“Anigu In Aan Madaxweynaha Ku Barto Waan Hoos Joogay, Waxaanan Ogahay Inaan Golihiisa Wasiirradu Ninna Gaadhi Iibsan Karin, Ninna Guri Dhisan Karin”

0
1

“Hantida Qaranka Ka Maqani Guryo Uun Maaha’e, Mallaayiin Doollar Oo Ummadan Laga Dhacay, [meeshii ay martayna] La Ogyahay Baa Jira, Madaxweynahana Wax Allaala Wax Ka Qarsooni Ma Jirto Oo….”- Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa 

Hargeysa (Hubaal):- Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa  oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa guushii uu Madaxweyne Muuse Kursiga ugu sarreeya talada ku hantay ku sababeeyey mid kutimi hal adaygnimo iyo kalsooni ay shacbigu kaga soocdeen murashaxiintii kale ee kula loollamaysay doorashadii madaxtooyada. Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa waxa uu ammaanay dhabbaha uu madaxweynuhu kuhagay siyaasadda xukuumaddiisu ay gacanta dawladda ugu soo celinayso hantidii qaranka ka maqnayd iyo sidii meesha looga saari lahaa musuqmaasuqa, isaga oo hoosta ka xarriiqay karti uu sheegay in madaxweynuhu u leeyahay inuu kaga dhabeeyo ballanqaadkii buuggii uu xisbiga KULMIYE ku galay doorashada. Xil. Warfaa oo shalay qaybo kamid ah warbaahinta xogwarran ku siiyey magaallada Hargeysa waxaa uu soo dhaweeyey tallaabadii u dembeysay ee xukuumadda Madaxweyne Biixi ku diiwaangelinayso hantida maguurtada ah ee qaranka, taasi oo uu ku tilmaamay mid hore loo qaaday. “Diiwaangelinta lagu sameynayo hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ay laheyd Somaliland 27-sano ee ay jirtay wixii aan sifo sharciya ku bixinna waa laga daba tegayaa, aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayaa.Madaxweyne Muuse Biixi waxaa loo doortay ee codka 80-kuna loo siiyay waxaa uu ahaa wakhti soo maray Somaliland oo xoolihii umadda illaa maalintii lala soo noqday madaxbannaaniada Somaliland aan waxba loo diiwaan gelin lana boobayay markaa waxaaloo baahday nin adag, oo xoolihii ummada ee la dhacay gacan bir ah ku qabta soona celiya ka dabataga keena, waxaana leysla gartay saddexdii nin ee u tartamayay jagada madaxtinimo inuu yahay ninka sifahaa lihi Muuse Biixi Cabdi madaxweyne codka sidaas ayaa lagugu siiyay 80-ka kun ee aad dheerayd ragga kula tartamayay, maantana ummadu wali way ku eegaysa madaxweyne Muuse”. Sidaasi ayuu yidhi Xil. Warfaa, waxaana uu intaas ku ladhay “Anigu waxaan qabaa in uu yahay nin karti leh, ku dhac leh, hadal adag intaas oo sifo ayaana codka lagu siiyey oo uu madaxweynuhu dheeraa raggii kale ee la loollamayay,   muddada uu joogana in aan shillin meel kale lamarinayn in aan ku barto waan hoos joogay madaxweynaha. Waxaanan ogahay in  golihiisa wasiirradu aanu ninna gaadhi iibsan Karin, ninna daar cad dhisan Karin oo uu gacan bir ah ku qabanayo.”

, anigu intaa sifo  inaad tahay nin karti leh, ku dhac leh, hadal adeg oo inta uu joogo aan shilin kale meel kale la marineyn in aan ku barto waan ku hoos joogey waxaan qaba in intaad joogto golahaaga wasiiradda ninna gaadhi iibsan karin ninna daar cad dhisan karin, waan ogahay in aad gacan bira ku qabaneyso”

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray isagoo  hadalkiisa sii wata”Madaxweyne hantida qaranku maaha uun guryo  ee waxaa maqan hanti lacageed malaayiin dollar ag oo ummadan laga dhacay oo la ogyahay [meeshii ay martay], haddii loo diro hanta dhawr madax banaanna maxakamad lagu soo taagi karo, wax allaala wax kaa qarsoonina ma jiro ee taasna waa lagaaga fadhiyaa Md. Madaxweyne”. Dhinaca kale Xildhibaanku mar uu ka hadlayay   doorashada golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanku goorta ay qabsoomayso, ayaa ku jawaabay.”Doorashadu wakhtigeedii ayay ku qabsoomaysaa oo waxaa ay ku wanaagsan tahay geedi socodka Dimuquraadiyadeed waxaanay ku habboon tahay doorasho waliba inay wakhtigeedii qabsoonto, geedi socodka kale ee kasbashadaa wadamada Khaliijka halkii ugu wanaagsaneyd ayaynu abbaarnay waayo? waxaa la yidhi ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow, taana waxaa daliil u ah sida madaxweyne ku xigeenka Somaliland loo soo dhaweeyay, sida loo qaabilay iyo mansabka la geeyay, waligeed iyo Allaheed may dhicin in qasriga madaxtooyada laga taago calankii Jamhuuriyadda Somaliland oo ay koonfuri qayliso oo ay tidhaaho Somaliland sowta la aqoonsaday. Waxaanan qabaa in haddii alla yidhaa sannadka dembe xajka lagu tegi doono baasaaboorka Somaliland  hase ahaate waxaa loo baahan yahay oo xukuumadda talada heysa looga fadhiyaa inay wadanka musuq maasuqa ay ka ilaaliso, oo hay’addaha dawladdu ay u muuqdaan kuwo shaqeynaya”ayuu yidhi xildhibaanku

SHARE
Article hore“Dhalinyarada Qal-qaalinimmada Ku Jirta & Kuwa Hawlaha Kale Ku Jiraba Waxay Arki Doonnaan Is-bedal Ballaadhan”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here