Al-shabaab Oo Khasaare Maalliyadeed Geyaysiisay Shirkadda Diyaaradaha Ee Kenya Airways

0
53

Hargeysa:(Hubaal)-Khasaarihii ugu badnaa ee abid la arko, ayaa soo wajahay Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways, iyadoo xisaab xidhkii ugu dambeeyey ee la sameeyeyna haatan khasaarahaas la arkay. Dhibaatooyin dhaqaale ayaa lasoo darsay shirkada Kenyan Airways ,waxaana markii la canshuuray shirkada uu khasaaraheedu gaadhay lacag dhan 250- Milyan oo Dollar sanad xisaabeedka 2014 iyo 2015.  Kenya-AirwaysQasaaraha dhaqaale ee lasoo daristay shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa loo sababeeyay hoos u dhac ku yimid dalxiisayaashii Dalka Kenya iman jiray, kadib markii ay kordheen weerarad Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.  Waxaa sidoo kale sabab looga dhigay dhaqaale xumada lasoo daristay Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways tartan xooggan oo kaga yimid diyaaradaha bariga dhexe, iyo halista cudurka Ebola oo sanadkii hore ku dhuftay wadamo Afrika kuyaala kaa oo saameeyay dalxiisayaal geeska Afrika imaan jiray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here