AKHRI: Wareysi Cabdilaahi Abokor {Wasiirka Gaadiidka Iyo Jidadka JSL} Kaga Hadlay La Wareegida Maamulka Hawada Iyo Arrimo Kale Oo Xaasaasiya

0
1

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta wadooyinka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa waraysi gaar ah oo uu la yeeshay HCTV kaga hadlay Maamulka Hawada ee lagu Wareejiyey Dawladda Soomaaliya.  Wasiir Cabdilaahi ayaa Wareysigan uu Wariye Kuraase ka qaaday, waxa uu si balaadhan u faahfaahinayaa, waxa uu yahay maamulimada hawada ee Soomaaliya, khadadka ama wadooyinka dhinaca hawada ee mara Somaliland. Waxa sidoo kale waraysigan ku jira su’aalo xaasaasiya

Waakan habka uu dhacay waraysigu oo dhamaystiran;

Su’aal: Wasiir waxa jiray warar sheegayay in Soomaaliya ay la wareegtay maamulkii hawada guud ahaanba Somaliland iyo Soomaaliya, Soomaaliya dhinaceeda way sheegtay inay la wareegtay, lana soo xidhay xafiiskii Nayroobi, Maxaad kala socotaa?

Jawaab: sidaynu Media-ha ka maqlaynay waan arkaynay inay nimankaasi ay xafiis ka furteen Muqdisho. Runtiina marka laga hadlaayo hawada waa arrin xaasaasiya oo maaha arrin Somaliland iyo Soomaaliya khaas ku noqon kara. Diyaaradaha marayaa waa diyaarado caalamiya, badqabka hawaduna waa arrin muhiima oo ah caalamka oo dhan iskusocodkiisa. Waxaad ogtihiin in wadamada Khaliijku qayb kamid ahi inay diyaaradahoodii diyaaradaha ka xidheen. Waxa kaloo jira Yemen dagaal baa ka socda oo diyaaraduhu ma maraan, hawada Eriteriya iyo Jabuuti lafteedu waxa ka jira colaado oo diyaaraduhu ma maraan, Itoobiya iyo Eriteria lafteedu sidaas bay ahayd muddo. Markaa khadka kaliya ee badqabka ahaa ee la maraayay waxa uu ahaa; khadkan Somaliland iyo Soomaaliya. Laba iyo toban ruut baa Somaliland dusheeda mara, xagay Koonfurtuna ka maraan todoba Ruut. Annagu waxaanu ku dadaalaynay, si qancin ah in hawhsaas loo wada maamulo, laakiin waad ogtihiin oo dawladdan Soomaaliya iyadu marnaba diyaar uma aha inaynu si nabadgelyo ah ay hawlaheennu ku dhammaadaan, waad ogtihiin oo dagaalkan Tuka-raq baa kamid ah. Immika waxay wadaan oo kale mashruucii la odhan jiray SSA (Somaliland Special Arrangement), deeqdeeniibay faragaliyeen, hawadaa lafteeduna way wadaan. Markaa waanu arkaynaa haddaynu nahay Somaliland, Innaguna dawlad ahaan waxaynu ku qasban nahay, wixii kale ee noo banaan inaynu yeelno, kolay khatarna waxay mustaqbalka ku keeni doontaa badqabkii diyaaradihii marayay hawadeena iyo hawadooda, hadday go’aan kali wada qaataan. Kulankii ugu dambeeyay ee Nairobi ka dhaca ee ay UN-tu inna dhexdhexaadinaysay waxay aqbaleen inay dib ugu soo noqdaan heshiisyadeenii hore, laakiinse niman diyaar u ah maaha innaguna waxaynu ku qasbanaan doonaa wixii innoo bannaan inaynu yeelno, kolay taladeedana madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibedda waa laga kulmi doonaa.

Su’aal: wasiir waxa jira eedeymo la idiinku jeedinayo in xukuumaddihii Kulmiye ee kala dambeeyay, tii Siilaanyo iyo tan madaxweyne Muuse inay mas’uul ka ahaayeen wareejinta hawada amaba ay qayb ka ahaayeen. Adigaa imika wasiirkii ah ee maxaad kala socotaa arrintaas adigu.”

