“Abtiyaashay Waxaan Leeyahay; Qarannimada Iyo Seeddinimadu Meel Ma Wada Galaane Wasiir Khaarijiga Jabuuti Wuu Innoo Markhaati Furay”

0
37

 “Waa Inaynu Iska Qabanno Keenna Xun Ee Jecel Inuu Markasta Jabuuti Baasaaboor Iyo Macawso Ka Martiyo,  Kaasna Mawqif Midaysan Baanu Ka Qaadandoonaa”

 

“ Waxaanu La Hadlaynaa Farmaajo Oo Dadkii Talin Jiray Ah; Markaasi Ayaanu  Kala Ogaanaynaa In Uu Mawqifkan La Qabo Iyo In Kale Laakiin Annagu Ninkan Cawlaha Ah La Hadli Mayno” – Faysal Cali Waraabe

 

 

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysali WAraabe ayaa shacbiga reer Somaliland u soo jeediyey in ay iska dhex qabtaan shakhsiyaad uu sheegay in aanay  garanayn qiimaha ay qarannimadu leedahay, kuwaas oo markasta aad moodo inay qarannimada ka jecel yihiin martinimada. Guddoomiye Faysal oo daba socday hadallo kasoo yeedhay siyaasiyiin reer Somaliland ah oodawaldda Djibouti ka difaacay ee do uu hore Faysal ahaan ugu soo jeediyey inay ka xun tahay heshiiska horumarineed Ee Somaliland iyo Dp World dhex maray waxaa uu sheegay in uu isaga oo dhighiisa WADDANi iyo Madaxweynaha Somaliland la kaashanaya  uu arrintaas mawqif midaysan kasoo saari donaan. “WAxaanu dadka reer Somaliland u sheegaynaa waad aragteen hadalkii uu wasiir khaarijiga Jabuuti kaga hadlay arrinta Somliland iyo Dp World, waxaana leeyahay markaa dadka kala saari waayay  Gacalka iyo qarannimadu waxay muujinaysaa in uu innoo markhaati furay, markaa abtiyaashay waxaan leeyahay Qarannimada iyo Seeddinimadu meel ma wada galaane  in qaranka la ilaaliyo ayaa muhiim ah”.  Sidoo kale Mar guddoomiye Faysal Cali Waraabe wax laga weydiiyey  sida uu u arko hadal uu wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti ku taageeray dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya mawqifka ay ka istaagtay heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, Itoobiyo Iyo DP World u dhexeeya  oo sharci darro heshiiskaas ku tilmaamaya taasoo la odhan karo in caqabad ay ku noqon karto wada hadallada la weriyey in Somaliland iyo Soomaaliya ay ku yeelan doonaan dalka Jabuuti oo marti gelinaya waxaa uu Md. Faysal Cali waraabe ku jawaabay “arrintaas waxaanu kala kulmaynaa oo aanu la hadlaynaa Farmaajo oo dadkii talin jiray ah laakiin annagu ninkan cawlaha ah la hadli maynee, isaga ayaana aanu eegaynaa in uu mawqifkan la qabo, markaasi ayaanu  kala ogaanaynaa.

“Jabuutina hadalkeeda waxa ka xun keenna xun ee innaga inagu dhex jira  ee aan kala garanayn gacalka iyo qaranka iyo sharafta ee jecel in uu marti noqdo  oo uu Baasaaboor martiyo oo uu qaad iyo macawso martiyo kaas waa in aynu iska qabanno, markaa qoladii lahayd Faysal Cali Waraabe Dhaameel buu ku qaatay difaacida heshiiskan maanta ayay kala cadaan doontaa,  Madaxweynahana [Muuse Biixi] iyo Cabdiraxmaan [Cirro] waanu is arki doonaa oo mawqif midaysan baanu ka qaadandoonaa”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here