Abiy Ahmed oo ka Degay Jigjiga

0
1

Jigjiga (Hubaal) Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia Dr.Abiy Ahmed, ayaa Booqasho aan hore loo sii Shaacin ku Tegay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Deegaanka Soomaalida.

Markii uu soo gaadhay Garoonka diyaaradaha Ee Garaad Wiilwaal, waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta deegaanka Soomaalida oo uu hor kacayay Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar.

Ra’iisal wasaare Abiy, oo ah Gudoomiyaha Isbahaysiga EPRDF, ayaa kulamo wadatashiyo ah la yeelan doona hogaaminta deegaanka ee ku gudo jira shirwaynaha Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida ee galay maalintiisii saddexaad.

Shirwaynaha Xisbiga waxaa  maanta lagu  doortay xubnaha golaha dhexe oo ka kooban 61 qof, waxaa sidoo kale la filayaa in galabta la doorto xubnaha gudiga fulinta.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka qayb gali doona hawlaha shirwaynaha xisbiga ee deegaanka Soomaalida.

Waa markii labaad ee RW Abiy Ahmed uu yimaaddo Magaalada Jigjiga, sanadkii hore markii dhawr maalmood oo kaliya uu xilka hayay ayuu safar ku yimi jigjiga waxaana xiligaasi uu la kulmay madaxwaynihi la xidhay ee deegaanka Soomaalida Cabdimaxamuud Cumar.

SHARE
Article horeXisbiyada Somaliland Oo Kulan Degdeg Ah Yeeshay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here