HUBAALMEDIA.COM
Al-shabaab Oo Saanad Isugu Jirta Hub Iyo Dirays Ciidan Ka Qaatay Saldhig Ku Yaalla Kenya Oo Ay Saq-Badhkii Xalay Weerareen
July 9, 2016 - Written by Mustafe Faro

Maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan kooxda Al shabaab ayaa xalay saqdii dhexe abaaro 1:30kii habeenimo weerar culus ku qaaday saldhiga ay Ciidamada booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Diif ee Kenya.

Goobjoogayaal ku sugan Diif ayaa VOA u xaqiijiyey in Ciidamadii booliska ee ku sugnaa saldhiga la weeraray ay markii hore iska caabiyeen maleeshiyadii soo weerartay inkastoo markii dambe weerar rogaal celi ah ay Maleeshiyaadka Al shabaab gudaha ugu galeen saldhiga, ciidamadiina booliska ahaana ay u baneeyeen.diff police station in wajir

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ay maleeshiyaadka Al shabaab xalay ku qaadeen saldhiga ciidamada booliska ee deegaanka Diif, hasayeeshee dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay jiraan tiro askar ah oo ciidamada Kenya ka tirsani ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay dadka deegaanka Diif ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaadka Al shabaab oo muddo saacado ah gacanta ku hayay saldhiga booliska ay markii dambe qaateen agab isugu jira Teendhooyinka ciidamada iyo qalab ciidan.diff-police-station-wajir-alshabaab

Warbaahinta madaxa banaan ee Keneya ayaa baahisay in Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay saldhiga ka qaateen hub tiro badan oo ay lahaayeen ciidamadii saldhiga ku sugnaa.

xigasho: voa

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews