HUBAALMEDIA.COM
“Anigu Waxan Kamid Ahay Dadka Reer Somaliland Ee Leh Mabda’iyan Ma Qurux Badna Inuu Waddankaagu Saldhig U Noqdo Ciidamo Militeri Oo Shisheeye….”Prof. A. Ismaaciil Samatar
April 5, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Anigu waxan ku dooday haddii aynu saldhig bixinayno kirada laga qaadanayaa waa inay sanadkii noqotaa boqol milyan oo dollar, saldhigaasi noqonin meel dadka kale lagaga duulo…

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar  Oo Si Weyn U Taageeray Maalgashiga Shirkadda DPWorld ee dekedda Berbera, Balse Su’aal Saaray Saldhiga Ciidan Ee Madaarka Berbera

samatar

 Hargeysa:(Hubaal)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar  oo katirsan saraakiisha sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa si cilmiyeysan u naqdiyey heshiiska xukuumaddu ciidamada ka socda waddanka Isu-tagga Imaaraadka kaga kiraysay madaarka magaalada Berbera, waxana uu saluug ka muujiyey hannaanka faa’iidooyinka saldhigaas bulshada loogu sharraxay, isaga oo soo jeediyey inay habboonayn in kiro lacageed lagu beddeshaa.

Prof. Samatar oo isaga oo waddanka Maraykanka ku sugan u warramay Telefishanka Universal, ayaa dhinaca kale si weyn usoo dhaweeyey maalgashiga ay shirkadda DPWorld ku samaynayso dekedda Berbera, waxana uu shaaciyey inuu yahay mashruuc qaranku baahi weyn u qabo.

Ugu Horrayn Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu muujiyey sida uu mashruuca maalgashiga dekedda Berbera ula dhacsan yahay, balse waxa uu saluugay hannaanka xukuumaddu dadka ula wadaagtay macluumaadka ku saabsan mashruucaan, faa’iidooyinkiisa iyo khasaarooyinkiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Mashruuca maalgashiga Berbera mabda’iyan waan taageersanahay, waayo dekedda Berbera in la ballaadhiyo oo ay noqoto deked caalami ah oo weyn waddanka ayey dan weyni ugu jirtaa oo dhaqaale weyn baa halkaas kasoo gelaya, inta kaliya ee aan dhaliil hayaa waa mashruucii uu doonaba ha noqdee madaxweynaha ama dawladda waqtigaas joogtaa dalka ma lehee dadkaa lehe waa in loo macneeyaa mashruucani waxa uu yahay, sababta loo keenay, waxa laga helayo, khasaare iyo faa’iido dabadeedna dadka laga iibiyo, halkaasna waxad moodda inay dhaliili taallo.”

Waxa uu aqoonyahanku muujiyey sida aanu u taageersanayn saldhigga Imaaraadka laga siiyey madaarka Berbera, isaga oo xusay inuu hayo xogo badan oo muujinaya inaan saldhigyada la bixiyo wax badhaadhe ah aan laga gaadhin, “Anigu waxan kamid ahay dadka reer Somaliland ee leh mabda’iyan waddankaagu inuu saldhig u noqdo ciidamo militeri oo shisheeye ma qurux badna, waanan darsay adduunyada oo meelaha ay caynkaasi ka dhacdaa dhibaatooyin badan bay leedahay,” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu caddeeyey sida ay bixinta saldhigaasi ku qurux badnaan lahayd oo uu ku tilmaamay in lacagta kiradiisa kasoo baxda waddanka lagu horumariyo, waxana uu yidhi, “Anigu waxan ku dooday haddii aynu saldhig bixinayno kirada laga qaadanayaa waa inay sanadkii noqotaa boqol milyan oo dollar($100,000,000) boqolkiiba sagaashan(90%) kamid ahna waa inay gashaa waddanka dhismihiisa, ta labaad ee muhiimka ahina waa inaanu saldhigaasi noqonin meel dadka kale lagaga duulo, Djibouti saldhigga maraykanku ku leeyahay toddobaatan malyuun bay sanadkii ka qaadataa, laakiin teenu waxan leeyahay inay boqol Malyuun noqotaa.”

Dhinaca kale waxa uu Professor-ku ka hadlay dib u dhaca ku yimaadda doorashooyinka waddanka ka qorshaysan oo marar badan soo noqnoqday, isaga oo tulaase usoo qaatay doorashooyinka Baarlamaanka iyo Guurtida oo in badan waqtigoodii dib looga dhigay,  “waan ka murugaysanahay dibu-dhaca doorasshada Baarlamaanka, waxana ay ahayd inay berri hore doorashadoodu dhacdo, waxana la yidhi Baarlamaanka doorashadoodu ha dhacdo 2018-ka, guurtidana 2019-ka, markaa 30-sanadood bay guurtidu ku dhawaanaysaa, golahaas guurtidana dadku aad iyo aad bay uga qalbi jabsan yihiin,” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in dhammaanba shacabka reer Somaliland si weyn uga soo hor jeedaan doorasho la’aanta golaha guurtida oo intii Somaliland jirteyba umadda soo hor fadhiya, waxana uu yidhi, “Dadka reer Somaliland aad iyo aad bay uga niyad jabsan yihiin in dib loosii dhigo doorashada oo uu golaha guurtidu soddon sano wax ku dhaw uu halkaas sii fadhiyo, Baarlamaankana sidaas si le’eg.”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews