Akhriso: Xanaf Ka Dhalatay Hadal Laga Soo Xigtay Suldaanka Guud ee Somaliland Iyo Madax Dhaqameed Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay

0
135

 

Suldaanka Beelaha Subeer Awal oo Hawaawi Ku Tilmaamay Hadal La Wariyey in Suldaanka Guud Yidhi Iyo Boqor Buur Madow Oo Ku Baaqay In La Hubsado

“Suldaan maxamed cabdulqaadir madayrkii makuu gubay? 

“Gefbay ku tahay walaalkay Suldaan Maxmed   Oon Xadhigiisa ahay  in Hubsimo la’aan Hadalkiisu Hawaawi Dhaco”

 

Hargaysa(Hubaal)- Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir suld. Cabdillaahi  oo uu ku  tilmaamay Mid gef ku ah qaranimada.

Maalmihii U dembeeyey Waxa baraha bulshadu ku kulanto lagu baahiyey hadal cod ah oo la sheegay in suldaan Maxamed ku yidhi in uu ka shaqayn doono isu soo dhawaynta Somaliland iyo Soomaaliya.

Hadalkaas oo siyaabo kala duwan looga hadlay ujeedadiisa iyo sugnaanshihiisa  marka laga reebo codka lagu baahiyey Baraha Internet-ka, ayaa xiisad ka dhex abuuray madax dhaqameedka kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo fasirtay, in kastoo aan Suldaan Maxamed si rasmi ah uga hadal jiritaanka warkaas lala xidhiidhiyey iyo ujeedkiisa.

Haddaba Suldaan Xassan oo Qoraal soo Dhigay Boogiisa uu ku leeyahay Facebook ayaa raalli gelin ka bixiyey hadalkaas, waxaa sidoo kale isna isla bogga Facebook-ka kaga hadlay arrintan Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ku baaqay in horta la hubsado warkan inta aan la durin Suldaanka guud.

Hadalka Suldaan Xasan?

Qoraalka Suldaan Xasan Waxa uu ku bilaabay sidan: “Gefbay ku tahay Suldaanku Hubsimo la’aan Hadalkiisu Hawaawi Dhaco. Waa nasiib daro weyn oo khaas ku ah walaalkay Suldaan Maxmed suldaan Cabdiqadir Oon Xadhigiisa ahay tiraabtan kasoo yeedhay ee lidka ku ah gobonimada iyo qaranimada Jamhuuriyada Somaliland  waa feker uu madi ku yahay shaqsiyeed oon cid ka dhageysanaysaa jirin in go’aan umadeed oo masiiri ah gef uu kula dul kufo iyo riyo dhalanteeda oon cago ku taagnayn guud ahaan iskusoo wada xooriyoo hadalkiisu waa hawo gabal ka dhac ah, waa hadal ka jilicsan xuub caaro jawaabna u baahnayn.

intaas waxa uu raaciyay isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.” isla mar ahaantaana kuba haboonayn in aynu wakhti isaga lumino ku mashquulo wax kasoo qaadno asaga laftiisaa og in aan xaajadasi dalkani oolin cid kula riyoonaysaana joogin ama ku uunayn Runta biyo kama dhibcaanka ahi tahay in qarankani siqiir iyo kabiir Raasamalka aynu haynaa yahay gobonimada eebe ku galaday gayigan ee dawladnimadaa aynu hadhsanayno hadaan murtiyeeyo waaqaca yaala dalkani waa soomaliland.

shaqsi riyoonaya hadal uu ku tiraabay waxba mayeeli karo masiirka umada haduu madaxweyne yahay iyo haduu suldaan yahayba go’aan shacab rabitan umaded oon gorgortan lahaynbaa dalkani kaga badbaaday masaa’ibkaa somaliya bariidsaday waa dal shacabkiisu u tashaday ninkii aanu u cuntamayn waxa umadiisa u cuntamay isagaa cirka roob ku og. Gabogabo waxaan shacabka reer somali land kuboorinayaa inaanay damaqsan Suldaan Maxamedna waxaan leeyahay usoo noqo dalkaaga iyo dadkaaga xishmada kuu haya.

soo baydh oo raali galin ka bixi hadaladaa ibliisku kaa keenay Fiiro Gaara dadweynaha reer somaliland waxaan kula dardaarmayaa inaan lasii wadwadin maadama aan qarankan doodi ka taagnayn oo dedaal iyo karti iyo ta alle aynu kusoo gaadhnay halka aynu joogno waajibna tahay inaynu kasii horu marino Waxaan hoosta ka xariiqayaa waa waajib in xaqa la sheego oon laga aamusin anigoo xishmad u haya guud ahaanba umada reer somali land hiilbay utahay qofka jarka ka dhacaya in khaladkiisa latuso sixidbay u tahay marka farta lagu fiiqo gefka umadeed ee uu faraha kula jiro si looga waantobo in si jilicsan loogu dhaco deelqaaf umadeed casharna u noqoto cid danbe oo ku kacda gef fal danbiyed ku ah umadiisa waxaan kusoo ururinayaa xadiiskii nabiga csw walaalkaa laba goorba u hiili haduu gar daranyay u hiili oo qabo hadii laga gar daranyayna u hiili oo garab joogso”.

Jawaabta Boqor Buur Madow

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo ka mid ah Madax-dhamameedka Somaliland, ayaa dhinaciisa arrintan ka hadlay isaga oo  nasiib-daro ku tilmaamay in Suldaanka Subeer awal weerar afka ah ku qaado suldaanka guud.

Boqorka ayaa sheegay in Suldaanku uu Madax-dhaqameedka Somaliland ka furtay hawl culus,isla markaana uu ku guulaystay inuu Abwaan Cabdi Waaxid Cali Gama’diid kasoo furtay jeelkii uu ku jiray,isla markaana uu Amaan iyo bogaan inaga mudan yahay,balse aanay haboonayn in la xag-gato.

Boqorka ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Face-boog-ga,waxaana uu u dhignaa qoraalkii uu dhamaystirani sida tan:

“Suldaan maxamed cabdulqaadir madayrkii makuu gubay waxaan

suldaan maxamedMaalmahan arkaayey weerar kusocda suldaanka haba ugu xoogbadnaadeen rag salaadiin ah oo saxaafada kuweeraray runtii dhaqan ahaan anigu majecli inaan nin hadalkiisa qodob raaco ee waxaan.jeclahay inaan maro wado cusub marko koowaad suldaanka waan hambalyaynayaa xilbuu dhamaanteen inakafurtay abwaankeenii qaaliga ahaan oodulmi kuxidhan ayuu gur mad ugu baxay kuna soo guuleystay waxaa kale oo hambalyaynayaa isimada iyo xukuumada puntland oo tixgeliyey ixtiraamay suldaanka iyo shacabka soomaaliland waxay sameeyeen gobonimo inaga iyo suldaankaba waynagafarxiyeen suldaanku sidii gobiyeelijirtay buu yeelay kelmadii aykufarxikarayeena wuu yidhi hadaba dadkan dhaliilaya waxaan.ku.sagootiyayaa maahmaahdan sheeko kadhacday hargaysa oo kudhamaatay ceerigaabo dagaalkii habarbartii ayaa nin reer ceerigaabo oo jibriiltuurwaa ah baa wuxu dilay nin ciidagale ah oday maxamed degel oo ay isxigaan gacanku dhiiglaha ayaa hargaysa galay qoladii ninka lagadilay baa masaajid kuqabatay markaasuu ku yidhi waar labamagood baanu idinsiinaynaaye ceerigaabo kaalaya markii ayceerigaabo tageen baywaydiiyeen labdii magood wuxu ugu jawaabay waar ma magtii dheeraadka ahayd ee aan masaajidka kagabaxayey ayaad run uqaadateen sheekadii halmag ayay ku gabagabowday reer soomaliland waxaan leeyahay kelmada suldaanku masaajidka kagabaxaayey yaan lagu qaloocin” ayuu hadalkisii kusoo xidhay Boqor Buurmadaw

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here