Aragtida Caqliga: Asalkeeda, Astaamaheeda iyo Aafooyinkeeda – W/Q. Cabdiraxmaan Cabdulle

0
133

Waa nimco iyo naxariis Alle uu siiyo aadamaha. Waa hadiyad uu u hibeeyey dadka oo dhan. Waa deeq iyo darajo uu siiyey Muslim iyo gaalba. Waa fadli iyo faa’iido ay dheer yihiin inta kale uu Alle abuurey. Waxa lagu

 cabdiraxman cabdule

bartaa cilmiga, kadibna jahligaa looga baxaa. Waxaa lagu gartaa wanaagga, kadibna waddadiisaa lagu raacaa. Waxaa lagu ogaadaa xumaanta, kadibna waddadeeda looga fogaadaa. Waxaa lagu raadiyaa xaqa, kadibna hanuunkaa lagu helaa. Waa aaladda garashada iyo garaadka banii-aadamka. Waa halka halabuurka iyo hindisaha dadku ay ka allifaan. Waa mashiinka kala shaandheeyaa macluumaadka maskaxda soo gala. Waxa uu kala hagaa macluumaadka maskaxdu ay hayneyso, midka ay tuureyso, iyo midka carrabka u soo gudbiya. Caqligu waa nimco Rabbaani ah oo uu Alle innagu maneystey.

Caqligu isaga oo nimcadaas iyo naxariistaas ah ayeey dad badani ku kadsoomeen ka dib markii ay fahmi waayeen sababta loogu hibeeyey caqliga. Waxa ay garan waayeen ama ay ismaandhaafiyeen sababta ugu weyn ee caqliga loogu hibeeyey in ay tahay si ay u gartaan sharciga iyo shuruucda uu soo dejiyey Allihii abuurey iyaga iyo koonka ay ku dhex noolyihiin. Tanina waxay keensatey aqoonyahanno farabadan oo muslimiin iyo gaalaba iskugu jira in ay aqoontoodii aafo ay ku noqotey iyaga oo kala saari waayey waxa uu caqliga keensan karo iyo waxa uusan caqliga keensan karin.

Wakhtigii xadaaradda iyo cilmiga reer galbeedku uu soo gaarey ayaa waxa ay aqoonyahannadoodii la yimaaddeen aragti la yiraahdo Humanism. Inkastoo sababaha ku kelliftey aragtida Humanism ay kala duwaneyd ayaa haddana waxa ay ka sinnaayeen in ay aragtidani hir gasho oo Yurub oo dhan laga aqbalo. Humanism waa aragtida ah in caqliga loo kaashado dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha aadamaha. Humanism waxa ay aheyd aragti sheegeysey in uu caqliga ka sarreeyo wax walba. Aragtida Humanism waxa ay aheyd aragti ku doodaysay in wax walba oo caqliga ka hor yimaadda la iska tuuro.

Aqoonyahannadii sida aadka u soo saarey aragtida Humanism-ka waxaa ka mid ahaa Immanuel Kant oo ahaa baadari Jarmal ah. Immanuel Kant waxa u cuntami weydey diinta uu haystey. Waxa uu u baddaley khudbadihiisii diiniga ahaa in uu cuksado caqliga oo uusan soo daliishan Baybal-ka maadaama baybal-ka la taxriifiyey oo wax macno leh uusan sameyneyn haddii la soo daliishado. Immanuel Kant waxa uu aaminsanaa madax bannaanida banii-aadamka oo ay ku gaarayaan caqliga iyaga oo aan u baahneyn wax taakulo ah oo rabbaani ah.

Waxaa laga yaabaa dad badan oo akhrinaya maqaalkan in ay la yaabaan fikradda Immanuel Kant uu aaminsanaa balse waxaa xaqiiqo ah in maanta fikraddii Immanuel Kant dad badan oo Muslimiin sheeganaya in ay ku sumoobeen. Waxa ayna fahmi waayeen in fikradda Immanuel Kant caqiidada qofka Muslimka ah siyaabo kala duwan dhaawacyo cul-culus ugu geysanayso. Kow, dadka Muslimiinta ah waxa ay aaminsanyihiin Quraanka in loo soo dejiyey in uu hormar iyo hagaagsanaan uu u keeno cid walba oo qaadata manhajna ka dhigata. Dadkii Muslimiinta ahaa ee caalamka ku soo kordhiyey hormarka waxa ay ahaayeen dad diinta ka dhisan oo culummo ah. Immanuel Kanta waxa uu dhaliiley baybal-ka isaga oo aaminsanaa baybalka-ka in uusan la jaan qaadi karin noloshooda iyo ilbaxnimada ay reer Yurub markaas ay higsanayeen, dhaliishanna xaq ayuu u lahaa Immanuel Kant maadaama baybal-ka la badbaddaley gacan banii-aadamna ay dhinac walba ka walaaqdey halka Quraanka aan xaraf laga baddalin, lana ilaashey, lana ilaalin doono ilaa inta laga gaarayo maalinta Qiyaame. Labo, waxa aynu aaminsannahay banii-aadamka oo dhan in uu Alle u baahanyahay sababta oo ah Isaga ayaa ina abuurey, Isaga ayaana ina arsaaqa halka Immanuel Kant uu aaminsanaa in uusan qofku Alle u baahneyn haddii caqligiisa uu kaashado.

Sidoo kale, dadka sida weyn iyagana u soo caansaarey aragtida caqliga waxaa ka mid ahaa Rene Descartes oo ahaa faylasuuf Faransiis ah.  Weedhihiisa caanka ah ee ilaa iyo hadda falsafadda reer galbeedku ay isticmaalaan waxaa ka mid, “I think, therefore I am or I exist,” oo macnaheedu uu yahay qofka marka uu fekero ayuu jiraa. Aragtidani waxa uu keeney Descartes ka dib markii uu shaki galiyey oo uu diidey wax walba oo adduunka saarnaa ilaa isagii uu is-shaki galiyey ka dibna uu yiri maadaama aan ahay ninka fekeraya anigu waan jiraa. Waxa uu ku doodayey caqliga in uu yahay sababta uu u fekerey oo jiritaankiisa ka dhigayey wax jira. Sidaas daraadeed waxa uu aaminsanaa shakigu in uu yahay tallaabada koowaad ee aqoonta.

Muslimiin farabadan oo qaarkood Soomaali ay yihiin ayaa maanta ku khaldamey fekerka ah shakigu in uu yahay darajada koowaad ee cilmiga. Alle waxa uu ku tilmaamey dadka muminiinta ah in ay yihiin kuwa isaga rumeeyey iyaga oo aan arkin. Sidoo kale, waxa ay rumeeyeen jannada, naarta, malaaikta iyaga oo dhammaantood aysan arkin. Waxa ay kaloo rumeeyeen kutubtii horey loo soo dejiyey, anbiyadii horey loo soo direy iyo kitaabka Quraanka ah ee lugu soo dejiyey Nabi Maxammed (SCW). Rene Descartes waxa uu shaki galiyey Allihii abuurey kawnka aanu ku dhex nool nahay. Rene Descartes waxa uu kaloo shaki galiyey wax walba oo kor saarnaa adduunka isaga oo markaas uga dan lahaa in uu yiraahdo fekerkayga iyo caqligayga ayaan ku ogaadey jiritaanka waxa jira iyo jiri taan la’aanta waxa aan jirin. Rene Descartes dooddiisu waxa ay ahayd mid ka dhigaysa qofka banii-aadamka in uusan u baahneyn cidna inta uu caqligiisa isticmaalayo, isaguna markaas uu isku filan yahay.

Dadkii iyaguna soo shaac bixiyey aragtida caqliga waxaa ka mid ahaa John Locke oo u dhashay dalka Ingriiska. Waxa uu aasaasey iskuul la yiraahdo Iskuulka Caqliga. John Locke waxa uu ahaa dadkii ugu horreeyey ee dhaqdhaqaaqii cilmi doonka reer Yurub ka qayb qaatey. Waxa uu hindisey aragtiyo badan oo dawladaha reer galbeedku maanta ay ku dhaqmaan. Waa ninkii keeney aragtida dhahaysa diinta iyo dawladda waa in la kala saaraa. Waa ninkii keeney aragtida dhahaysa qofka waxa uu la dhashaa saddex xuquuq: nolosha, xorriyadda iyo farxadda. Aragtidani waa halka ay ka soo unkatey nidaamka dimoqraadiyadda ee dawladaha reer galbeedku ay ku dhaqmaan maanta. Dawladahii aragtidani cajibisey waxaa ka mid ahaa dawladda Maraykanka oo iyadu ku darsatey dastuurkeeda.

