Aqoonyahan Da’yar Oo Soo Jeediyey Talooyin Waddaniyadeed Iyo Muuse Biixi Oo Soo Dhaweeyay

0
196

Hargeysa (Hubaal) – Ibraahim Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo ka mid ah Aqoonyannada Da’yar ee Reer Somaliland, ayaa Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Musharrax ku-xigeenka Xisbigaasi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) u soo bandhigay Talooyin dhaxal-gal ah, kuwaasi oo u soo jeediyey inay dabbaqaan haddii Alle ku guuleeyo Doorashada Madaxtooyada ee dhawaan ka dhacaysa Somaliland.

Aqoonyahan Ibraahim Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, balse ka mid ahaa Xubno tiro badan oo Maanta ku biiray Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyey Munaasibaddii lagu soo dhaweeyay uu ku muujiyey dareen Waddaniyadeed, kaasi oo uu kaga tarjumayo sida Shacabka reer Somaliland ugu harraaddan yihiin Nidaam Dawladeed oo dhamaystiran isla-markaana dabooli kara baahiyahooda.

 

Khudbaddan oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu ku bilaabay faahfaahin uu ka bixiyey Xilligii uu ku biiray Xisbiga WADDANI ee uu uga soo digo-rogtay KULMIYE, waxaanu yidhi “Waxaan ka mid ahaa Dadkii Xisbiga WADDANI ka mid noqday markii la aasaasay Sannadkii 2011-kii. Kaalintii aan ku lahaa aasaaskiisa iyo qorshihiisana waxa garan karaya oo keliya Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro.”

 

Mr. Ibraahim Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir waxa kale oo Sawir ka bixinayaa waxa ku kelifay inuu fagaareyaasha Xisbiyada ka muuqdo “Maxay tahay Sababta aan KULMIYE ugu biiray ee aan Minbarka u soo istaagay, maaddaama oo aan la igu Aqoonin inaan Fagaareyaasha Siyaasadda ka muuqdo, laakiin waxay tahay sababtu Waajib Waddaniya iyo Damiir Akhlaaqiya ayaa igu khasbaya inaan ka hadlo wixii damiirkaygu doonayo, Dalkayguna xaq iigu leeyahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Somaliland waa Dal yar oo Curdin ah, 27 Sannadood ayuu jiray waxaana soo maray Afar Madaxweyne, Muddadaa waxbaynu qabanayney, waxna way dhiman yihiin, sidaa darteed Anigu waxaan jeclaan lahaa in Madaxweynaha soo socda oo aan rejaynayo inuu ku soo baxayo (Noqonayo) Md. Muuse Biixi Cabdi, ay Xukuumaddiisu noqoto Xukuumad Sharciyadeed oo Dalka Sharcigiisa dhista. Dal aan haddaan Sharcigiisu dhamaystirnayn, Dalka haddaanu jirin Sharci kala caddaynaya Muwaadinka Xaqiisa iyo Hoggaamiyaha Xaqiisa iyo Sharci kala caddaynaya (Awoodaha) Goleyaashiisa, Dalkaasi ma gaadhayo Horumar. Shaqo-abuur ma samayn karayno haddaan Xeerkii Hawl-gabka Shaqaalaha la samaynin. Somaliland heli mayso Ictiraaf haddaynaan dejisan Istaraatiijiyad aynu Caalamka wax kaga raadsanayno, Ciidankeenu awood yeelan maayaan, haddaan la samaynin Xeerkii Askariga Dablaha ah iyo Sarkaalka kala caddaynayey.”

 

Ibraahim oo hadalkiisa sii wataa wuxuu ku taliyey in Xukuumadda soo socotaa ay Awoodda saarto sidii ay u dhisi lahayd Akhlaaqiyaadka Bulshada “Waxaanu ka doonaynaa Xukuumadda soo socota, oo aan rejaynayo inay Hoggaamin doonaan Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Saylici, inay la mid noqoto 13-kii Sannadood ee Nebi Muxamed (CSW) uu Dacwadda Makka ku faafinayey, Nebigu (CSW) wuxuu dhisay Akhlaaqiyaadka, Qiyamka, Mabaa’diida ayuu dhisay, Dawladnimadana wuxuu dhisay Nebigu markuu Madina tagay. Ummada marka qiyamkeeda la dhiso, Ummadda marka Waddaniyadda la baro, Ummadda marka Niyadooda loo dhiso ee la baro inay Ciiddooda aaminaan, ayay noqon kartaa Ummad ku dhaqanka Sharciga u diyaarsan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Xuquuqaha la sheego inay ka maqan yihiin Haweenka iyo Dhallinyaradu aanay ahayn Xilal loo dhiibo shaqsiyaad ka mid ah “Xuquuqda Haweenka ayaa laga hadlayaa, Xuquuqda Haweenku maaha in Xilal loo Magacaabo. Xuquuqda Dhallinyarada ayaa laga hadlayaa, Xuquuqda Dhallinyaradu maaha in laba Wasiir iyo Afar Agaasime yeeshaan, Xuquuqda Dhallinyaradu waa in Shaqo-Abuur loo sameeyo oo Xooggooda la adeegsadaa oo lagu Tabcaa.”

