HUBAALMEDIA.COM
Amarka Joojinta Diyaaradaha Jaadka Muqdisho oo Hirgalay, Meelaha ay Fadhiisteen & Xaaladda Suuqa
September 7, 2016 - Written by Mustafe Faro

diyaarad qaad sidaMuqdisho (Hubaal/Aftahannews):- Buuq iyo jahwareer, ayaa ka taagannaa Shalay  Suuqa ugu weyn ee Qaadka ama Jaadka lagu iibin jiray ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ay dowladda Soomaaliya Isniintii soo saartay Amar ay sheegtay inay ku joojisay Diyaaradaha Qaadka ka soo qaadi jiray dalka Kenya ee Soomaaliya keeni jiray. Kooxo Rag iyo Dumar ah oo ka shaqaysan jiray ama ka ganacsan jiray iibinta Jaadka Muqdisho la keeno, ayaan illaa shalay wax camal ah haynin, isla markaana la arkayey iyagoo koox koox u fadhiya iyo kuwo koox koox uu taagan Suuqii camirnaan jiray ee ay Jaadka ku iibin jireen oo aan wax shaqo ahi ka socon, kuwaasoo iska waraysanaya xaaladda la soo gudboonaatay ee ah in duullimaadyada qaadka ee iman jiray waddanka si ku-meel-gaadh ah loo hakiyay. Goob kale oo Suuqa ah koox kale ayaa ku xoonsanaa Qaadkii Isniintii dorraad  yimi waxoogaa Baarixi ah oo ka soo hadhay, kaasoo qiimihiisu labo jibaarmay intii hore ee lagu iibin jiray, isla markaana la arkayey iyaga oo Muqayiliinta fursadda u helay inay goobtaas tagaan kala jiidanaya hadhaaga qiimihiisu laba-jibbaarmay Qaad-joojinta ama Qaad la’aanta jirta awgeed. Cabdi Xasan Diiriye waxa uu ka mid yahay Ganacsatada Qaadka ku iibin jirtay Muqdisho, hayeeshee aan xilligaas haynin  Qaad uu iibiyo, waxaanu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da uga warramay xaaladdan cusub. “Waan ku noolnahay, waan ka shaqeysannaa, mana oggolin in nalaga joojiyo. Ma yeeli doonno in Muqdisho laga joojiyo Qaadka, Galkacyana uu ka dego.” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Xasan Diiriye. Aragatidaas Cabdi qabo mid ka duwan ayay qabaan qaar kale oo ka tirsan Ganacsatada jaadka ee Muqdisho, waxaanay u arkaan hakintiisa mid ay ka macaashi doonaan Soomaalida oo dhan dhinac dhaqaale iyo mid caafimaadba marka loo eego ee laga tago danta ganacsi ee ay iyagu ku qabeen. “Waxaan u arkaa Qaadku in uu yahay dhibaato aad u wayn. Joojintiisa waan ku farxay, Illaah ayaa Arsaaqad kale noo furi doona.” Sidaa waxa BBC-da u sheegtay Xamdi Cumar oo ka Ganacsata iibinta Jaadka Muqdisho iman jiray. Inkastoo xayirraadaas Duullimaadyada Qaadka keeni jiray Muqdisho lagu soo rogay waddanka Soomaaliya oo dhan, haddana waxa duullimaadyo kale oo Jaad siday ka dageen shalay magaalooyinka Gaalkacyo, Qardho iyo Laasacaanood sida ay BBC-da u xaqiijiyeen Ganacsatada Qaadka qaarkood. Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul-goboleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camay, ayaa go’aanka dawladda Federaalka ku macneeyay mid aan khuseyn deegaannada Puntland, isagoo intaas ku daray in Maamul-gobaleed kastaa uu arrimihiisa u madax-bannaan yahay. Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan Diyaaradaha Jaadku isticmaali karaan Garoommada Diyaaradaha ee Somaliland ku yaalla, isaga oo ku dooday inay Somaliland ka madax-bannaan tahay Soomaaliya. Soomaaliya ayaa maalintii waxa ka degi jiray dhawr iyo toban Diyaaradood oo sida Qaadka laga keeno dalka Kenya, iyadoo Soomaalidu la sheego in ay yihiin dadka ugu badan ee cuna qaadka Kenya laga soo daabulo iyo ka Itoobiya laga keena-ba. Kenya ayaa qaadka ay Soomaaliya u soo dhoofiso waxay ka heshaa dakhli aad u badan, iyadoo Qoysaska Beeraleyda Meru ay si weyn ugu tiirsan yihiin Ganacsiga Jaadka Soomaaliya loo iib-keeno.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews