HUBAALMEDIA.COM
Agaasime Ka Tirsan Xukuumadda Oo Murashaxiinta KULMIYE Iyo Kuwa Labada Xisbi Mucaarid Ku Tilmaamay Kuwo Damaca Siyaasiga Ahi Kala Weyn Yahay Talada Guud
July 13, 2017 - Written by Mustafe Faro

Saamayn Intee Leeg Ayaa Dhaliilaha Uu Agaasimahani Ka Simay Axsaabtu Ku Yeelanaysaa Qorsheyaasha   xisbiga talada Haya Ee KULMIYE uga Meel Yaala Horumarinta Iyo Tayada Waxbarashada oo Agaasimahani Hungo Madhan Ku Tilmaamay?

“Hal Mid Ayaa   La Innaga Rabaa In Dadka Aynu Dooranayno Ku Khasabno, Waayo    Ninku Talo Uu Hayaa Ma Jirto Aan Kursigaas Baan Doonayaa Mooyaane”

“Waxaynu doonaynaa inaynu [Murashaxa] ku nidhaahno waaryaahee wax aad waxbarashada ka qabanaysaa ha joogtee bal nooga warran heerka ay maanta taagan tahay. intaas haddii la yidhaahdo wax alla wax uu ka sheegi karaa ma jirto” – Yuusuf Axmed Cali Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada iyotacliinta sare ee JSL

Hargeysa (Hubaal)- “Wasaaradda [waxbarashada] adigu laba sanno wax yar baa ka dhiman muddada aan joogo,labadaas sanno xafiiska anigoo jooga ayaa odayaal ii yimaadaan, qaarkood waxaa ay in yar iskaga qabtaan inay budhkay sitaan aniga igu bilaabaan”. Sidaas waxaa ku tiraabay agaasimaha tacliinta sare eewasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Yuusuf Axmed Cali Oo maalintii shalay khudbad ka jeediyey kulanay jaamacadda hargeysi soo qabanqaabisay ooloogu magac daray ‘Tayada waxbarashada Somaliland oo meel liidata maraysa iyo qishka oo meel sare gaadhay xilliyada ays ocdaan imtixaannaadku’, kulankaas oo ay ka qayb galeen masuuliyiin uu kamid ahaa wasiirka dhaqanka iyo dalxiiskaSomaliland Khadar Xaaji Yuusuf iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday laamaha waxbarashada ku taxalluqa. Agaasimaha Waaxda tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md.Yuusuf Axmed Cali oo xubnihii madasha ka hadlayka mid ahaa ayaa sheegay in uu mar kasta oo uu xafiiskiisa ku sugan yahay wadnaha farta ku hayo “Nin baa subax ii yimid waxaa uu igu yidhi inankaygii shalay ayuu qalin jebiyey, aniguna inankaas waan aqaannaa oo jaamacad buu ka qalin jebiyey haddana sida wax loo qoro ma yaqaanno”. Sidaasi ayuu yidhi. Agaasimuhu waxaa khudadiisa uu ku sheegay oo uu weliba dhaar ku maray in wasiir soo maray wasaaradda waxbarashada oo daacad ka ah tayada waxbarashadu aanu jirin “Waxaan anigu ku dhaaran karayaa kitaab haddii maanta la ii keeno in wasiir waxbarasho soo maray oo saacad keliya xafiiskiisa ku qaatay in uu waxbarashada Somaliland wax ka qabto aanu jiriin, haddii ay jirtana wax uun baynu arki lahayn, welina inta waxbarashadaloo yimi lama odhan waar heedhaha bal noo warrama oo mashaakilku maxay yihiin”. Sidaas ayuu ku dooday.

vlcsnap-2017-07-12-23h16m11s8Geesta kale waxaa uu Agaasime Yuusuf ku andacooday  isla markaana uu si adag u duray   qorsheyaasha iyo barnaamijyada siyaasadeed ee axsaabta, isaga oo si aan gabasho lahayn ugu tiiqtiiqsaday heerka uu murashaxiinta axsaabtu ka taagan yihiin arrimaha bulshada, taas bedelkeeda waxaa isaga oo bulshada la hadlaya uu ugu baaqay in   shuruudaha ay ku xulanayaan musharaxa doorashada utaagan ay kamid noqoto adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oouu sheegay inaanay labada xisbi mucaarid iyo dabcan xisbiga hooyada u ah xukuumadda uu ka tirsan yahay agaasime ahaan ee KULMIYE aanay dhammaantood qorsheha ugu jirin arrintani  “hal mid ayaa maanta innaga la innaga rabaa inaynu ku khasabno dadka aynu dooranayno, waayo ninku kursigaas wuu doonayaa laakiin wax alla wax qorshe ah oo uu   uhaystaa ma jirto, qorshe wax barasho ma hayo mid caafimaad ma hayo, talo uu hayaama jirto kursigaas baan doonayaa mooyaane”. Ayuu agaasimaha Tacliintu ku dooday, waxanau intaa ku daray “Waxaynu doonaynaa inaynu [Murashaxa] ku nidhaahno waaryaahee wax aad waxbarashada ka qabanaysaa ha joogtee bal nooga warran heerka ay taagan tahay waxbarashada dalkeenu, intaas haddii la yidhaahdo wax alla wax uu ka sheegi karaa ma jirto”. Ayuu yidhi Agaasimaha waaxda tacliinta sare eewasaaradda waxbarashada iyotacliinta sare ee JSL Md. Yuusuf Axmed Cali oo maalintii shalay khudbad  uu ka jeediyey shir hawleed ay jaamacadda Hargeysi soo qabanqaabisay oo lagaga hadlayay heerka waxbarashada tayadeedu taagantahay iyo sidii loogu hawl geli lahaa in la tayeeyo. Khudbadan Agaasimaha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay toddobaadkii inna dhaafay ay soo gebogeboobeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe kuwaas ooay masuuliyiinta wasaaradda uukatirsan yahay ee waxbarashad oo dabcan wasiir Habanne uu gadh wadeen ka yahay ay si adag uga suuliyeen ardayda imtixaanka u fadhiisanaysa inay qish sameeyaan taas bedelkeedana ay guntiga dhiisha ugu giijisteen sidii uu ardaygu kalsooni isugu qabi lahaa oouu calafkiisa iyo dadaalkiisa ugu qanci lahaa.

 

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews