Aarsiga Dulmanaha, Markeenna Uma Adkaysan Karno: Kamaal A. Cali

0
53

Cabdi (Ma’aha magaciisa runta ah) naafonimo buuxda oo lugaha ka fadhiisisay ayaa uu ku soo dhashay, konton sano oo uu cimrigiisu jirayna ereyo geliyey dareen naxariiseed oo xusuus mudan iyo daryeel kalama uu kulmin cid ka baxsan labadiisa waalid, sidaa awgeed umaba haysto in dunida maanta naxariis iyo jiidh dabac yaallo.

Waxba yaan lagu tarin ee haddii uu af xumo ka nabadgeli lahaa ayaabu badh ka hadhi lahaa. Yaraantiisii waxa uu khaati ka taagnaan jiray faciisa aan sida fiican loo edbin oo wadiiqada uu ka wareegaba la taagnaa, “Curyaankii, Cagoole” iyo tobannaan nanaanaysood oo ay sida Qur’aanka uga xafideen inta gu’ mooyee aan garaadka dhaamin. Waxaa uurkiisa dhaamisay cuqdad iyo calool xumo uu gaadhay heer uu aaminay in bani’aadamnimadiisu kala dhantaalantahay oo u qayrkii ka hooseeyo, hadda garo’o waaba cudurka ay afka qalaad ku yidhaahdaan, “Inferiority complex” Malaha Dhaqankeenna qudhiisuna wax-saarka waxbuu ku yeelanayaa. Haa, waxa aan xasuustay, hal-ku-dheggii ahaa, “Balaayo il la’ayd ama lug la’ayd” oo ujeeddo kasta oo ay dadkii yidhi bilowgii ka lahaayeenba, maanta noqday hal-ku-dheg lagu xasuusto qofka naafada ka ah xubnahan.

Cabdi shaqo la’aanta ayaa intaas u dheer. Duruufo badan oo ay ugu weyn tahay waalidkii oo la macaamili kari waayey xaaladdiisa curyaannimo, ayaanu dartood yaraantiisii waxba u baran, shaqooyinka yar ee aan aqoonta ku xidhnayna naafonimadaa ka hor-istaagtay, intaas uun sababtu ma’aha ee, takoorka iyo gurrac u fikirka dadkeennaaba wax badan u diiday. Cuqdadda iyo cudurku waxa ay ku sii lixaadsadeen markii uu waayey filashadiisii ahayd in dhibta iyo deyrada uu ku mutaystay curyaannimada Alle u qaddaray ay ku koobnaayso isaga oo haatan iskala qabsaday, maadaama oo dhowrkiisa ubad ahi ay caafimaad qabaan oo uu Alle ka badbaadiyey xaaladdiisa oo kale, laakiin wuu ku hungoobay rajadaas, waxaa si joogto ah arammi ugu kiciya qisaska xanuunka badan ee ay carruurtiisu ugaga waramaan hab-dhaqanka ay bulshada kala kulmaan iyo af-lagaadada ay ku mutaysteen abuurta Alle ee aabahood ka muuqata.

Isaga oo aan cidna jeclayn, ayaa maalin maalmaha ka mid ah uu si kedis ah u ogaaday war bidhaan rajo geliyey oo ahaa in dalka ay joogaan haayado iyo ururro caawiya curyaamiinta una dooda xuquuqdooda, markii hore waxaa ku weynaa baaskiil loo sheegay in ay siinayaan iyo siminnaaro la yidhi, marar yar oo la qabto ayaa dhowrka maalmood ee ay socdaan maalintii 10 doolar laga helaa. Laakiin markii dambe haayaddii la qabsay, oo horjooge-kooxeed iyo wacyi-geliyaaba laga dhigay, gunno marka mashruuc jiro ah iyo waxoogaa siminnaarada ka soo gala waxaa u dheer xorriyad u hadalka iyo niyaddii oo waxoogaa u yara dhisantay.

Aan soo gororo; mid ka mid ah maqaaxiyaha aroorta hore ay quraacda u soo doontaan dadka kaladhka shaadhkoodu nadiifta yahay ayaa aan taagnaa meel u dhow miiska lacagta lagu bixiiyo, waxaa goobta fadhiya ninkan naafada ah, oo ay dul taagan yihiin laba hablood oo aan is leeyahay waxa ay ka mid yihin masuuliyiinta dhexe ee haayadda uu la shaqeeyo iyo mid ka mid ah shaqaale hoosaadka hudheelka. Ninkan curyaanka ah oo cadho debnuhu gariirayaan ayaa cod dheer ku leh, “Sahraay, (Ma’aha magaca runta ah) waa in aad imika nimankan lacagteennii inooga soo celisaan. Weynu ka guuraynaa, mar haddii ay kadinkaa furi waayeen”

Qallinkaa faduuliya ee; haddii aan sheekada sii yara dhuuxay, ninkan curyaanka ahi waxa uu ka cadhaysan yahay masuuliyiinta hudheelkan oo aan furin albaab ah kii ay baaskiillada curyaamiintu ka soo geli kari lahaayeen si ay u soo galaan koox curyaamiin uu ku jiro ah oo siminnaar loogu qabanayey halkan.

Garbaan siiyey Cabdi, aniga oo naftayda hoos ugu leh, “Waa qalad in xafladdan oo kale aan laga sii diyaar garoobin, horena loo sii qorshayn kadinka ay dadkani ka soo geli karaan” Laakiin waxaa markiiba igu soo dhacay in ninka uu Cabdi ku qaylinayaa ka mid yahay shaqaale hoosaadka oo dhow-dhow mooyee aanu hadalkan uu maqlayaa macno badan oo fogba u samaynayn.

Waxaana ay u dhowday in gabadha uu ku soo hal-qabsanayo qudheeduna aanay ogeynba naqad iyo deyn midka wax lagu kala kiraystay, waajibkeeda shaqana aanay ku jirin lacagta uu farayo in ay soo celisaa. Cabdi oo cadho iyo qaylo weli goobtii la fadhiya, hablihii iyo ninkii hudheelka ka shaqaynayeyna aamusnaan ku dhegeysanayaan ayaa waxaa meel aan durugsanayn ka dhawaaqay mid ka mid ah laba nin oo miis ku shaahaynayey, waxa aan u gartay in uu Cabdi garanayo, waayo inta uu magac dhabay ayaa uu yidhi, “Is-deji oo si qabow inanka wax ugu sheeg” Ha odhanba lahaydaa, Cabdi oo cadhadii ku sii laba-jibbaarantay ayaa inta uu dhaqso ugu dhowaaday halkii uu fadhiyey ninkii dhawaaqay waxa uu sida tixda gabay u taxay cay iyo af-lagaaddo iyo hadallo qallafsan, waxa kale oo uu ku tiraabay ereyo ay ka mid yihiin, “Waar miyaanan xaq lahayn? Waar miyaanan xor ahayn? Xuquudaydii ayaan ka hadlayaa ee ma aamus baad I leedahay? Iyo ereyo badan oo macnahoodu ku soo ururayo in uu yahay xaq u dirir ninkan la hadlay iyo dadka oo dhanba ka soo dhacsanaya xuquuq kaga maqan.

Waa run oo sida aynu korba ku soo qirnay duudsi badan ayaa uu tirsanayaa… laakiin, waxaa muuqata in hannaanka uu u raadinayaa uu ka dhashay cadho gaamurtay. Inta aan cidla ka yara cadhooday ayaan iska illaaway garowshiyihii aan marka hore ugu soo istaagay, waxa aanan naftayda weydiiyey, “Yaa xaqiisa maqan ka haysta ee uu talow sheegayaa?’ Intii aanan su’aashaa jawaab u raadin ayaa waxaa igu soo dhacay, qisada riwaayaddii “ragow aarsi haween u adkaysta markiina” ee abwaankii weynaa ee Ibraahin Gadhle lahaa.

Ciddii xasuusan abwaanku waxa uu qisada riwaayaddan ku soo bandhigayaa, haweenka oo ay raggu cagta hoostooda muddo dheer ku hayeen, xad-gudubyo badanna loo geystay xuquuqdooda, ma’aha afada uu qabo oo keliya ee xataa waxa uu duudsigiisu gaadhay inanta uu dhalay. Laakiin markii noloshii casri noqotay ee ay soo baxeen hablo aqoon leh, ilbax ah, dhaqaale samayn kara oo inta ay gaar u istaagaan iyaga oo aan taageerada ina rag u baahan noloshooda wadan kara. Waxa ay markoodii haweenkii bilaabeen aargoosi, qudhooduna ay meel kaga dhacayaan karaamadii iyo xaqii uu ninku lahaa.

Macnaha guud ee aniga iga soo baxayna waa in “Ruuxa dulman, haddii aan xaqiisa lala raadin, lagana bogsiin waxa uu tirsanayo, uu isna marka ay u soo marto aarsi dulmi ah ku kici karo” Markaasaan is weydiiyey, “Haddii maanta uu Cabdi joogi lahaa meel uu ku aargoosan karo, tol’oow maxaa uu ku samayn lahaa bulshada inta aan naafada ahayn?”

Ugu dambayntii waxaa ii soo baxday muhiimadda ay leedahay in bulshada laga daweeyo dulmiga iyo is-dafiraadda, laguna beero ruux is jecel oo aan ku kala soocnayn,abuurta Alle ee jidhkooda, Qabiil, Mansab, Maal iyo wax kasta oo ay aadamuhu isku kala takooraan, iyo in cidda doonaysa in ay wax u qabato ruuxa dulman ay la gudboon tahay in marka hore ay nafsiyan u daweeyaan, kuna beeraan aragti uu xaqiisa ku soo dhacsan karo isaga oo aan xaqa cidda kale ku xad gudbin. Waxa aan u jeedaa in ay dhisaan naftooda iyo garaadkooda, haddii kale waxa loo sheegayo ee ah in uu xaq ka maqan yahay waxa uun ay sii fogeynaysaa nabarka uu qabo, waxaanay ka dhigaysaa ruux kakan oo aan ka dhowrsoon dulmiga uu isaguba ka cabanayo. Si gaar ahna waxa aan ugu dardaarmayaa in hoos loo eego naafada, daryeelkoodana xil la iska saaro.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here