Akhri+Daawo: Xukuumadda Somaliland oo Dawladda Turkiga ku Wareejisay Gacan Ku haynta Dugsi Uu maamulayay Wadaadka Loo Aaneynayo Afgembigii Dhicisoobay ee dalkaa

0
245

Xukuumadda Somaliland oo Dawladda Turkiga ku Wareejisay Gacan Ku haynta Dugsi Uu maamulayay Wadaadka Loo Aaneynayo Afgembigii Dhicisoobay ee dalkaa

afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Oo Faah Faahiyey Sababaha Dugsigan Loogu Gacan Galiyey Dawlada Turkiga

Hargeysa(Hubaal):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay in dugsigii Turkiga ee magaalada Hargeysa si rasmi ah loogu wareejiyey urur hoos taga dawlada dalka Turkiga.
Dugsigan oo lagu magacaabi Jiray Vifak Academy ayaa hore uga mid ahaa dugsiyada uu gacanta ku hayo wadaadka ay dawlada Turkigu ku eedaysay inuu ka dambeeyey af-gembigii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay 16-kii bishii July ee sanadkii 2016.
Dugsigan ayaa haatan loo gacan galiyey ururka Turkey Macaarif Foundationn oo hoos taga dawlada Turkiga.
Afhayeenka wasaarada waxbarashada somaliland Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xassan ayaa shaaciyey in urur hoos taga dawlada Turkiga lagu wareejiyey dugsigii Vifak Academy ee magaalada Hargeysa.
“15 July sanadkii
2016-kii waa tii Inqilaabku ka dhacay wadanka Turkiga isla markaana kooxdii halkan joogtay(Dugsiga Turkiga Ee Hargeysa) ay ahaayeen qaar ka soo horjeeda dawlada islaamka ee Turkiga, aad ayaanay shacabka somaliland uga xumaadeen, taas ayaana maanta keentay inay dalka ka baxaan oo la soo dhaweeyo dawlada Turkiga si danaha shacabka somaliland loo arko oo gacanta loo qabsado dawlada.”
Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay dawlada somaliland ka filayso inay ka hesho dawlada Turkiga Waxaanu yidhi “Waxaan dawlada Turkiga ka rajaynaynaa oo aanu ka codsanaynaa in wax qabad ka badan kii hore oo dan u ah shacabka iyo qarankaba aanu ka heli doono, soo dhaweynta dawlada Turkiga waxaan rajaynayaa inay waxtar weyn noo noqon doonto, waxaanan codsanaynaa in gacan qabashada weyn ee Turkigu ka gaystay Muqdisho iyo somaliya inuu mid la mid ah ka fuliyo somaliland oo uu ogaado inaanu nahay laba dal oo kala duwan.”
Dawlada somaliland ayaa hore ugu gacan saydhay inay xidho dugsiga Vifak Academy kaas oo ka mid ahaa dugsiyada uu maal galiyo isla markaana maamulo wadaadkii lagu eedeeyey af-gembigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga ee Fethullah Gülen, iyada oo wasiirka arimaha dibada somaliland Dr Sacad Cali Shire uu sheegay inaanay xukuumada somaliland marna xidhi doonin dugsigaasi.

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here