Ajendaha Iyo Ergooyinka Shirweyne Ay Isbahaysiga Mucaaridku Iclaamiyeen Oo Laysla Meel Dhigay

0
13

Hargeysa:(Hubaal)-Kadib shirar isdaba joog ah oo ay Labada Xisbi-qaran ee Somaliland iyo Madasha wada-tashiga iyo toosinku ku lahaayeen Magaalada Hargteysa, ayey maalintii shalay shaaciyeen inay Maalinta Berri ah qaban doonaan shirweyne qaran oo xaaladda dalka lagaga tashan doono, maadaama muddo-xileedkii madaxweynuhu dhawaan idlaanayso.

isbahaysigaMunaasibadda lagu iclaaminayey shirkaas talo-qaran lagu macaabay, ayaa waxa Goob joog ka ahaa hoggaanka sare ee Labada Xisbi-muaarid iyo madasha wada-tashiga, waxana halkaas laga iclaamiyey in shirweyne Qaran oo saddex maalmood socon doona maalinta berri ah la bilaabi doono.

Musharaxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbiga Ucid Md Cabdirashiid Xasan Mataan, oo saxaafadda la hadlay kadib kulan dhex maray Ucid, Waddani iyo Madasha wadatashigu waxa uu sheegay in la isla afgartay Shir talo qaran lagu magacaabay, “Shirka maanta la iskugu yimid waxaa ka soo baxay in la qabto Shirka wadatashiga Mucaaradka oo ah, oo aanu u aragno shir qaran maadaama aanu nahay xisbiyada qaranka. Waxaa la isla gartay tirada ergooyinka shirka iyo tirada shirgudoonka shirka iyo waliba ajandaha shirka” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.

Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sii sharaxay nuxurka shirkaasi  yeelan doono, waxana uu taxay asbaabta ku kalliftay inay shirkaas qabtaan,“Nuxurka, shirku wuxuu qabsoomi doonaa 23-ka,25-ka iyo 26-ka bishan todobaad ee aynu ku jiro, 2015. Maadaama xukumaddu ku fashilantay qabashada doorasho aan dhaafin wakkhtigii dastuurku u cayimay ee ku ee kayd 26,June,2015, maadaama xukumaddu ka baxday heshiiskii laga gaadhay wakhtiga doorashada, maadaama muddo xileedkii dastuurku siiyay xukumaddu dhammaanayo 27,July,2015, maadaama ay lagama maarmaan tahay in qarankani laga badbaadiyo inuu ku dhaco mugdi hogaamin la’aaneed, waxay lagama maarmaan u arkeen asxaabta qaranku inay iskugu yimaadaan shirka ay kaga tashanayaan badbaadinta dimuquraadiyadda iyo badbaadada qaranka Somaliland”.

Xukuumadda ayaa laga filayaa inay ka falceliso tallaabada ay mucaaridku qaadeen, iyadoo aan wali wax heshiis ah laga gaadhin muran ka dhashay taabo gelinta heshiiskii xukuumaddu la gashay Axsaabta qaranka, kaas oo nuxurkiisu ahaa in muddo-kordhinta madaxweynaha lasoo gaabiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here