Inta badan dawladaha Islaamka ee ka jira dunida maanta ayaa aqbaley nidaamka dimuqraadiyadda ee ku salaysan in diinta laga daayo dawladda, dawladdana laga daayo diinta. Nidaamkani waxa uu dhigayaa in qofku diinta uu rabo haysan karo, waxa uu rabana uu aaminsanaan karo, xaqna uu leeyahay, xorriyadna uu haysto. Nidaamkani waxa uu dhigayaa sharciga dalka u yaalla in uusan diinna xigsan karin, diintuna ay ka hooseyso qaanuunka dalka u yaalla. Dad badan oo Muslimiin sheegta oo waliba aqoonyahaniin isku haysta ayaa maanta kala saari waayey farqiga u dhaxeeya dimoqraadiyadda iyo shareecada Islaamka. Dimoqraadiyaddu waa nidaam maamul oo la yaqaano cidda ay ka soo farcantay iyo waxa ay u ololeyso. Shareecada Islaamkuna waa nidaam maamul oo dhameystiran looguna talagaley dadka Muslimiinta ah in ay isku maamulaan. Inkastoo nidaamka dimoqraadiyadda uu meelo uga eg yahay nidaamka shareecada Islaamka ayaa haddana waxa ay yihiin laba nidaam oo marnaba la isku ekeysiin karin, la iskuna barbar dhigi karin.

Dadkii sidoo kale aragtida caqliga kor u qaadey waxaa ka mid ahaa David Hume oo ahaa Iskootish. Waxa uu ahaa nin diinta iyo fikradaha diinta ku saleysan aad u neceb oo uga soo horjeeda. Waxa uu aaminsanaa in la shakiyo, ka dibna su’aal la isweydiiyo, ka dibna sidaas cilmiga lugu helo. Waxa uu ahaa qoraa mar walba xoogga saara shakiga iyo ilxaadnimada. David Hume waxa uu saameyn ku yeeshey dad badan oo ay ka mid yihiin Immanuel Kant iyo Charles Darwin. Waxa uu aasaasey iskuul lugu magacaabo Iskuulka Shakiga iyo Caqliga.

Inkastoo fekerka David Hume dad badan oo Muslimiin sheegta horey u qaateen ayaa waxa aan aragnaa maanta in ay si aayar aayar ah ugu soo gudbeyso ummadda Soomaaliyeed ee fekradahaas nadiifta ka ahaa. Dad badan oo Soomaali sheegta ayaad arkeysaa maanta markii aad u sheegtid Alle ayaa yiri sidatan ama Rasuulkaa yiri sidan in ay is cuncunayaan iyaga oo markaas raadinayaa daliil caqliga ah. Waxa ay mar walba jecelyihiin caqligooda, maalawaalkooda, iyo aragtidooda in ay ka hor mariyaan aayadda Quraanka ah ama Xadiiska saxiixa ah. Sidoo kale, waxa ay jecelyihiin in ay ku fasiraan ayaadda Quraanka ah ama Xadiiska sida iyagu malahoodu uu yahay iyaga oo aan marna tixraac ka keeneynin fahamkii saxaabada, taabiciinta iyo salafkii ummadda. Waxa ay ku tilmaamaan fahamkii salafka in uu ahaa aragti diineed, qof walbana aragti diineed uu yeelan karo. Sidaas daraadeedna iyaguna ay ku fasirayaan diinta aragtidooda diineed.

