dumin waayeen?

 

Aniga waa la ii badheedhay, Madaxweynahana sharafta leh, Guddoomiyaha Makamadda Sare iyo Wasiirka Caddaaladdaba waxaan ka codsanayaa dhibaatadaas la igu sameeyey ee wax alla wax la ii cuskaday iyo wax caddayn ah midna aanay jirin ee la igu haysto ee la yidhi; ‘Nin ayaa soo qoray nootaayo.’ La igaga xukumay ninka yidhi, xaq ma’aha ee xaq-darro ayaa la igaga xukumay. Waxaan ka codsanayaa inay iga qabtaan oo si degdeg leh oo sharaf leh ay caddaalad-darradaas dhulkaygii dhul beddelka ahaa la igaga xukumay,” ayey tidhi Kawsar Cabdi Cabdillaahi.

“Ciddii Hore Ugu Fashilantay Ceel-afwayn Dibada Ayaanu Dhigaynaa, Waxaanna Xalkeeda Galaya aniga, Xasan Ciise, Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Cali Khaliif”

0

Dad Magac Ku Leh Qaranka Somaliland Oo Shaaciyey Inay Isu Xilqaameen Dhex-Dhexaadinta Beellihii Ku Diriray Deegaannada Ceel-Afweyn

“Madaxwaynaha Waxaanu Leenahay Labadii Qoddob Ee Aanu Goob-Jooga Ka Ahayn Fuli, Cida Dambiga Lehna Horaa Loo Dayacay Ee Waa In Caqligu Shaqeeyo Oo  Dambiga Lagu Qaadaa…. Shantii Nin Ee Fidmadu Ka Dhacdayna……”

 

Hargaysa(Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga  Cadaalada Iyo Daryeelka Somaliland Ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xaallada Coladeed ee ka taagan deegaanka Ceel-Afwayn Ay Qorsheyeen in Ay Galayaan Siyaasiyiin Uu Hogaaminayo Xasan Ciise Jaamac Iyo Masuuliyiin Kale Oo Qaranka Magac ku Leh. Faysal Cali waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaaalada Hargaysa shalay ayaa sheegay in mas’uuliyiintii hore u galay xaalad ceel-Afwayn ay ku fashilmeen isla markaasina hadda aanay haboonayn in ay markale ku noqdaan.  “Arrinta Ceel-afwayn madaxwaynaha waanu kala hadalnay oo xalkeeda waxa galaya aniga [Feysal Cali Waraabe], Xasan Ciise Jaamac [Madaxweyne ku xigeenkii u horreeyey ee JSL], Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax [Madaxweyne ku xigeenkii 2aad ee JSL] iyo  Cali Khaliif Galaydh {Hoggaamiyihii Khaatumo], laakiin cidii hore ugu fashilantay gali mayso oo dibada ayaanu dhigaynaa,waxaanan halkan uga mahadnaqaynaa cidii tagtay ee arrinka nagu sintay, waxaanan soo jeedinayaa markasta in xabad la joojiyo oo nabad la qaato si goobta ay xasilooni uga dhalato”. Sidaas ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata faysal cali waraabe.”waxaan halkan ka sheegayaa shantii nin ee dhintay fidmaduna ka dhacday waxaan leeyahay sooma noolaanayaane aynu u talino inta nool waa inuu caqligu shaqeeyaa, cida dambiga leh waa in bulshadda reer Somaliland dambiga ku qadaa horena waa loo dayacay, madaxwaynaha waxaanu leenahay labadii qodob ee odayaashu kuula yimaadeen ee aan anaguna goob jooga ka ahayn ee aad qaadatay  fuli si ay u dhisanto kalsoonidii dawladnimadu. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal CALI Waraabe ayaa ka warramay qorshayaasha madaxwaynaha looga baahan yahay inuu ka qaato xaalada adag ee ka taagan iyo sidii uu waliba gurmad ugu fidin lahaa ayaa waxa uu yidhi.

“Waxaan leeyahay awdal haloo gurmado buluxaar haloo gurmado dhulka ay duufaantu ku dhufatay oo dhan haloo gurmado,Madaxwaynaha waxaan leeyahay baaq dawladeed sameeya,waxaana madaxwaynaha laga rabaaa inaad soo fadhiisto ood dadka la hadasho uuna tacsiyadayso dadka ay dadku ka dhinteen xoolahuna ka baxeen oo hadal fiican aad jeediso ayaanu ka codsanaynaa lakiin wareegto uun hasoo qorin.Sidaas ayaa uu yidhi guddoomiyaha ucid.

“Waxaan Shacabka Ugu Baaqayaa In Ay Garab Istaagaan Ciidamada Qaranka Ee Ku Jira In Ay Difaacaan Qaranimada”

0

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Brussels  (Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafti uu hogaaminayo oo lagu soo    dhaweeyay dalka Belgium oo uu kaga qayb galayo shir ka dhacaya ayaa shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba ugu baaqay in la is barbar taago ciidammada qaranka ee jiidda  bari ee xadka Somaliland ku sugan.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi oo si diiran u soo dhaweeyay waftigiisa. Waxa uu guud ahaanba shacabka somalilnad ugu baaqay in ay is barbar taagaan ciidamada qaranka Somaliland oo jiida hore ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland. “Waxa aan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan aan ugu baaqayaa in ay garab istaagaan ciidamada Qaranka Somaliland oo ku jira in ay difaacaan sharafta iyo qaranimada Somaliland” ayuu yidhi