HUBAALMEDIA.COM
“Anigu Waxan Is Weydiiyaa Tolow Inaad KULMIYE Ka Baxdo Oo Aad Xisbi Kale Tagto Yaa Ugu Jeclaa, Kow Waxan Ogaadaa….”Cabdicasiis Samaale
April 2, 2017 - Written by Mustafe Faro

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kamid ah hormoodka xisbiga KULMIYE, ayaa faahfaahin ka bixiyey asbaabta loo nisbayn karo inay keentay tanaasulka madaxweyne Siilaanyo ee la xidhiidha inuu kursiga madaxweynenimada mar labaad u tartamo, isaga oo dhinaca kalena dareenkiisa ka dhiibtay waqtiyadii uu tartanka adagi ka dhex jirey xisbiga KULMIYE ee uu hormoodkiisa kamid  yahay.

samaale2

Cabdicasiis Samaale oo shalay hadallo ka jeediyey munaasibad uu KULMIYE lahaa, ayaa meesha ka saaray aragtiyaha sheega inuu madaxweynuhu da’diisa darteed teeramkiisii labaad ee uu xaqa u lahaa uga tanaasulay, waxana uu yidhi, “Maanta madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku ekaaday inaanu doorasho dambe gelin, asbaabaha uu ugu muhiimsan ee uu go’aankaas u qaatayna waxa laga yaabaa inay dadka qaarkii yidhaahdaan Axmed waa yara da’ oo inuu iska nastuu doonayaa, laakiin kursiga lagama nastee waa lagu dul nastaa.”

Mudane Samaale oo hadalkiisa, ayaa sheegay in dhibaatada ay leedahay dadka oo weydiisashada codka loogu soo noqnoqdaa sabab u tahay tanaasulka madaxweynaha, Waxanse is leeyahay laba sababood baa ugu mudan inuu murrashaxnimadii ka hadho, kuwaas oo kala ah isaga oo soo arkay dhibaatada ay leedahay I doortadu iyo ta labaad oo ah isaga oo madaxweynuhu dalkiisa iyo dadkiisaba u tudhaya oo garanaya tartanka labaad ee uu doorashadaas mar labaad ku gala culayska ay ku leedahay xisbigiisa iyo xisbiyada kaleba,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa kale oo uu ka hadlay dareenkii ay shacabku bixiyeen waqtiyadii uu jirey tartankii adkaa ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa ahaa, isla markaana dadka axsaabta kale ku jiraa laabta ka jeclaayeen inuu iyaga la midoobo, waxana uu yidhi, “Anigu waxan is weydiiyaa tolow inaad KULMIYE ka baxdo oo aad xisbi kale tagto yaa ugu jeclaa, kow waxan ogaadaa waxa ugu jeclaanaya qofka xisbigaas kale jooga ee doonaya inaad wax tarto.”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews