HUBAALMEDIA.COM
Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada JSL Oo Huf & Been ku Tilmaamay War Ka Dhan Ah Weftiga Wasiir Hab-bane Oo Socdaal Ku Jooga Gobolka Sanaag
May 20, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Haba Yaraatee Wasiirka Iyo Weftigiisa Gobolka Badhan Lagama Hor Istaagin [Waayo] Gobolkaasi Waa Somaliland, Wasiirkuna Waqtigii Uu Doono Ayuu Tegi Karaa……”

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada JSL Oo Huf & Been ku Tilmaamay War Ka Dhan Ah  Weftiga Wasiir Hab-bane Oo Socdaal Ku Tegey Gobolka Badhan

Hargeysa (Hubaal):-Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa meesha ka saartay isla markaana war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaantay warar ka dhan ah wasiirka wasaaraddaas iyo wefti uu horkacayo oo maalmihii udembeeyey safarro shaqo ku marayay gobollada bariga Somaliland.

Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan ayaa barobogaando ah ku tilmaamay war sheegaya in socdaalka wasiirka oo socdaal ku marayay deegaamada gobollada Sool, Sanaag laga horjoogsaday in waftigiisu galo deegaamada Sanaag bari gaar ahaanna magaallada Badhan ee xarunta gobolka Badhan.

Afhayeenka oo daba socday warar ay dhawrkii caano maal ee u dembeeyey baahiyeen qaar kamid ah degellada wararka Somaliland waxaa uu sheegay inaanay jirin wararkaasi waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo warar la xidhiidha safarka wefti uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada oo ay ka mid yihiin agaasimaha waaxda waxbarashada gaarka ah Muuse Maxamed Shide, Agaasimaha waaxda kormeerka guud Xasan Cabdilaahi Rooble (Xasan Qaxar), Gudoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa,uud Axmed Faarax iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasiirrada waxbarashada, weftiga wasiirka lagama hor istaagin Gobolka Badhan.”

“Waxa kale oo aan doonayaa in aan warbaahinta iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland u iftiimiyo in Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne iyo weftigiisu ay waqti xaadirkan [xilliga uu afhayeenku warka soo saaray] ku sugan yahay degmada Gudmo-biyo-cas ee gobolka Sanaag, halkaas oo uu hawlo la xidhiidha safarka shaqo ee uu deegaamadaas ku marayo u joogo, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu wasiirku dib ugu laabto isla markaana caawa [xalay]  uu ku hoydo magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo”. Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan, waxaanu intaa ku daray “haba yaraatee gobolka Badhan lagama hor istaagin, mana jirto meel gobolkaas lagaga hor istaagay wasiirka iyo weftigiisa, gobolka Badhanna waa Somaliland wakhtigii uu doonana wasiirku waa uu tagi karaa, laakiin waxaan idiin sheegayaa in laga been abuuray safarka wasiirka , waayo wasiirku muu tegin halkaasi qorshahana ugumay jirin ee waxaa uu safarkiisu ku dherernaa deegaammada gobolka Sanaag”.

Hassan H. Keefkeef

Hubaal Editor-in-chief

Hargeysa, Somalialnd

PHOTO FILE: Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan

PHOTO FILE: Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan

 

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews