Aqoonta Looga Baahan Yahay Barashada Shaqada Dekedda Iyo Customka‏  W/Q: Axmed Cabdi Ciise

0
72

 

Waxaan ahay Nin ka mid ah wakiilada Maraakiibta Dekedda Berbera ku soo xidhata ka shaqeeya, waxaan xidhiidh wanaagsan la leenahay shaqada dekedda iyo Macaamiisha isticmaasha labadaba, waxaan xogogaal u nahay sida loo shaqeeyo iyo sida ay dadku uga shaqaystaan Marsadaba. Haddaba Xagga Dekedda Marka aan ka hadlo, Adeega ay u qabato dadka waxaa wanaagsan in ay wax kabartaan, waayo waxaa iskada qadan adeega Customka iyo Adeega Dekedda. taasoo qofku haddii aanu aqoon u lahayn ay wax walba odhanayaan dekedda sidan tidhi,  Customka:  Shaqada Customku waa Dawlada dhexe, waxaanuu adeegiisu yahay in uu cashuura dawlada dheexe u qabto, waxaanuu leeyahay tariif ku salaysan cashuurta ku waajibtay in uu bixiyo qofka ganacsatada ihi, Haddaba dadka wax soo iibsadaa iyaga oo aan marka hore buugta cashuuraha ee dawladu u diyaarisay, xaqna uu u leeyahay in uu qaato oo ku iibsado wax yar, akhriyana inta aanu waxba soo iibsan, ayuu isku soo rarayaa alaab saaxiibkii bilaash ku soo Untitledhelay ama si dadban uga soo waariday dalal kale, wuxuu iska gelinayaa lacagtiisii, noolkii, Kharshiyaad kale, marka uu halkan keeno ee cashuurta loo sheego, wuxuu ku dhawaanayaa in uu iskaga tago alaabtii iyo Containerkii ay ku jirtay, ama meeshii ay taalay ee bakhaarka ahayd.  ( Waxaanu ogayn inta uu ka maqan yahay waxaa qofka la siiyaa mudo cayiman oo uu kula baxo alaaba, wixii ka dambeeya waxaa laga qaadayaa lacag yar oo inta ay alaabtu ku fadhido ah oo loo yaqaan Storage taasoo ay qaado Dekeddu ma aha Customka). Dekedda:  Adeega Dekeddu waa Wakaalad, Wasaaradaha, iyo Wakaaladuhuna way kala duwan yihiin, Wasaarad waxay leedahay Miisaaniyad, waxaana ay hoos timaadaa Dawlada Dhexe, Dakhli badana ma soo saaraan, haddii ay soo saaraana waxay ku shubaan Baanka dhexe.

Wakaalad, waa meel u adeegta dadka, wixi ay ka qaado shaqada ay u hayso dadkana, waxay dib u gelisaa qalabka, iyo agabka lagu shaqaynayo, Haddii qalab xumaado, mid la soo iibinayo, la kordhinayo, adeeg cusub larabo in lagu daro, dhamaan wakaalada ayaa ka masuul ah.

Fiiro gaar ah:  Ha ogaado qofka alaabta la soo dagaya in aanu lahayn alaabta ilaa uu dariiqan maro mooyaane. a) Wakiilka ayaa ka masuul ah cida alaabta leh, Marka wakiilku arko xaqlaha warqada uu sito ee la yidhaahdo B/Loading,  oo ah Original kana kooban 3 xabo, ayaa wakiilku siinayaa warqad la yidhaahdo DO, delivery Order, oo ah warqada cadaynaysa in qofkan la siiyo alaabta, taasuu customka la tegayaa Dekeddan la tegayaa. Dekeddu waa amaano hayo, waxaanay u haysaa Wakiilka Markabka ama Doonta, Khaladaadka dhaca, Marka ay alaabta dadku soo raranayaan waxay ku soo qoraan Saaxiibkood ama Qof kale oo qaraabad ah, hadhow marka uu yimaado ayuu ku odhanayaa iga badal magacan, oo kan iigu qor, xaq looguma laha wakiilka in uu badalo ilaa cadayn laga helo qofkii ku qornaa Manfest-ka mooyaane, cidii u baahan in ay wax badan ka sii ogaato shaqada Dekedda iyo customka waxaan jecelahay in ay nagala soo xidhiidhaan e-mail afaas121212@gmail.com waan u hagar baxaynaa in aan ka dhaadhicino dariiqooyika saxa ah iyo kuwa aan saxa ahayn.

Haddaba Dadka Wax soo dejiya, Fadlan inta aanay waxba doonan ha ogaadeen a) qiimaha alaaba laga soo siinayo, b) Noolka lagu soo qaadayo,  c) Kharashka soo raacaya  d) Cashuurta Dawlada Dhexe ee customka   e) Adeega ku baxaya Dekedda    f) kharashka noolka baabuurta u qaadaya gobolada ama dekedda iyo bakhaarka magaalada dhexdeeda ah  g) Xamaaliinta rarka iyo dejeinta   h) Bakhaarka la dhigayo kharashkiisa  i) kharshiyaadka aan la xisaabin karin ee yar yar ee raaca ( Overhead cost), markaa ha u qaybiyo waxa uu sido si uu u helo Qiimaha ay ku joogto alaabtu, ha ku daro Faaiidada ha soo saaro waxa uu ku iibinayo shayga, haddii iminka ka suuqa yaala ka jabnaado, yaanu iska gein lacagta. Haddaba dadka ka cabanaya  talliyaha iyo adeega dekedda ama customaka ama Kulaylka Berbera, waa mid aan marka hore xisaabtan naftiisa ah ku jirin, ama aan sawir ka haysan shaqada ka socota Dekedda iyo nawaaxigeeda.

Ciidanka Ilaalada Dekedda

 Waa Ilaaliyaal hantida qaranka ah, maalintii waxay la kulmaan intaas oo dhacdo oo alaabo aan is lahayn la cashuuro, ama kala dhiman, u ogolaada khiyaamada yar ee larabo in iyaguna ay la socodaan, ha ka xanaaqina haddii ay idiin mari waydo.

Waxaa iga dardaaran ah, qofkii qof ka cabanayaa waa gaar, waxaanuu odhan karaa qofkaas baan ka cabanayaa, qofkii ka cabanaya shaqo xumi, Wakiilkiisa ayaa masuul ka ah in la caawiyo aqoon ahaana ka saacido, ama cida uu wakiisho ee u soo saaraysa alaabta. ee ha la socodsiiyo.

Taliyahana ha loo celiyo raalli gelin

Ahmed Abdi Esse

email afaas121212@gmail.com

tel 00634449222

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here