Agaasimaha Cusub Ee Wargeysyada Dawan Oo Xilka La Wareegay

0
57

Hargeysa (Hubaal) Maxamed Axmed Jaamac, agaasimaha cusub ee Wargeyska Dawan iyo ku-xigeenkiisa ayaa xilalkii kala wareegay masuuliyiintii hore, munaasibad lagu qabtay maanta xarunta Wasaarada Warfaafinta oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxda iyo howl-wadeenada Wasaaradu.

Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) agaasimaha loo soo magacaabay wargeyska Dawan ayaa khudbad halkaasi uu ka jeediyay, kaga hadlay waayo-aragnimadiisa iyo taariikhihii dhinaca saxaafadda, waxaanu sheegay inuu dardar gelin doono shaqada loo igmaday.

Daawo:

Guddoomiyihii hore ee Dawan group Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo munaasibada ka hadlay ayaa ka warbixiyey waxqabadkii Wargeska ee mudadii uu maamulayey, waxaanu kula dardaarmay masuuliyiinta cusub inay sii dardar geliyaan shaqada.

Daawo:

Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, ayaa todobaadkan horaantiisii waxa uu xilalka ka qaaday Guddoomiyaha xilka Wareejiyey, ku-xigeenkiisii Cumar Maxamed Faarax oo loo magacaabay Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee Dawladda ee SOLNA.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here