Abaaraha Iyo Baahida Loo Qabo Ka Faa’ideysiga Kheyraadka Badda

0
1

“Abaarta Soo Noqnoqanaysa Waxay Dalbanaysaa Ka Faa’ideysiga Kheyraadka Badda Soomaaliland”

HORDHAC: Soomaaliland waxay la kulantaa caqabado badan oo kala duwan saameyn toosna ahna ku yeeshay nolosha bulshadda, caqabadahaasi waxay dhaxal siiyeen in silsiladda meertadda nolosha guud ahaan in aanu sal fadhiyin.

Marka la eego mandaqadda ay dhacdo Soomaaliland dhul iyo bad ahaan waa mid muhiim ah oo suurogalinaya in lagu noolaado nolol hodan ah oo aan habeen kaliya arag duruuf nololeed oo keeni karta ama sababi karta in cidhiidhi ay gasho dhamaan saameeyayaasha noolaha gaar ahaan cuntadda bini aadamka.

Soomaaliland waxay leedahay kheyraad ballaadhan oo aan daboolka laga qaadin haba yaraate, sidoo kale aaney ku baraarugsaneyn guud ahaan bulshadda Soomaaliland, sidaynu ognahay dhaqanka soomaaliyeed waxaa saameyn balaadhan ku laheyd nolosha reer guuraaga iyo ka faaideysiga xoolaha nool ee kala duwan, taas oo si toos ah ugu xidhneyd helida biyaha roobka, Balse Soomaaliland waxay la kulantay cidhiiidhi xaga roobka ah oo ay sababtay isbedelka cimilada aduunka. Tani waxay keentay abaaro ba’an iyo khasaaro weyn oo ku yimid xoolaha iyo deegaanka – kuwaas oo ah laf dhabarka dhaqaalaha iyo hab-nololeedka gobolka. Natiijada u danbeysa ee ay abaartaasi keentayna waa cunto yari, macaluul iyo sidoo kale khasaare dhaqaale qoys iyo qaranba.

Helidda illo cunteedyo kala duwan iyo xaqiijinta horumar dhaqaale iyada oo la adeegsanayo khayraadka kala duwan ee dalka ayaa ah qorshe muhiim ah oo lagaga samato bixi karo xaaladahan. Sidaa daraadeed, isticmaalka khayraadka badda ee ku duugan biyaha ku hareeraysan Soomaaliland waxay fure aad u muhiim u tahay la dagaalanka duruufaha nololeed ee hadda lagu jiro iyo abuurista mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliland yeelato.

Ahmiyadda Badda iyo ka Faaideysiga Dunidda.

Marka la eego xog ururin ay soo saartey Qaramadda midoobey marka la isku daro badaha aduunka sanadkii waxaa maraya ganacsi u dhaxeeya 3 trillion ilaa 6 trillion oo dollar, kuwaas oo u kala qeybsama tusaale ahaa 90% ganacsi aduunka ayaa mara badaha, 95% isticmaalka isgaadhsiinta adduunka ay ugu horeyso xadhka badaha hoostooda mara ee loo yaqaan Cables, sidoo kale bulsho gaadheysa 4.3 billion qof ayaa cunto maalmoodkooda ka hela badda taas oo 15% ka badan dadka cuntooda ka hela xoolaha iyo beeraha. 3.1 billion qof ayaa ku nool 150 magaalo ama jasiiradood ee badaha waaweyn kulaala. waxaan xogururinta daaha ka feydey in dhaqaalaha laga sameeyo ama ka soo baxa badaha uu kaalinta todobaad kaga jiro tobanka ilo dhaqaale ee adduunka ugu horeeeya.

Dhaqaaleyahankii la odhan Jiray Prof Lewis markii uu ka hadlayay qodobada horumariya dhaqaalaha waxa eryadii uu qoray ka mid ahaa “ Wadan aan wakhti xaadirkan laheyn khayraad daabici waxa laga yaabaa xili danbe inuu noqdo wadan khayraadka dabiiciga ka hodan ah sababtuna keliya maaha inuu ogaado khayraad qarsoonaa laakin wuxuu keenaa habab cusub oo lagu horumariyo khayraadkiisii hore”. Waxaanu tusaale u soo qaatay wadanka Jabaan oo aan habayaratee aan laheyn khayraad dabiici ah laakin khayraadka yar ee uu haystay ku horumariyay habab cusub oo casri ah.

Soomaaliland Iyo Ka Faaideysiga Badda:

Soomaalilan waxay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 850 Km, xeebtaas oo dhacda gacanka cadmeed iyo badweyneta hindiya oo xuduud badeed wadaag yihiin, Waa goob muhiim ah oo marka laga tago kheyraadka ku duugan waa mandaqad dunidda muhiim u ah oo fiiro gaar ah loo leeyahay. Sidoo kale 90% nolosha shacabka Soomaalilan waxay ku xidhan tahay ama ay soo maraan badweynta sida cuntadda, gaadiidka, badeecadaha ganacsi IWM.

Sanadkii 2018, ku dhawaad wadar dhan 120 Ton oo kalluun ah ayaa laga diiwaangeliyey Xarunta keydinta iyo qaboojinta kalluunka ee Berbera. 120 Ton ee kalluunka ah waxa lagu iibsaday laguna quutay suuqyada maxaliga ah ee dalka sida Hargeisa, Berbera, Burco, Borama iwm. Kalluunkaasi Suuqyada maxaliga ah ee dalka waxa uu ka abuuray dhaqdhaqaaq dhaqaale oo gaadhaya ilaa 4,000,000 USD kaas oo ah faa’iido gaadhay dhammaan cidkasta oo ka shaqaynaysa ama ku hawlan silsiladda qiimaha kalluunka. Mararka qaar waxaa la sheegaa in hal shaqo oo badda laga abuuraa uu keenayo ila afar shaqooyin oo beriga ah. Haddii aan halbeegaa ku qiyaasno magaalada Berbera, markaa 400 oo shaqooyin ah baa laga abuuray silsiladda qiimaha kalluunka sanadkii 2017. ( Xigasho @Fairfishing)

Fursadaha Soomaaliland Hor Yaal

Soomaalilan waxaa manta hor taal fursad qaali ah oo ah in ay yeelato qorshe muddo ah oo looga faaideysanayo kheyraadka badda, Taas oo bedel u noqon doonta kaalintii xoolaha nool ee ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqdey iyo roob yaridu, arrintaasi waxay u baahan tahay baraarug xukuumadeed iyo mid bulsho, iyadoo imika marka la eego qorshaha shanta sanno ee Soomaalilan iyo miisaaniyadda qaranka ee sanadihii u danbeeyey dhinaca xukuumadda aad uga hooseyso intii loo baahnaa, tusaale ahaan waaxda wax soo saarka dalka oo la isku idhaahdo labadda w wasaaradood ee beeraha, xanaanadda xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga waxaan gaadheyn ka yqr 10% ayey ka yihiin miisaaniyadda qaranka, sidoo kale bulshadda reer Soomaaliland ayaa ku baraarugsaneyn kaalinta wax soo saarka badda iyo ahmiyadda ay leedahay, inkastoo mudooyinka danbe la dareemayo kor u kac dhinaca wax soo saarka baddu in uu kor u kacay,

Gabogabadii, waxan qormadan ku soo afmeeri lahaa saddex fursadood oo aragtidayda ah una baahan in laga faaideyso.

  1. In xukuumadu kor u qaado kaalinta ka faaideysiga kheyraadka badda iyo kor u qaadida ilaha dhaqaale ee laga heli karo, waxaana talaabadda koowaad ee ku haboon ay tahay in ay xukuumaddu ciyaarto door maalgashi ah oo miisaaniyadda badan la galiyo horumarinta ka faaideysiga badda, Tusaale ahaan in xukuumaddu lahaato door balaadhan oo wax soo saara sida maraakiib kalluumeysi, qaboojiyayaal iyo baraf dhaliyayaal dowladdu leedahay oo soo saara kheyraadka badda suuqadda gudaha iyo dibaddan u iib geeya, halkaas waxaa xukuumadda ahaan uga soo xaroonaya dakhli balaadhan oo qeyb weyn ka qaadanaya kor u kaca miisaanyadda horumarineed ee dalka, sidoo kale in la sameeyo laba dekadood oo waaweyn oo lana mid ah ama ku dhaw adeegyadda dekadda Berbera oo kale, wax laga soo dajin karo lagana dhoofin karo, iyo shan dekaddo kalluumeysi oo xeebta teetsan oo looga faaideyso wax soo saarka kheyraadka badda, taasi waxay kor u qaadeysa marka koowaad ku xidhnaanshahanolosha bulshadda reer Soomaliland ee bada iyagoo ka helaya dhaqdhaqaaq dhaqaale oo muhiim ah, kuwaas oo wax weyn ka bedeli kara wakhti yar noloshooda bulshadda soomaalilan guud ahaan.
  2. Arrinka labaad ayaa ah sidaan ognahay 90% dhulka xeebta Soomaalilan waa go’doon marka la eego kaabayaasha dhaqaale sida wadooyinka, isgaadhsiinta, adeegyadda bulshadda IWM, Waxaan aragtideyda ii muuqata in la dhiso wadooyinka isku xidha magaalooyinka waaweyn ee Soomaalilan iyo dhul xeebeedka, waxaa tusaale inoogu filan in xeebaha galbeed oo ay Saylac ugu muhiimsan tahay aanay ku xidhneyn Borama, Xeebaha barriga sida Xiis, Meydh ilaa Laasqoreyna aaney ku xidhneyn Ceerigaabo, dhibta ay keeneen waddo la;aantasi waxay hoos imika u dhigtey horumarka deegaamadaas iyo ka faaideysigii wax soo saarka iyo ganacsiga badeena. waxaana kale oo la xusi karaa doorka xaga amaanka iyo nabad gelyadda badda oo ah mid muhiim u ah ka faaideysiga iyo ganacsiga badda dhex yaal, taas oo saran xukuumadda iyadoo kaashaneysa wadamadda mandaqadda dhaca si looga hor tago budhcad badeedka, kalluumeysiga sharci daradda ah, tahriibka IWM.

3.Kor u qaadidda aqoonta, xirfadda iyo wacyigalinta badda sida kalluumeysiga, Si bulshaddu u fahanto ahmiyadda balaadhan ee baddeenu leedahay waxaa muhiim ah in bulshadda loo sameeyo wacyigalin iyo abaabul balaadhan oo lagu fahansiinayo nolosha baddeena taal, taas waxaa ka qeyb qaadan kara in seeska loo dhigo dugsiyo iyo jaamacaddo aqoonta culuumta badda bixiya, iyadoo imika dalkeena ay ku taal kulliyadda culuumta badda berbera oo sanadkii hore markii koowaad 23 ardey ka qalin jabiyeen, barashadda culuumta badda iyo xirfadeedu waxay keeneysaa in noloshadda bulshaddo u wareegto ka faaideysiga badda, sidoo kale bulshadda balaadhan ee xoolo dhaqatadda Soomaliland ee maanta duruufta abaartu saameysana loogu helo il dhaqan dhaqaale oo u bedesha xoolo dhaqashadda si noloshaada ku dhisaan.

Hadii ay Soomaaliland u suurogasho in tobanka sanno ee soo socda 40% bulshadda ku nool oo ku dhawaad afarta million ahi noloshuudu si toos ah uga xidhnaato xeebta iyo badeena waxaa muddo shaki ku jirin in dhaqaalaha Soomaalilandm lugaha ku istaagayo oo laga dhaxlayo horumar iyo ilo dhaqaale oo bulshaddu ku tiirsan tahay.

Tusan iyo Tixgalin

W/Q Fuaad C/salaam Xasan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here