ALLA MAGANE Muqawadnimo iyo Mihnadda Saxaafaddu Iskuma Galaan!

0
3

“CEEBAY TACAAL; Dhiriqda Cali Seenyo  waa  Dhabarjab Mihnadeed ” ALLA MAGANE Muqawadnimo iyo Mihnadda Saxaafaddu Iskuma Galaan!

 

 

Hargeysa (Hubaal) Cali Axmed Raabi oo loo garan og yahay Cali Seenyo, oo ah Mulkiilaha Telefishanka SAAB, ayaa  si deel-qaaf ah  oo shakhsi ah u aflagaadeeyey  Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo uu  ku eedeeyey  inuu ka celiyey Isaga iyo dad kaloo la socday Masaajidka Qiblataynka ee ku yaalla Saylac, iyagoo ka yimid dhinaca dalka Jabuuti oo fadhiisan u ah.

Haddii Aynu Sharciyan siday wax Yahiin U eegno. Ali Seenyo Waxa Uu Inoo sheegay sida u waraysigiisa ku xusay in ay mareen Immigrationka Qaateen Visahii Dalku gal Ahaa.  Waa Sax  Balse Waxa ka horeeya Taas oo Intaanu Dhinacan Somaliland uba so kacin ahayd inuu La soo xidhiidho Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska. Taas oo Qaabilsan Isla Goobtan Waa Masjid Qiblataynkee Uu inoo Sheegay Inuu Booqanayay.

Ciday Khusayso Waasaaradaa Siiba Waaxda Asaarta Qadiimiga ah Sida Cadna    Lama uu soo Xidhiidhin Wasaradda. Hawlaha Caynkan Ee Khuseeya Dalxiiska iyo Asaarta Qadiimiga ah marka laga hadlayo Waxa la  Fuliyaa Sharciga Dalka u Yaal. Waxa loo soo Ciday Khusayso. Isla Markaana laga Qaataa Waraaqaha Ogalanshaha  Goobahaas La Booqanayo.

sidaas Oo ay tahay haddana marka loo dhabo galo Dabuubta  Cali Seenyo ku tiraabay  waxay  dibadda u soo saartay  waayo-aragnimo la’aantiisa dhinaca Saxaafadda  waxaanay cadaynaysaa in aanu soo qaadan tababarradii aasaasiga ahaa ee Weriyeyaasha layliga ah lagu soo carbin jiray xiligii ay Xeerka iyo Xakamaha damiiriga ah laheyd!

Waxa cabashadiisa aflagaaddadu  ku lammaaneyd    ay  dood ka dhex dhalisay Saxaafadda bulshada iyo maxfalada mujtamacu  ku haasaawaan, waxaana dadweynuhu   si xeel dheer u falanqeeyeen Cayda  Cali Seenyo iskaga duubay magaalada Lawyacado ee xadka Somaliland la leeyahay Jabuuti, maalinimadii Jimcihii, markii   laga hor istaagay in isaga iyo kooxdiisu ay tagaan masaajidkaas.

Waxa soo baxday in Cali Seenyo uu sida naxaasta uga dhalaalay in laga joojiyey wax loogu yeedhay mashruuc ku jihaysan Masaajidkaas qadiimiga ah, taasina ay dhalisay  xaraarada iyo caadifadda uu ugu talax-tagay  Taliyaha Booliska oo muddo nusqarni ku dhow ku soo dhex jiray ciidanka Booliska, halka Cali Seenyo  uu xirfadda Saxaafadda ee ku jiray muddo aan gaadhaynin toban sannadood.

Sidoo kale, waxa aanu ka warqabin in Cabdilaahi Fadal uu ahaa sarkaal Akaadamiya oo madax-madax u soo gelin maamulka Booliska oo uu ka soo bilaabay baadhe, Taliye Saldhig, Hoggaanka Hawlaha, sidaasna isagoo aan jaranjaro dhaafin ku noqday Taliyaha Ciidanka Booliska oo uu ku nasiib badnaa siddeedii sannadood ee la soo dhaafay. Arrinta uu Cali ku shaambadda kaga dhigayo Taliye Fadal ee  ah derejadiisu inay la kowsatay Somaliland hase yeeshee waxaanu tirada ku darsan in waayo aragnimada ciidan ee Cabdillaahi Fadal Iimaan ay Soo taxnayd in ku dhaw nusqarni oo u dhawr iyo afartan saanno ku soo dhex jiray ciidammada hadday  noqoto xilligii Somaliya Aynu ka midka ahayn iyo haddii ay tahay muddadii ay Somaliland jirtayba taasina waxay ka marag furaysaa jaranjarrada iyo maraaxilka uu Soo maray.

 

Taliyahu Wuu Ku Amaanan Yahay Shaqada Qaranka uu u hayo.  Haddii Cid Ajaanibii La socotay Ali. Waa Waajib Saaran Taliyaha inuu Dhaq Dhaqaaqooda Amni la socdo Cid uu Isagu Ogalaansho U siiyay Raaciyo Ama Amarkiisa ku Raaciya. Taliyaha waxaynu odhan karnaa  Waa Shakhsi Halkaynu Inagu inagoo shicibka ah ka Nasanayno Isaga Aanay suurto gal Ahayn in uu 24 saac Marna Nasto.

Mida kale Waxa indho iska tuurka  Cali Seenyo shacbigu ku iloobeen Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo shir jaraa’id oo uu shalay qabtay Cali Axmed Raabi (Cali Seenyo) ku tilmaamay inuu u hadlay si gef iyo meel ka dhac ku ah karaamada Saxaafadda, waxaanu yidhi  “Cali Seenyo wuxuu ka hadlay Arrimo aan is qabanaynin oo mihnadda Saxaafadda, Xeerka Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Karaamadoodaba aanu u aragnay inay gef ku tahay oo aanay ahayn inuu sidaas uga hadlo, hase yeeshee hadallada deelqaafka ah ee Cali Seenyo la soo istaagay Telefishanka  ee aan war ahayn ee aan faallo ahayn ee aflagaaddada ah ee uu kula kacay Taliyaha Ciidanka Booliska ay tahay mid aan ururkuna aqbali karaynin Saxaafadda Somalilandna karaamadeeda meel kaga dhacaya.”

Sidaas darteed, waxaa ayaan daran da’yarta ka hoos shaqeynaysa Telefishanka   Cali Seenyo  odayga u yahay  ee lagu anqarinayo dhiriq ceebeedda  sababtay in ururka SOLJA shir degdeg ah ka galeen sheekadan naadirka ah ee uu ku tallaabsaday   mulkiile  Hay’ad Warbaahineed.

Ugu dambeyn, waxa daruuri ah in aan sharciga la horkeeno Cali Seenyo waayo marka uu leeyahay “Hadii anigu lay diido Saylac, xidhiidhka Djibouti iyo Somaliland baa ku xumaanaya oo laba dawladood baa kala dhimanaya” ee uu aflegaadaynayo  ragga iyo haweenka direyska xidhan ee habeen iyo maalin inoo shaqeeya iyagoo mushaharkoodu liito ! Oo aan qaadan wax kufilan iyaga iyo qoysaskooda . In lagu dhiirado in la aflagaadeeyo, lala dagaalamo oo haybadooda hoos loo dhigo!.. qalad  weyn oo ciqaab uu ku mutaysan karo weeye

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here