AKHRI+DAAWO Mareeyaha Hay’adda Dekedaha JSL Oo Ka Hadlay Xilliga Uu Dhismaha Cusub Ee Marsadu Dhammaanayo

0
1

 

 

 

 

“Nin kastaaba ha iska hadlo’e Danahii Shaqsiga ahaa ee Waynu Dhaafnay Oo Waxa La Gaadhay Xilligii…….. Mashruuca Dhismaha Dekedda Berberi wuxuu dhammaanayaa….” -Eng Siciid Xasan Cabdilahi.

Hargeysa(Hubaal)-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay Warar laga faafiyey  mashruuca dhismaha Dekedda Berbera kuwaas oo ka dayrinayay habsami u socodka dhismaha dekedda cusub, waxaanu  sheegay inuu bilaabmay dhismaha Dekedda cusub ee Berbera.  Maareeyaha oo warbaahinta qaybaheeda kula hadlay xafiiskiisa magaallada Berbera ayaa farta ku fiiqay xilliga rasmi ahaan ay rajaynayaan in  dhismaha dekeda cusub ee bilaabmay soo dhamaan doono.

Maareeyaha oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi, “waxaan halkan ka caddeynayaa in mashruuca dhismaha Dekedda Berbera wuu dhamaanaya 2020-ka, bisha 8-aad. Nin kastaaba ha iska hadlo danaha shaqsiga ah ee lagu shaqayn jiray waynu dhaafnay, waxa la gaadhay xilligii aynu gacmaha is qabsan lahayn, oo danta guud laga wada-shaqeeyo. Waayo?. Waxa Umusha u roonbaa Ilmaha u roon. Sidaas daraadeed waxan mar kale halkan ka caddeynayaa inuu socdo mashruuci dhismaha Dekedda 400m ah, ama ha La yidhaahdo Cagafbaa la keenay ama hala-yidhaahdo Iska Roggaa la keenay, shaqadaasi waxay bilaabantay 11-aad ee aynu soo dhaafnay, waxaad ka tirsanaysaan 2020-ka inuu dhamaado. Annagga waxa na saaran masuuliyad dheerada inay hirgashaa annagana sharafbay noo tahay qarankana sharafbay u tahay, runtii nin nooga xog-ogaalsan ma jirto”.

Sidoo kale, waxa uu faahfaahiyey Maareeyuhu, qaar Kamid ah shaqaalaha  Dekedda Berbera oo lagu soo tabobaraayo Dalka Dibadiisa, waxanu yidhi. “Shaqaalaaheena Dekedda waa in la tayeeya, sidaas daraadeed annaga maamulkayagan Dekeddu wuxuu ku dedaalaya in tabobaaro caalamiya ay helaan shaqaaheenu. Waxana bishan soo socota la kaxaynaaya 18 shaqaalaha Kamid ah, kuwasoo lasoo bari doono sida loo kaxeeyo Mobel Karamiska”. Waxa kaloo uu intaa raaciyey Mareeye Siciid Xasan Cabdilahi in basboorka Somaliland lagu dhoofiyo shaqaalaha kuwa Imaaraadka la geynayo, hase-yeeshe dalalka kale la geynaayo shaqaalaha qaarkood aanay aqoonsanayn basboorkeena, sidaas daraadeedna basbooro dalal kale ay ku dhoofayaan waxanu yidhi,  “dadka qaarba yidhaahda basboor Somalibaa shaqaalaha tabobarka la leeyahay doonta, kuwas waxaan u sheegaya hortaa Lama aqoonsanaa basboorkeena, lakiin Dp World waxay hirgelisay basboorkeena Somaliland in lagu tago Imaaraadka Carabta, waxanan halkan ka cadeynayaa in shaqaalaha Dekedda Berbera ku tagayaan Imaaraadka Basboorkeena Somaliland oo ay safaaradeenu soo saarayso, lakin Musanbik iyo South Africa dee inama aqoonsanaa, insha allana way ina aqoonsan doonan, markaa wixii lagu tagi jiraybaa lagu tagayaa ama Itoobiyan halu tago ama Jabuuti ama Somali”.

SHARE
Article horeXoghayaha Xisbiga KULMIYE oo si deg deg ah isugu yeedhay xubnaha golaha dhexe
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here