Abwaan Cabasho Ka Muujiyay Dacwad Lix Wasiir Iyo Maayarku Fulin Kasoo Saareen Oo Weli Cakiran

0
35

“Millatariga Waxaa Noogu Horeysay 1965-kii Oo Annaga Ayay Noogu Yimaadeen Dhulka Oo Aabahay Baa Dejiyey, Markaana Dawladii Soomaaliya  Ayaa Jirtay Oo Gegida Diyaaradaha Ayay Isku Lingaxeen”

Hargeysa  (Hubaal)  Abwaan Axmed Saleebaan Bidde ayaa sheegay in aanu weli fulin go’aan sannad ka hor lix wasiir iyo maayarka Hargeysa oo wehelinayay ay ka soo saareen muran la xidhiidha beer ku taalla madaarka Hargeysa dhiniciisa koonfureed oo u dhexeeyey qoyska reer Saleebaan Bidde iyo hogaanka ciidanka qaranka Somaliland. Abwaanka oo sidan ku sheegay waraysi uu Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) Hargeysa kaga qaaday, ayuu sidoo kale ku sheegay in go’aankaas illaa hadda lala sugayo in madaxweynuhu saxeexo, isagoo tilmaamay in wixii ka danbeeya ramadaanta lagu tala-jiro in hawshaas la amba-qaado.

OWN
OWN

Abwaan Axmed Saleebaan Bide ayaa ka waramaya wakhtigii ay beertan degeen iyo sababta ay ku dageen. “Beertan waa beer roobaad,aabahay ayaa dagaalkii labaad uu dhammaaday ayay Hargaysa ku kulmeen rag sharaf leh oo Suldaan Cabdillaahi Suldaan diiriye ka mid ahaa,Suldaankana yidhi dawladnimo ayaynu heli doonaayeen Aqoon iyo aaminna waanu kuu haynaaye ,waxaanu doonaynaa inaanad degmadaadii Burco ku noqone aad degmada Hargaysa degto,odaygii markii ay is xog waraysteen wuu ka ogolaaday arintaasi,kadibna halkan koonfuurta Hargaysa ee magaciisu yahay Uubaalaha Waqooyi ayaa aabahay la dajiyay,halkaasi ayaa gur laba daryaale ah laga sameeyay awr todoba jir ahna lagu dul xidhay,waxa uu yidhi halkan guriga laba daryaalaha gal,gaadhina waa la diray oo halkaasi ayuu arooskii ka dhacay oo aanu ka abuuranay”ayuu yidhi Abwaan Axmed Saleebaan Bide.  Abwaan Axmed Saleebaan Bide waxa uu ka hadlay wakhtigii ay ciidamada Somaliya ee sannadkii 1965kii ay soo dageen iyo sida ay ku dageen.  “Askarta milatariga Somaliya waxa noogu horaysay 1965kii  annaga ayay noogu yimaadeen oo Aabahay ayaa dajiyay, markaa dawlada Somaliya ayaa jirtay gagida diyaaradaha ayay isku lingexeen , masaajidkii Suldaan Cabdillaahi wali dhagixii wuu yaalaa”ayuu yidhi Abwaan Axmed Saleebaan Bide.  Abwaan Axmed Saleebaan Bide waxa uu sheegay inay beertaasi damaaciyeen rag saraakiil ah oo ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland,kuwaasi oo dacwad soo yabyabtay si ay uga qaadaan Abwaan Axmed Saleebaan Bide.  “Dhawr nin oo madax ah ayaa dhulka nagu damaaciyay,kadibna waxa aan ku idhi sharcigii beerta aan idin siiyo,dhawaan ayaan UK tagay markii aan ka soo noqday waxa aan damcay inaan balay halkaasi ka qodo oo wax badan ka qodo,kadibna waxa ii yimid niman askar ah oo madaxdu soo dirtay,General Nuux Taani ayaa arinka galay,waxaanu sheegay beertoodu haddii ay badantahya waa inaynu wax waydiisano,iyadoo halkaasi maraysa ayaa la bedealay Taliyaha Milatariga Nuux Taani kadibna waxa la keenay Ismaaciil Shaqale isaguna sidii oo kale ayuu sheegay” ayuu yidhi Abwaan Axmed Saleebaan Bide.  Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka qaranku beertiisa cagaf ay ku kala qaybiyaan galiyeen,inkastoo loo xil saaray wasiiro iyo maayirku ay u xukumeen Abwaan Axmed Saleeban Bide. “Nin cagaf leh ayay cagaf ka soo kiraysteen ,waxaana lagu yidhi beerta annaga ayaa beerta badh leh kadibna cagaftii ayaa la kuulay oo lagu dhaqaajiyay,waxaanay jeexdeen beertii.Arintii waxa loo xil saaray lix wasiir iyo maayirkuba ,dhammaantood waxa ay noo saxeexeen inaanu annagu leenahay” ayuu yidhi Abwaan Axmed Saleebaan Bide. Abwaan Axmed Saleebaan Bide waxa  uu baaq u jeediyay qaar ka mid ah dadka beerta ku haysta oo madaxwaynaha hortiisa ku dhaartay dacwad been ah ,waxaanu sheegay in wali dacwadii taagan tahay oo aan xalkeeda la gaadhin. Dacwaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli toddobaadkan uun xal laga gaadhay dacwad muddo saddex sanno ah kasocotay Maxakamadaha Somaliland oo xal loo waayay balse markii dembe sulux lagu dhammeeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here