Aqoon yahano Tooshka isla dul taagay Lafo-gurna ku Eekeeyay God-daloolooyinka tira beelay ee ka muuqda Odoroska Miisaaniyad Sannadeedka 2015-ka

0
78

WAXAAD XAGA HOOSE KALA BIXI KARTAA LINKS-KA BUUGA ODOROSKA MIISAANIYADA 2015 OO KA KOOBAN 42 BOG

Hargeysa(Hubaal)- Aqoonyahano Da’ yar oo reer Somaliland ah ayaa soo bandhigay lafa-gur xeel dheerna ku sameeyay Odoroska Miisaaniyadda 2015-ka, iyaga oo ka soo saaray God-daloolooyin tira beelay oo ka muuqda Miisaanyaddaas.

Lafo-gurkan qotoda dheer ee ay ku sameeyeen dhallinyaradaa aqoonyahanka ahi,Miisaaniyadda 2015-ka, oo ay ka sameeyeen Buug ka kooban laba iyo afartan bog, kaas oo ay si cilmi ah ugu faaqidayaan Miisaaniyadaas, isla markaana ku sharaxayaan qoraal iyo Jaantus ay bulshada reer Somaliland ugu faahfaahinayaan qaababka isku dhaafsantahay iyo god-daloolooyinka tiro beelay ee ku jira oo ay ku soo koobeen shan Bog.

Hadaba nuqulka lafa-gurka miisaniyada oo ay soo diyaariyeen dhalinyarada aqoonyahanka ah oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay Wargeyska HUBAAL waxa uu u dhigan yahay sidan:

Qorayaasha:- Hamse A Khaire, Mobile:- 4410102, Email:- Abdeeq2005@hotmail.com, Abdi Osman Jama, Mobile:- 4422941, Email:- Abdulrahmaanothman@gmail.com

 “Soo-koobida guud (excutive summary)

Soo-koobidda Dakhliga

Qaabka soo bandhigida Dakhliga

Waxyaabaha dheeraadka ku ah ee ay tahay inaaney ka muuqan miisaaniyadda 2015 waxa ka mid ah deeqaha caalamiga ah iyo lacagaha la soo daabacay. Kuwaas oo haddaan laga saarin ka dhigaya miisaaniyadda mid buunbuunsan oon xaqiiqo aheyn.  Sababaha aaney ugu jireyn labadan shay waa kuwan:

Soo daabicadda lacagtu waa masuuliyadda bangiga dhexe ee JSL taas oon sinaba uga mid noqoneyn siyaasaddaha dakhli iyo kharash (Fiscal policy) ee wasiirka Maaliyaddu ku shaqo leeyahay. Balse lacagtaas bangigu soo daabacay (Deficit Financing) ee wasiirku ku daray dakhligiisu waxay dhiig bax ku tahay dhaqaalaha qaranka oo sixirbarar aan waliigii hore u soo marin qaranka ay keentay.

Haddii lacagahan soo-daabicadooda aan loo aabo-yeelayn ay sii socoto waxay keeni kartaa cawaaqib xumo aan hadhin. Haddii dawladdii Daahir Riyaale wareejisay qasnada DAWLADDA  oo cas, wuxuu madax-wayne Siilaanyo maamulkiisu qarka u saran yahay inuu caseeyo qasnadaha DADKA reer Somaliland oo marka horeba la il-daran saboolnimo iyo sixir-bararo aan dhamaan.

Soo daabicadda lacagta kharashka ku baxa ayuunbey tahay in uu ka muuqdo qaybta kharashaadka ee miisaaniyadda. Haddii ay dakhliga dawladdu u baahan tahay ay tahay iney soo daabacato waxay noqon lahayd in dakhliga miisaaniyadduhu intii aynu doono soo daabacano. Waxa dakhli loo aqoonsan karaa wixii inoogu yimaada cashuur, addeeg, ama xaraash hanti ay dawladdu iibisay. Waxa soo raaci kara deeq ama deyn dawladdu maamulayso oo aynu helno.

Dawladda oo hawlaheeda dawladnimo ku maalgalisa lacago ay soo daabacato waa habdhaqan musuq kaas oo dhaawac weyn ku keena dhaqaalaha dalka. Dawladdaha masuulka ah ee xilkaska ah aad iyo aad ayey isaga ilaaliyaan dhaqankan oo keeni kara qiimo dhac lacageed iyo sicir barar aan laga soo waaqsan dhaqaalahan geyaysiiya inuu burburo.

Waxa jira dhowr nooc oo dal loo siiyo deeqaha caalamiga ah. Noocyadaas ta kaliya ee miisaaniyadda qaranka deeqda la siiyey ka muuqan karta waa ta loo yaqaan deeqaha tooska ah ee miisaaniyadda gala (budget aid). Ilaa iyo iminka dawladda Somaalilland ma helin deeq caynkaas ah oo ka muuqan karta miisaaniyadda qaranka.

Miisaaniyadda 2015 dhinaceeda dakhliga oo kaliya ayey ka muuqdaan deeqahaasi. Dhinaca kharashka ee miisaaniyadda kama muuqato qoondeyn ku jaango’an deeqdaas caalamiga ah. Waana sababtan ta ay tahay ineynaan ugu darin miisaaniyadda dhinac kaliya.

Gol-dalooladda Dakhliga

Cashuuraha Berriga waxa ka soo xerooda in ka yar 13% taas oo ka dhigaysa mid nugul. Waxay culumadda nidaamka maaliyaddeed ee dawladnimo ku tallinayaan in cashuuraha Berrigu ay noqdaan kuwa ugu badan ee dakhliga miisaniyaddeed. Sidda ka muuqata miisaniyadda 2015 kastamyadda  ayaa laga filayaa in ka badan 80% in dakhliga dalka ka soo xeroodo.

Boqolkiiba sagaashan (90%) dakhliga miisaaniyadda 2015 waxa soo xeraynaya dawladda dhexe halka dawladdaha hoose ay keenayaan dakhli aan ka badneyn 10%. Taasi ka muuqata in dawladnimaddii iyo maamul/maaliyad daadajintii aan lagu guuleysan in la gaadhsiiyo heer gobol iyo degmo.

Miskiinbaa misGo la fuulo leh: Shaqaalaha iyo Shirkaddaha

Shaqaalaha dawladda oo ah kuwa ugu mushaharka yar leh ayaa haddana ah kuwa cashuurta ugu badan bixiya. Markaad eegto miisaaniyadda 2015 waxay shaqaalaha dawladu bixin doonaan cashuur-mushahar o dhan USD 5,000,000, kuwa rayidka ahina waxay bixiyanayaan cashuur isku mid ah bixinayaan shirkadaha ay u shaqeeyaan oo la odorasay inay bixinayaan 2015-ka cashuur-dakhli (corporate income) ka yar USD 1, 500, 000.

Shirkaddaha ganacsiga ee dhinacyadda Isgaadhsiinta, Xawaaladdaha, Dhismayaasha, Hudheeladda, Diyaaraddaha, oo ah kuwa labaad ee ugu xooga badan dhaqaalaha marka laga yimaado Xoolaha nool ayaan haba yaraatee wixii ka danbeeyay 2012 wax cashuur ah oo la sheego aan bixin. Wixii ka horeeyay 2012, inkasta oo ay bixin jireen cashuur, cashuuraha la qoondeeyay marwalba waxay ahaayeen kuwo ka hooseeya tii ku qadarkii ku waajibi lahaa.

Wasaaradda maaliyaddu waxay ku guuldareysatey iney soo xerayso cashuuraha macaashalmacaashka shaqaalaha rayidka ah sidda ka muuqata odoroska 2015 iyo sannadihii hore.

 Soo-koobidda kharashka miisaaniyadda horumarinta & qoondaynta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda dhexe

 Capture

Sidii Miisaaniyadihii ka horeeyay, miisaaniyadda 2015-ku iyadoo lagu tilmaamay tii ugu saraysay ee ay Somaliland yeelato ayaa haddana waxay u qoondaysay hawlaha horurmarka 10%. Taas oo macnaheedu yahay in 90% ay ku baxayaan hawlo aan raandhiis lahayn.

 Waxa miisaaniyadda 2015 loo kala qoondeeyay 59 wasaaradood ama/iyo haya’dood oo isugu jira kuwo madani ah iyo kuwo ciidan. Waxaanu u hormaynay sida tan:

 29 wasaaradood/guddi/xafiis oo ka mid ah 59-kaa ayaa waxaa looga qoondeeyay miisaaniyadda (keega qaranka) wax la odhan karo cad-quudheed oo aan ka yar 0.5% kana wayn 0.1%. Akhriste 29 wasaaradood ama/iyo guddi/xafiis waxaa ku jira kuwa halbowlaha u ah sida wasaaradaha Beeraha, Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Biyaha, Shaqadda & arrimaha bulshadda, Tacliinta sare, Qorshaynta Qaranka, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cadaaladda iyo Garsoorka, Dhowrista tayadda iyo kuwo kale oo muhiim ah.

10-ka masuul ee tiirka fulinta ee dawladnimadeena guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa madaniga ah (aan milatariga/amniga ahayn) oo iyagu maamulaya 52% ka mid ah kimista qaranka ay ku abtirsadda guud ahaan beesha dhexe gaar ahaan beelihii xulafadda ku ahaa xisbigii Kulmiye ee talladda ku guulaystay. Ciidii ay doonan ha ku abtirsadeene haddii xafiisyadaasi/wasaaradahoodu yihiin kuwa halbowlaha amabase, haddii ay yihiinbana, loo qoondayn lahaa waxay u mudan yihiin way dhaami lahayd.

Madaxwayne-ku-xigeenka JSL oo ka mid ah 59 wasaaradood/xafiis ee loo qoondeeyay miisaniyada 2015 ayaa ah xafiiska 59-aad una dambeeya. Kuwa ka horeeya waxaa ka mid ah, metelan xafiiska garyaqaanka guud oon wali cadayn masuuliyadiisu. Si kale hadii aan u dhigno, Madaxwayne-ku-xigeenku magac ahaan wuxuu ku xigaa madax-waynaha, miisaniyad ahaana wuxuu ku xigaa 58-ka masuul ee ka horeeya.

Waxaa miisaaniyada 2015 lacago ciidaa iyo camaarkaa ka badan u qoondaysay  hay’addo, Guddiyo iyo ururo aan shaqayn,  aan la garanayn,aan sharci ahayn amabase hawlihii qaranka ay u hayeen dhamaatay. Kuwaa dambe waxaa ka mid ah Hay’adda abaabul-ka-saarka Qaranka (NDC) oo kooxdan hogaaminaysa, Ururka Xisaabiyayaasha, Ururka Haweenka Ee NOW, Guddida dib-u-habaynta Shuruucda iwm

kharashaadka isticmaalka iyo alaabta hawsha +qasnada guud

Wax loogu yeedhay “Qasnada Guud Ee Qaranka” oo aan hore u jirin (waxaa maamula isla-markaana abuuray wasiir cabdicasiis maxamed Samale), sharciyadeedu sax ahayn isla markaana uu ku leexanayo aduun farabadan oo ka badan 20% dakhliga 2015 ayaa ah kharashka ugu maan-gadsan ee ku jira qabyo-qoraalka koowaad ee miisaaniyadda 2015. Dadka qaar waxay ku tilmaameen qasnadan “Wasaaradda Wasaaradaha” oo wasiirka Maaliyada u wehelisa wasaaradda uu ku magacaaban yahay, anaguse waxaan u bixinay “Kiish-Madow”

Xisbigii UDUB ee wasiirka maaliyadda uu ahaa ambassador Cawil ayaa Sanadkii 2008-dii wuxu maamulkaasi loo ansixiyay miisaaniyad dhan USD 40,000,000 ama 175, 288,000,000 SoSH taas oo la mid noqonaysa ama kaba yar kharashka martiqaadyadda, habeen dhaxyadda,  nalka iyo biyaha ee miisaanayidan 2015 kharashyadaas aan daruuriga ahayn ee miisaaniyadan 2015 ayaa  dhan USD 40,739, 494 ama 264,806,713.

 Maamulkii UDUB sanadihii 2005-tii iyo 2006-dii ayaa dawladdu dhamaanteed waxay ku shaqaysay labaddaa sanno USD 58,000,000 taas oo la mid ah isku darka kharashka isticmaalka adeega iyo hawsha ee miisaaniyadda 2015 oo dhan USD 59,739,088.41 ( USD 40,739, 494+  USD18,698,594). Si kale hadaan u dhigno, wax UDUB u ahaa miisaaniyadda 2 sano oo waliba midkoo ahaa sanad doorasho (2005-tii, doorashadii baarlamaanka) ayaa xukuumadan Kulmiye iyadda kharashka tilifoonada, shidaalada gaadiidka, martiqaadyada martida kal duwan, wargeysyadda xafiisyada dawlada la dhigo, waraaqaha lagu shaqaynayo, nalka iyo biyaha ay isticmaalayso sanadka 2015-ka.