 

Aqoonyahanku waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Shaqada Qaran ee looga baahan yahay Ardayda dhamaysata Dugsiyada sare, ka hor inta aanay gelin Jaamacadaha, waxaanu yidhi “Toddobaadkii u dambeeyay illaa Shan Jaamacadood-baa ayaa laga Qalin-jabiyey, Ardayga reer Somaliland-na wuxuu doonayaa markuu Jaamacadda ka qalin-jebiyo inuu toos Shaqo u gelo, laakiin Xaq uma laha, oo Dalalka kale ee Adduunka Qofna Jaamacadda ma gelo illaa uu Shaqo Qaran soo maro oo uu laba Sanadood Qaranka u shaqeeyo. Markaa Nina Jaamacad ma geli karayo illaa la dejiyo Nidaamkii Shaqo Qaran la odhan jiray, oo inta Shahaadooyinka Dugsiga sare soo baxayaan Gobollada iyo degmooyinka ayaa loo dirayaa (Ardayda) si ay Dadka Qoraalka u soo maraan, Dawladnimo waataa.”

 

Ibraahim wuxuu khudbaddiisa dardaaran ugu soo jeediyey Musharraxiinta KULMIYE “Waxaan kula dardaarmayaa Hoggaanka cusub, haddii aad doonaysaan in la idin ixtiraamo, haddaad doonaysaan inaad Taariikh fiican yeelataan oo la idin jeclaado, Ummadda ugu shaqeeya sidii uu Mahaatiir Muxamed ugu shaqeeyey Dalkiisa Malaysia, Ummadda ugu shaqeeya Sida Erdogan (Madaxweynaha Turkiga) ugu shaqeeyo Ummaddiisa, markaas ayaanu idin ixtiraami doonaa, waanu idin Qaddarin doonaa oo Xabadda ayaanu iskaga kiin dhigi doonaa. Adduunyada Magac-baa ka hadha, Anigu Magacii Awoowgey Sheekh Bashiir Taariikh-baan ku hayaa, waa la igu ixtiraamaa, markaa ma jecli inaan Qiyamkiisii baa’biiyo, inaan Baa’biiyo Mabaa’diidii uu u dhintay. Markaa Taariikhdu ma dhimatee waxaan doonayaa Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Saylici ixtiraamka aad Dadka ku leedihiin waxa weeyaan markaad ka shaqeysaan Baahidooda iyo Ummadda wixii Damiirkooda ku jira.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka digay in Dad hore Xilal u soo qabtay haddana lagu soo daro Xukuumadda soo socota “Idamka Alle, ILAAHAY wuu idinku guulayn doonaa  (Talada Dalka), ee waxaan Codsanayaa in badan oo Maanta idin garab yaacaysa oo ah in Ummadda lugta qabatay (aydaan Talo u dhiiban) ee kuwa aad Qaranka (Xilalka) ugu dhiibaysaan inay noqdaan kuwa Ummadda ka Tarjumaya, Wasiirrada aad Magacaabi doontaan yaanay Shacabka idin dhaxaynin..”

 

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo markaasi ka dib Hadal ka jeediyey Munaasibaddii uu khudbadda ka jeediyey Ibraahim Cabdiraxmaan, ayaa soo dhaweeyay Talooyinkaa uu soo jeediyey, waxaanu yidhi “Inankii Ina Sheekh Bashiir ee Halkan ka hadlay (Xafladda), runtii wuxuu keenay Fikrado wanaagsan oo Waddaniyad ah, markaa haddaynu KULMIYE nahay waxaanu u baahan nahay Qodobbada Dadku tebayaan inay dhamaystirno Shanta Sannadood ee soo socda Jidkii uu inoo jeexay Aasaasaha Xisbiga KULMIYE, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)..”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here