HUBAALMEDIA.COM
“Annagoo Gudanayna Waajibaadkayaga Amniga Iyo Fulinta Awaamiirta Madaxweynaha, Godadka Halkan [Xarunta Birmadka] Laga Qoday, Waxaa….”
May 20, 2017 - Written by Mustafe Faro

Jananka Ciidammada Bileyska Somaliland, oo ka hadlaya  Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaa32 (1)Hargeysa(Hubaal):- Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay heegan adag oo  Ciidammada Booliska  galeen   si ay u adkeeyaan sugidda Amniga maalmaha lagu jiro Xuska 26-guurada ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May oo sannadkan 2017-ka dawladdu go’aamisay in Kharashaadkii loogu dabbaal-degi jiray Dabbaal-degga May loo beddelo Taakulaynta ka soo kabashada Abaaraha, Shacabkuna Qaadhaan ururin sameeyaan.

Taliye Cabdillaahi Fadal waxaa uu sheegay in tan iyo maalintii arbacadii ee toddobaadkan ay ciidammada bileysku heegan adag ugu jireen sidii ay amniga qaranka iyo ka shacabkaba u sugi lahaayeen inta lagu mashquul-san yahay xuska maalintan qaran oo uu uu sheegay in ay ka ciidan ahaan iyagu u diyaar garoobeen gudashada waajibaadkooda shaqo.  Taliyaha oo uu weheliyo   Taliye Ku-xigeenkiisu oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Ciidammada Birmadka ee magaalada Hargeysa waxay sheegeen in ka sokow   gudashada waajibaadka saaran Boolis ahaan ee sugidda nabadgelyada ay xil iskasaarayan  ka qayb-qaadashada Mashruuca Dhiraynta iyo Barnaamijka Sannadkan dawladdu u beddeshay Xuskii 18 May ee Taakulaynta ka soo kabashada Abaaraha oo uu Hal-ku-dhigga 18 May 2017 yahay.

 “waxaad ka warqabtaan inaynu ku jirno xuska 26 guurada kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga dalkan Jamhuuriyada Somaliland oo ahayd 18-kii MAY 1991-kii. Anigoo xuska sanadkan madaxweynaha qaranka ku hambalyaynaya qorshaha uu u bedelay dabaaldegii ee ah in qaadhaan lagu ururiyo si loogu taakuleeyo dadkii ku tabaalloobay abaaraha, inkastoo roobkii iyo raxmaadkii alle uu haatan curtay”. Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu, waxaanu intaa kudaray  “sanadkan annaga oo  marka koowaad gudanayna waajibaadkayagii ahaa ilaalinta amniga  iyo a  fulintaiyo  ilaalinta awaamiirta madaxweynaha JSL, waxa  kale ka mid ah in beertii mashruuca wajaale aanu u dirnay hoggaamo ciidanka bilayska ah iyo ciidan kaleba,  waxaana halkaas laga bilaabay dhirayn, halkanna [xarunta birmadka] indhihiina  ayaad ku arkaysaan [warbaahintaas] godadka la qoday oo dhir  baanu ka beeraynyaa, dhammaan fadhiyada boliskuna caynkaas ayay u badan yihiin”.  Ayuu yidhi taliyuhu. Gebogabadiina waxaa uu taliyuhu farriin u diray shacbiga oo uu sheegay inay ka filayaan in sidii horeba u dhici jirtay ay wada shaqayn fiican kala yeelanayaan ilaalinta amniga iyo gacan siinta bilayska.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews