“Anigoo Ilaalinaya Nabadgelyada Waxaan Gartay Inaan U Tanaasulo Danta Qaranka Oo Ay Ugu Horreyso Degmada Boorama”

0
1

Maayirkii Boorama Oo Xilkii Lagaga Qaaday Fadhi Aan Caadi Ahayn Oo Shalay Golaha Deegaankaasi Yeeshay + Maayir Cusub Oo ay doorteen

Boorame(Hubaal)-Kalfadhi aan caadi ahayn oo maanta ay xildhibaannada Golaha Degaanka ee degmada Boorame  ku yeesheen xaruntooda dowladda hoose,ayey ku doorteen maayir cusub oo ay yeelan doonto magaaladaasi. Kulankan waxa ka qayb galay wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha  iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin, badhasaabka gobolka Awdal, iyo xildhibaannadda Golaha degaanka ee Boorame oo ay goob joog ahaayeen 20 xildhibaan, halka uu  fadhigan ka maqnaa hal xildhibaan. Fadhigaasi waxa isku casilay maayirkii degmadda Boorame Maxamed Xuseen Maydhane , iyada oo ay fadhigaasi xildhibaannadu ku doorteen maayir cusub oo ay yeelan doonto degmada Borame. Waxaana xilka maayirnimo isu soo sharraxay laba xildhibaan oo kala ahaa Maxamed Maxamuud Dheereyste iyo xildhibaan Saleebaan Xasan Xadi, waxaana cod la qaaday kadib ku guulaystay xilka maayirnimo Saleebaan Xasan Xadi oo helay 10 cod, halka uu Maxamed Maxamuud Dheereyste helay 9 cod,halka aanu shirguddoonkuna codayn.

Waxaana xilkaasi Maayirnimo ku guulaystay Saleebaan Xasan Xadi  oo noqday maayirka cusub ee degmada Borame oo ahaa maayirkii hore ee uu beddelay maayirka is casilay.

Waxa munaasibadaasi ka hadlay maayirkii hore ee degmadda Borame Maxamed Xuseen Maydhane  oo sheegay in uu xilkan ka tanaasulay kadib markii uu eegay xaaladda nabadgelyo iyo ta horumar ee gobolka . “anigoo ilaalinaya nabadgelyada, si aanu horeba u ilaalinay, si aanay rabshad dambe u dhicin oo horumarkuna usii socdo, ee aan ku qancay go’aanka madaxweynaha, waxaan gartay inaan u tanaasulo danta qaranka oo ay ugu horeyso danta degmada Boorama.” Ayuu yidhi Maxamed Xuseen Maydhane

Waxa iyaguna goobta ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye  iyo wasiirka warshadaha, Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo kula dardaarmay Maayirka cusub iyo xildhibaannada golaha degaanka ee degmada Borame in la dardargeliyo hawlaha horumar  iyo wax qabad ee degmadaasi ka socda.

SHARE
Article horeMidowga Yurub Oo Sheegay In Isbeddel Ballaadhan Laga Sameeyey Waxbarashada Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here