AKHRISO: Qeybtii 3aad ee Taxanaha ku Saabsan Horumarka Ku Yimid Madaarka Caalamiga Ah Ee Hargeysa Muddadii Xukuumaddani Talada Dalka Haysay +DAAWO SAWIRRADA

0
23

 

Qorsheyntii, Dhismihii Iyo Dhammays-Tirkii Wajiga Labaad Ee Run-Wayga Madaarka Hargeysa

Markii uu dhammaaday wajigii hore ee dhismaha Run-wayga Iyo xayndaabka Madaarka Hargeysa, wasaaradda Duulistu waxa ay u hawl gashay sidii ay u sii kordhin lahayd Run-wayga Madaarka si dhammaan noocyada diyaaradaha adduunka ee ugu xajmiga wayni u soo fadhiisan karaan Madaarka oo kor u sii qaadaysa heerkiisa Madaarnimo. Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Khubaradiisa wasaaraddu waxa ay arrinkaasi talo ugula noqdeen shirkaddii Maamulaysay mashruucan ee NARCO taasi oo iyana daraasad ay arrinkan ku samaysay kadib ku sheegtay in si Madaarka Hargeysa loo sii ballaadhiyo mashruucanina midho dhal u noqdo loo baahan yahay in Run-wayga lagu daro 1,254-Mitir oo dherer ah si uu guud ahaan Run-wayga Madaarku u noqdo 3700 oo Mitir arrinkaasi oo Wasiirka Duuta Hawada Somaliland mar kale Masuuliyiinta dawladda Kuwait hor dhigay in ay Somaliland ka taageeraan wajigaa labaad ee ballaadhinta Run-wayga Madaarka iyo dhamays tirka Xaynbaadka Madaarka oo qabyo ahaa, taasi oo ay Masuuliyiinta wadanka Kuwait iyana aqbaleen sidaana ku ogolaadeen wajiga labaad ee Mashruucaasu.

29/12/2013-ka ayaa War saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddam Maxamed Axmed ayaa arintaas lagu shaaciyey “Dawladda Kuwait oo aad ugu faraxday sidii loo meel mariyey loona maamulay mashaariicdaa ay bixiyeen ayaa mar labaad aqbashay inay ina siiso deeq dheeraad ah oo dhan Shan milyan oo doolar. Lacagtan waxa loogu talo galay in lagu kordhiyo dhabada dayuuradaha madaarka caasimada ee Cigaal International Airport, oo u baahan in lagu daro qayb cusub oo sagxada lagu soo bilaabayo, taas oo dhararkeedu dhan yahay 1254 Miter ilaa 1400 Miter iyo baarkinka diyaarahaha (Apron) oo lagu darayo 100×50 Miter, iyo sidoo kalena Sholderska runwayga.”

Kordhintii Dhererka Run-wayga Madaarka:

Shirkadda Dhismaha fulinaysay iyo Maamulka Wasaaraddu waxa ay guda galeen dhismaha Wajiga labaad ee dheeraynta dhererka Dhabbaha Madaarka oo lagu kordhinayay 1,254-Mitir waxaana seeska loo dhigay dhismahaasi oo hoosta laga soo dhisay. Maadaama Run-wayga qaybtiisani ahayd mid gabi ahaanba la bilaabayay oo aan hore u jirin, waxa la soo dhisay Lakab hoose oo dhulka ah oo loo yaqaano Sub-base oo la dhisay illaa 15-cm, markii lakabkaasi dhammaadayna waxa mar kale la dul dhigay Lakab kale (Layer) oo isna lagu magacaabo Base-Course) kaasi oo isna laga dhigay 15cm, iyada oo isu gaynta qaro ahaan labadaasi lakab noqdeen 29.5 oo ah istaandarka caalamiga ah ee laga dhigo Run-wayda Madaarrada caalamka tayadiisana aad loo wanaajiyey. Wajiga labaad ee lagu dheeraynayo Dabadda Dayuurahdaha ee Madaark ayaa waxa dhawaan ka hadlay Wasiirka Duulista JSL, Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanu yidhi “Maanta waxaan u kuurgalay dhabaha dayuuradaha cusub ee lagu kordhinayo tii hore oo haatan EEBBE mahadii uu dhamaaday lakabkii koowaad ee 6CM ahaa (DBM) ee daamurka ahaa oo dhan 1250 Mitir.

INSHA ALLAH ku tallo galkayagu waa in aannu dhamays tirno lakabka labaad ee hadhay laba todobaad gudahood. Dhamayas tirka korodhsiimadani waxay ka dhigaysaa dhabaha Dayuuradaha cusub ee uu yeelan doono Garoonka Cigaal 3700 oo Mitir, sidoo kalena waxaanu kordhin doonaa qaybta barxadda diyaaradaha lagu parking-gareeyo iyo Taxi-way labaad oo la samayn doono.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Dhamays tirka dheeraynta dhererka Dhabbaha Madaarka Cigaal, oo bishan gudaheeda laga faraxan doono ayaa suuro galin doonta in Madaarka ay yimaadaan shirkaddo diyaaradeed oo caalami ah sida Fly Dubai, Turkish Airline, iyo Kenyan Airways , oo dhamaantood soo cod saday inay Madaarka duulimaadyo ka bilaabaan marka la dhamays tiro.

Dhismaha dabadda dayuuradaha ee Madaarka Cigaal ayey Hay’adda ICAO u soo dirtay saakiil qiimayn ku sameeya, waxa ugu dambayntii war bixintii ay celiyeen ku xaqiijiyeen Tay’adda Run-wayga Madaarka Hargeysa inay tahay tii loo baahnaa, buuxisayna dhamaan shuruudaha laga rabo dhabada dayuuradaha madaaradda caalamiga ah.

La Soco

1508170_1585733274977291_7451743411169496388_n-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here