HUBAALMEDIA.COM
“Anigu Madaxweynaha Ismaanu Arag Wixii La Igu Magacaabayna Waan Ka Cudurdaartay, Sababtoo Ah…..”
July 12, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Iyadoo xafladdii La Joogo Ayuun Buu Madaxweynuhu Iskaga Dhawaaqay [Magacaabista], Meeshaasina….” – Gen. Jaamac-yare oo Gacan-saydh Kaga Jawaabay Xil Uu Madaxweynaha Soomaaliya U Magacaabay

 Jaamac

Muqdisho(Hubaal):-Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib oo horraantii toddobaadkan uu madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo U Magcaabay In Uu guddoomiye ka noqdo guddi uu u xil saaray taakulaynta ciidammada dalkiisa ayaa meesha ka saaray in uu xilkaasi qabto isaga oo ku sababeeyey in aan lagala tashan isla markaana aanay madaxweynaha is arag kana wada hadlinba. Jaamac Maxamed Qaalib oo isaga oo ku sugan magaallada Muqdisho warbaahinta la hadlay kadib markii ay soo baxday magacaabistiisu ayaa  ka hadlay sababta uu uga cudur daartay xil uu madaxweynaha Somaliya Mr. Farmaajo u magacaabay oo ahaa guddoomiyaha guddiga taakulaynta ciidamada Soomaaliya. Genera, Jaamac-yare ayaa  sheegay inuu ka cudur daartay xilkaas oo aanu qaban karin, “Xil aan qabtay ma jiro, xil aad qabatay ayaa la iska casilaa ee wixii la igu magacaaba ayaan ka cudur daartay.” ayuu yidhi Jaamac oo intaas raaciyay “Cudur daarka ugu weyni waxa weeye xilkaas ayaanan qaban karin sababtoo ah mashquul ayaan ahay oo hawlo kale ayaan qabtaa, madaxweynaha ismaanu arag laakiin raysal wassaaraha ayanu is aragnay oo ii sheegay una sheegay inaanan qaban karin, markaas inay sidaas ku dhammatay ayaan moodayay dabadeedna iyadoo xafladii la joogo ayuu madaxweynuhu iskaga dhawaaqay, meeshaasina meel laga buuqi karo nidaamka iyo asluubtu ma ahayn.” Jeneral Jaamac-yare wuxuu sheegay inuu Farmaajo warbaahinta u mariyay inaanu xilkaas qaban karin, “Waanan ka cudur daartay waaanan sheegay, farriina waan u diray madaxweynaha.” ayuu yidhi.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews