”Annaga Waxa Na Xukuma Madaxweynaha, Berri Hadduu Yidhaahdo Muddadii La Ii Qabtay Kuma Qaban Karo Doorasho, waxa Khasaba In La Kordhiyaa”

0
1

”Madaxweynuhu Xisbi Ayuu Madax Ka yahay, Faysalna Xisbi Ayuu Madax Ka Yahay,  Cirrona Xisbi, Saddexdooda Oo Isku Duuban Ayaa Dib u dhaca Doorashada Masuul Ka Ah”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Hoosta Ka Xarriiqay Muddo Kordhin Loo Samayn Doono Golaha WAkiillada

 

Hargaysa(Hubaal)- Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan [SALEEBAAN GAAL] ayaa sheegay in ay khasab tahay haddii doorashadii golayaasha deegaanka iyo golaha wakiiladu qabsoomi wayday in la kordhiyo. Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay inaanay wali soo gaadhi muddo kordhintii balse ay madaxwaynaha ka sugayaan in ay uga timaado go’aanka ah inaanay qabsoomi Karin doorashadii wakhtigeed loo asteeyay.

“Haddii doorashadu qabsoomi waydo waaryaahee dalku dawlad la’aan maayo haddii doorashadii qabsoomi waydayna waa la kordhinayaa, laakiin waxa waajib ah in doorashadda wakhtigeedii lagu qabto, hadda nimankii gudsida doorashoooyinku waa kuwii yidhi laguma qaban karo wakhtigeedii oo duruufna sheegtay xilkii madaxwaynaha ayuu ku wareegay,lakiin anagu dhago uma lihin waxaas ay yidhaaheen  gudida doorashooyinku, anagana waxa n axukuma Madaxwaynaha haddii uu yidhaahdo doorashadda wakhtigeedii kuma qaban karno markaas ayaa annaga qiil doodidayadu, taladayadu iyo go’aan kayagu yalaa”sidaas ayaa uu yidhi isaga oo u waramay UNIVERSAL TV waxana uu intaa kuladhay  ”Anaga namay soo gaadhi wali madaxwaynaha ayaynu ka sugaynaa oo wakhti badani waa hadhay oo wax la leeyahay berito ayuu ku eeg yahay maaha, lakiin haddii uu barito madaxwaynahu yidhaahdo mudadii lay qabtay doorashadii kuma qaban karo talana wuu soo jeedin waana khasab in la kordhiyaa, asxaab iyo ciddii waliba sidaas raali ha ku ahaataa.”.

Guddoomiye saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dibu dhaca doorashadda waxa ku eedeeyay saddexda xisbi qaran ee Somaliland ”Madaxwaynahu xisbi ayuu madax yahay ,faysal xisbi ayuu madax ka yahay cirrona   xisbi  ayuu madax ka yahay. saddexdooda oo isku duuban ayaa ka mas’uul ah dibu dhaca doorashadda”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here