Anigu Mar Walba Ma Ihi Muxaafid Ama Mucaarid – W/Q. Prof. Axmed Cabdi Dacar

0
21

Waajibkaygu waa inaan dhex ahaado: dawladdu mar walba ma qaldana oo mucaaridku mar walba ma saxsana. Sidoo kale, mucaaridku mar walba ma qaldana oo dawladdu mar walba ma saxsana.

prof axmed cabdiKolba kii aan sax u arko ayaan raacayaa, kaan qalad u arkana waan ka hor imanayaa.

Waxaan sidaa u noqday waa ta koobaad eh: waxaan ka xoroobay inaan qof u daacad ahaado oo aan la coloobo cidda ay is hayaan, iyo inaan qof iska diido oo aan jeclaado cidda ay is hayaan.

Ta labaad, waxaan sidaa u noqday midna wax ugama baahni oo wax ka hungreenmaayo. Mar kaasi cidna ima laha: in qof, amma reer amma xisbi i yeesho, siiba haddii aanay intaasi laheeyn mabaadi aanu marwalba iskaga mid nahay oo xaq ku qotoma, waa waxaan wax u bartay ee iga kor marisay qof indo la’aan iskaga ayid mar walba amma qof mar walba ku taagnoow oo mucaarid ku noqo.

Ta saddexaad, aniga danteeydo waa wax kasta oo dan u ‘a dadka iyo dalka. Wuxuu arrinkan sadeexaad ii yahay miqyaaska aan wax ku kala doorto amma aan wax ku kala shaandheeysto.

Kolba mawqifka siyaasiyiinta, mawqifka ka danta daku ku jirto waa inaan ka doorbidaa mawqifka qofka danta dadku ku dhawacmeeyso.

Hebel baa ku xigga amma hebel baa isku koox tihiin, waa inay hadhaa markay danta dadka iyo dalka isa soo taagto. Kolba wixii dadka iyo dalka u dan ah ayaa adigana kuu dan ah.

Haddii aad sida wax arkiweeydid oo danta dadka iyo dalku miqyaas kuu noqonwaayaan, waxaad halis ugu jirtaa inaad daloolisid doonidaad dadka la fuushantaay oo ay kugu dhacdo ”karis xun, iyana wax ku la”

Haddii dawladdu arrin ku hagaagsantahay, oo aad ku raacweydid, ogsoonow, adigaa dalka wax yeelay eh. Haddii mucaaridku toosanyahay oo aanay dawladdu maqlin, iyadii dadka u edeegi laheed ayaa diiday in ay yeeshu sidii hagaagsaneed.

Waa inay dawladdu iyo mucaaridku meeshii danta dadka iyo dalku ku jirto ku toosiyaan ummadda intey tooda gaarka ah meel iska dhigaan.

Waa in la helo qaar dhexdhexaad ah oo dawladda iyo mucaaridkuba u soo joogsadaan oo isku wadikara labada. Si aad kuwa wax kala shaandheeya intaanay boodin aad u noqotid, ku dhiiro inaad maskaxdaada isticmaashid oo aad caadifadda naftaada ka hor timaadid.

Ha iska boodin! Fakir oo fakir intaanad wax falin.

Prof. Axmed Cabdi Dacar

Facebook: Ahmed Da’ar

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here