Waxa aan biyo (wayso iyo xataa istijo) iyo nal toona loo qoondayn Golaha Wakiilada iyo Maxkamadaha taas oo calaamad su’aal wayn dul saaraysa kharashyaadyadda isticmaalka adeega hawsha ee faraha badan (Afartanka milyan ee doolara ah)

Kharashka shaqaalaha ee miisaaniyadda 2015 ayaa xadhka goostay wuxuuna ku dhawaaday inuu afka saaro sideetan milyan oo doolar. Sababta waxa weeyi ayadoo shaqaalaha xukuumada Siilaanyo qaadatay labaddii sanno ee dambaysay uu le’eekaaday amabase ka batay tiradda shaqaalihii ay Somaliland shaqaalaysiisay 20 sanadood ee ka horeeyay iyadda.

Lama yaqaan qaabka loo shaqaalaysiiyay, meelaha laga kala shaqaalaysiiyay, baahida intaa le’eeg ee waqti xaadirkan keentay, iyo cidaha ay yihiin, haddiba aanay caaglayaal ahayn.

dib-u- qaabaynta miisaaniyadda iyo talooyinka

Miisaaniyadda 2015 waa in dib loo qaabeeyaa iyadoo laga duulayo in miisaaniyaddu noqoto mid ka turjumaysa baahiyaha mudnaanta leh ee qaranka.

Waa in kharashka Horumarka la gaadhsiiyaa ugu yaraan 35% isla markaana mudnaanta koowaad la siiyaa hay’addaha iyo wasaaradaha halbowlaha u ah adeegyadda Bulshadda sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, beeraha, kaluumaysiga, dhalinyaradda iyo ciyaaraha, shaqada iyo arrimaha bulshada, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga iwm.

Waxbarashada ugu yaraan 20% waan in miisaaniaydda 2015 ay u qoondayso, halkan caafimaadka ay tahay in aan ku yaraan 12%.

Waa in gabi-ahaanba kharashkaadka isticmaalka adeega iyo hawsha aan laga  badin 15%

Waa in cashuurta dakhliga shirkadaha si waaqici ah loo qiimeeyaa loogana soo qaadaa cashuurta dhabta ah ee ku waajibtay. Waa in dib loo eegaa cashuurta-mushaharka shaqaalaha dawladda oo marka horeba ah kuwa ugu mushaharka yar leh isla markaana la il-daran kharashyo kale oo si sharci daro ah looga jaro sida kuwa wadooyinka.

Guud ahaanba waa in laga saaraa qasnadda guud meesha, isla markaana lagu daraa kharashaadka horumarinta.

Waa in laga waantoobaa soo daabicidda lacagaha isla markaana wax la iska waydiiyaa sarifka lacagaha kor u sii kacay iyo sidii loo xakamayn lahaa iyadoo aan lagu tagri-falin raasamaalka bangiga dhexe. Sarifka doolaarka ayaa sii maraya wax ka badan 7,000 SoSH taas oo ay maceeshada iyo quutal daruuriguna qaaliyoobeen

Waa in la joojiyaa dalabka ah in Zaadka iyo adeegyadda kale ee Mobile-Payment-ka laga dhigo inuu ku shaqeeyo Shilinka Somaliland. Guud ahaana waa in dib loo eegaa adeegyadan waxtarkooda iyo khasaarahooda.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe iyo Wasiirka Maaliyadda waa in dib loo eegaa siyaasadahooda lacagta iyo miisaaniyadaha isla markaana lala xisaabtamaa.

Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu waa in aanay ogolaan in biyaha iyo nalka xafiisyada Golaha Wakiiladda inaan looga dhigin dheemaal si ay u horey uga ansixiyaan”

FADLAN GUJI HALKAN OO KALA BAX LINKS-KA ODOROSKA MIISAANIYAD SANADEEDKA 2015-KA OO PDF AH KANA KOOBAN 42 BOG:Final Miisaaniyadda 2015

Qorayaasha:- Hamse A Khaire, Mobile:- 4410102, Email:- Abdeeq2005@hotmail.com, Abdi Osman Jama, Mobile:- 4422941, Email:- Abdulrahmaanothman@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here