 

Jawaab: Runtii eedaasi waa eed jaban, aniga dee ilama aha, sababtoo ah waxan taariikhda la yidhaahdaa dee qofka waa inay hagtaa, isma lhi madaxweyneheenii hore Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo xil dawladeed haya oo wasiir ah ka tegay si uu dalkiisan xuquuqdiisa usoo dhiciyo, inuu xuquuq uu leeyahay haddana dib u celin karo, Muuse oo madaxweyne ahna waad ogtihiin wuxuu dalkan usoo maray, ilamaha in saddexda xuduudood ee dalku leeyahay Bad, Berri iyo Cir mid kamid ah inay gogorton galinkaraan, eedaasina waa mid jaban.

 

Su’aal: waxaad tahay wasiirkii gaadiidka oo way soo galaysaa duulistii oo dhammaystirani, duulista hawada iyo madaaradii imika ma jirto cid sida la sheego ay u xisaabsan yihiin, tusaale ahaan madaaradoo dhan yaa maamula yaa mas’uul ka ah.?

Jawaab: Ninyow, dhibta inna haysata waxa weeyaan; sideedaba marka laga hadlaayo warbaahinta waa saddex uun; waa War (News) Madadaalo (Entertainment) iyo falanqayn (Analysis), saddexdaas bay inta badan u dhacdaa. horta wax laguma maamulo ra’yi, waxa wax lagu maamulaa waa aqoon iyo waayo-aragnimo, markaad qof inaad waraysato aad doonaysona waxa muhiim ah, in aqoontiisa iyo waayoaragnimadiisa aad ku waraysato.!!. marka hore nidaam iyo qaab dawladdeed baynu leenahay, hay’addaha dawladdu waa saddex uun; wax la yidhaahdo Is-maamul hoosaad (Autonomous), Maamul-goboleed (Semi-autonomous) iyo Federal (Full Integrated), saddexdaas hay’addood uun bay noqdaan hay’addaha dawladdu, markaa hay’adda Autonomous inta badan xeer baa jideeya, hay’adda madaxa bannaan, hay’adda Semi-autonomous inta badan xeer madaxweyne ayaa lagu aasaasaa, hay’addina waa full integrated bay noqotaayoo wasaaradda qayb kamid ah oo waax kamida bay noqotaa. Imika hay’addan waxa la yidhaahdaa Somaliland Aviation Authority, caalamka oo dhana way jiraan, authority markay timaadana laba awoodood bay yeelanaysaa, Awood Fulineed (Power) iyo mid Maamul (Legitimate), tusaale ahaan siday dekedu ahaan jirtay (Berbera Port Authority) oo maareeye u lahaan jirtay ayay tan madaaraduna u leeyihiin Maareeye, markaa awoodiisii maamul iyo maaliyadeed buu leeyahay, laakiin wasaaraddu inta badan waxay u noqotaa Line Ministry. Hay’addu hadday noqoto Semi-autonomous, waxa inta badan maamula Board (Guddi) wasiirku kamid yahay. Xeer baa lagu aasaasay hay’addan duulista iyo madaarada (Xer.70 2017) baarlamankaana ansixiyey. Markaa hay’addaas ayaa u xil saran maamulka madaarada dalka. Qofku markuu doonaayo inuu arrin ka dodo, waxa la raadiyaa marka hore xeer sharci iyo xog, laakiin ra’yi aan halkaa intaa la istaago aan idhaahdo saasay wax noqon iyo saasay wax yihiin, in umad loosoo bandhigo waa arrin aad iyo aad u hooseeya. Markaa hay’addani (Somaliland Aviation Authority) xeer baanay leedahay xeer baana lagu aasaasay, markaa wasaaraddii iyadu meesha way ka baxaysaa maadaama meeshii Authority timid, duulista hawaduna qayb kamid ah gaadiidka ayuun bay soo galaysaa.

 

Su’aal: waxa la hadalhayaa madaxweyne Muuse inuu isku shaandheyn ku samaynayo golihiisa wasiirrada, waxa lagugu tiriyaa wasiirrada ugu dhowdhow madaxweynaha, maxaad arrinkaa kala socotaa.?

 

Jawaab: horta dawladdu way cusub tahay, qof kasta oo caqli lehina waxbuu qiimayn karayaa. isku-shaandheyn (Reshuffle) dawladdaha waa lagu sameeya, laakiin waqtigan anigu ma ogi  inta badana warbaahinta taageeri jirtay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani baa inta badan dabada ka riixa, anigu se isma lihi waqtigan.

 

Su’aal: madaxweynaha waxa la yidhaa isagaa inta badan ka hadla xaaladaha aagga Tuka-raq, wasiirradu inta badan kama hadlaan. Maxaydun isleedihiin aad uga hadliweydeen arrinkaasi.?

 

Jawaab: waxaan doonayaa marka hore inaan kuu sheego, innagu waxaynu leenahay nidaam dawli ah, qof kastaana mas’uuliyad saran buu leeyahay, waxaanay innagu leenahay xeerar, wasaarad kastaaba xeerka kala xadaynta awoodaha dawladdaa jira, dee waanu ka shaqeynaa oo waalaga shiraa, laakiin cid kastaaba man-date bay leedahay, wixii warfaafin ah waxa innoo qaabilsan wasaaradda warfaafinta, waxyaabihii dawladdii hore lagu eedayn jiray waxa kamid ahaa in la yidhaahdo dawladdu way kala hadashaa, innaga markaa si aynu uga fogaano in qofkastaaba dhinac ka dhawaaqo, wasaarad baa innoo qaabilsan. Markay noqoto arrin difaac waxa jira xeer la yidhaa xeer 52 xeerka nabadgalyada qaranka, xeerkaasi wuxuu jidaynayaa guddida nabadgalyada qaranku u tilmaamaya, xilal bay ku timaadaa, madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka, wasiirka gaashaandhiga, wasiirka arrimaha guddaha, taliyaha ciidanka, markaa qaab noocaas ah baa jira, innagu sidaa nimankan maleeshiyada Puntland oo kale guddi marba la abuurayo waxeenu maaha, ee dawladnimo, qaab iyo nidaam maamul leh ayaa innoo jira, taas baana innaga inta badan dabar innoo ah oo qofkasta in shaqadiisii loo daayo inna faraysa.

 

Su’aal: Mucaaridka, gaar ahaan xisbiga Waddani waxa uu kugu tilmaamaa in aanad aqoon ahaan u qalmin xilka wasiirnimo ee aad hayso, maxaad kaga jawaabaysaa?

Jawaab: kkkkkk horta dee waxyi iguma soo deign. Runtii anigu 1981 ayaan iskuulka Biyo-dhacay hoose ka galay dugsigaygii hoose, waqtigii uu maamulaha kahaa Sheekh Xuseen Ismaaciil, dugsigii dhexena qaxootigii baan ku dhamaystay oo dugsigii A ee Dulcad, markii dalka lagu soo noqday, macalin baan noqday, isaga laftigiisu intaan macalinka u ahaa buu kamid ahaa, iyadoon dalkuba waxbarashoba jirin, kadib waxaanu isku baranay iskuul Cumar Binu-khadaab la yidhaa prof. Cabdilaahi Muuse Qaalib isku baranay, maantana wuu joogaa, dabadeedna lodkii 1994 1997 iskuulkan Sheekh Baraawe ka baxay baan ka mid ahaa, annaga iyo guddoomiyaha maxkamada Sare iyo hormoodka jaamacadda Hargeysa iyo rag fara badan oo aan isdhaa waa raga ugu mudakarsan Somaliland xaga aqoonta, markii dambe Iskuulkii Aidam ee markii dambe laga aasaasay jaamacadda Camuud ayaan ka qaatay Diplom, kadib mashruuc aad u balaadhnaa oo UNDP maalgalin jirtay oo maamulka iyo maareynta ahaa, intii dambe ganacsi baan ku jiray, haddana 2008 ayaan galay Construction Studies, dabadeed jaamacadda Golis baan ka qaatay qaybta Engineerinka shahaadada labaas Degree, jaamacadda Hargeysana 2015 2017 baan ka qaatay Master degree qaybta la yidhaahdo nabad dhisida iyo Xalinta khilaafaadka(Peace Bulding and Conflict resolution). Markaa ma jecli inaan u jawaabo, oo waa iska dheh uun waxoogu.

DAAWO WAREYSIGII: 

SHARE
Article horeBeesha Caalamka Oo Daadifeysay Dalab Soomaaliya Ka Soo Yeedhay Oo Ka Dhan Ah Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here