Ugu dambeyn, dadka xusidda mudan ee aragtida Humanism-ka aadka u soo shaac saarey waxaa ka mid ahaa qoraagii Maraykanka ahaa ee magaciisa la dhihi jirey Thomas Paine. Thomas Paine dowladdii dalka Maraykanka ugu horreysey ee uu  hoggaaminayey George Washington waxa uu u arkayey Shaydaan aan laga maarmin (necessary evil) in ay tahay, diintana waxa uu u arkayey in ay tahay xabsi inkasta oo uu ku doodey in uu isagu Alle rumeysanyahay balse diin uusan aaminsanayn. Waxa uu ku doodayey in uu arrintaas caqligu ku tusinayo. Caqiidada tan ayaa waxa loo yaqaaney Deism. Waxaana aaminsanaa in badan oo ka mid ahaa raggii aasaasey Maraykanka. Thomas Paine sababta uu dowladda iyo diinta u diideyna waxa ay aheyd in uu aaminsanaa in ay labaduba col ku yihiin kobaca caqliga.

Fekredda Thomas Paine ayaa iyadana ah fekrad ku soo badanaysa bulshadda Soomaaliyeed ee diinta Islaamka ku abtirsata. Dad badan oo u badan dadka caqlaaniyadda ay ka xoog badisey ayaa u arka diintu hormar in aysan u keenin bulshada Soomaaliyeed. Waxa ayna ku doodaan qofku in ay ku filantahay Alle oo uu rumeeyo keliya, wax kalena uusan u baahneyn. Waxa ay u arkaan diintu in ay tahay aalad la isku gumeysto. Waxa ay u arkaan qofka diinta ku dhaggan in uu yahay qof reer baadiya ah oo aan la jaan qaadi karin caalamka aynu ku nool nahay. Waxa ay u arkaan qofka ehlu diinka ah qof aan caalamka waxba la qaybsan karin. Waxa ay u arkaan qofka diinta ku dhaqma qof ad adag, xir xiran oo qallafsan. Fekraddani waxay sal ku haysaa fekradaha Thomas Paine iyo dadkii isaga la mid ahaa.

Halkaas iyada oo ay marayso aragtida Humanism-ka ayaa waxaa soo baxey qarnigii toddobo iyo tobnaad dhammaadkiisii aragti dhaliilaysa oo lid ku ah aragtida Humanism-ka. Waxaana loo yaqaanney aragtidan Anti-Humanism. Dhaliisha ugu weyn ee loo soo jeedinayana waxa ay aheyd in caqliga iyo fekerka uusan ku ekeyn banii-aadamka oo keliya oo ay jiraan wax aan banii-aadamka aheyn oo fekeri kara, caqlina yeelan kara. Dadkii bilaabey in ay naqdiyaan aragtida Humanism-ka ayaa waxa ay ahaayeen dad qoraayaal u badan. Waxa ayna bilaabeen in ay qoraan buugaag Sayniska Mala-awaalka ah ah (Science Fiction), kuwaas oo ay ku muujinayaan in aysan banii-aadamku ahayn cidda keliya ee fekeri karta, caqlina yeelan karta.

Buugaagtii ugu horreysey ee laga qorey fekerka naqdinaya aragtida Humanism-ka waxaa ka mid ahaa buuga caanka baxey ee la yiraahdo Frankenstein oo ay qortey qoraayadda Ingriiska u dhalatey ee aadka looga yaqaanno suugaanta reer galbeedka, Mary Shelley. Mary Shelley waxa ay ku soo bandhigtey buuggeeda bahal (Monster) oo uu sameeyey nin saynisyahan ah oo magaciisa la yiraahdo Frankenstein, bahalkaas oo caqli iyo maskax lahaa sida banii-aadamkiina u fekereyey. Bahalkaas waxa uu bartey sida loo fekero, sida loo akhriyo iyo sida wax loo jeclaado, loona naco.

Sidoo kale, qoraayasha aadka u naqdiyey fekerka Humanism-ka waxaa ka mid ahaa H.G. Wells. H. G. Wells buuggiisa The Island of Dr. Monroe waxa uu ku soo bandhigey nin saynisyahan ah oo sameeyey bahallo, bahalladaas oo fekeraya, caqligoodana isticmaalaya. Bahalladaas waxa ay ku noolaayeen jaziirad. Waxa ayna soo dhaweyn jireen dadka jaziiradda yimaadda oo soo booqda.

Anti-Humanism-ka oo ah fekredda naqdinayasa aragtida Humanism-ka ayaa waxa ay aad u xoogeysatey qarnigii la soo dhaafey, waxayna la magac baxdey Post-Humanism. Post-Humanism waxa ay aad ugu doodeysey in tiknoolajiyadda casriga ah loo yeelo caqli aan caqliga dabiiciga ah aheyn. Fekreddani waxay ku doodeysey in wakhtigii banii-aadamka keliya uu fekeri jirey laga tagey. Waxa ayna aad u taageereysey oo ay garabka ku heysey aragtidii Anti-Humanism ee ka soo horjeedey Humanism-ka. Waxaa la qorey buugaag farabadan oo lagu dhiirrigalinayo aragtida Post-Humanism-ka.

Buugaagtaas waxaa ka mid ah buuga uu qorey qoraa u dhashey dalka Sweden oo la yiraahdo Nick Bostrom. Buuggaas waxa la yiraahdaa magaciisa Bioethics: In Defense of Post Human Dignity.  Nick Bostrom waxa uu aasaasey iskuul la yiraahdo Machadka Mustaqbalka Banii-Aadamka. Nick Bostrom udub dhexaadka dooddiisa waxa ay tahay in tiknoolijiyadda casriga ah loo sameeyo caqli aan dabiici aheyn (artificial intelligence).

Waxaa ka mid ah buugaagta laga qorey aragtida Post-Humanism-ka buug la yiraahdo Imagining The Human Future oo uu qorey John Kessel oo ah qoraa Maraykan ah. John Kessel oo ah qoraa qora buugaagta Sayniska Maala-awaalka ah ayaa waxa uu ku doodayaa tiknoolajiyadda in adduunka la wareegtey agab ahaan iyo caqli ahaanba.

Ugu dambeyntii buugaagta sida xad dhaafka ah u falanqeeya aragtida Post-Humanism-ka waxaa ka mid ah buuga uu qorey qoraa kale oo Maraykan ah oo la yiraahdo Neil Badmington, waxaana la yiraahdaa buuggiisaas Post-Humanism: Readers in Cultural Criticism. Neil Badmington waxa uu ku soo ururiyey buuggiisaas maqaallo gaaggaaban oo ku saabsan awoodaha tiknoolajiyadda casriga ah. Buugaag keliya ma ahayn siyaabaha kala duwan ee lagu hormarinayey aragtida Post-Humanism. Waxaa sidoo kale la sameeyey filimaan fara badan oo lagu difaacayo, laguna ammaanayo aragtida Post-Humanism.

Filimaanta laga dhigey aragtida Post-Humanism-ka ayaa waxaa ka mid ah filimka la yiraahdo Surrogates. Surrogates asal ahaan waxa uu ahaa buug taxane ah oo Sayniska Mala-Awaalka laga qoray. Filimka Surrogates waxa uu soo bandhigayaa caalam kale oo aan caalamka aan ku jirno ahayn. Filimka Surrogates waxa uu sawirayaa caalam ay qabsadeen mashiinnada robot-ka, kuwaas oo hawlihii nolosha oo dhan qabanaya.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa filimaanta Post-Humanism-ka laga sameeyey filim la yiraahdo Avatar. Avatar waxa uu ka warramayaa sida uu adduunka uu noqon doono sannadku marka uu yahay 2154. Filimka Avatar waxa uu soo bandhigayaa in adduunku wakhtigaas ay u badnaan doonaan dad aan sawirka banii-aadamka ah lahayn iyo mashiinnada robot-ka. Udub dhexaadka doodda Post-Humanism-ka waxa ay ku doodeysaa tiknoolajiyadda casriga ah in ay leedahay (artificial intelligence), caqli aan dabiici ahayn, kaasoo ay ka dhigeyso tiknoolajiyaddu in ay caqli yeelan karto, fekeri kartana.

Aragtida Post-Humanism oo sii xoogeysatey labaatankii sano ee la soo dhaafey ayaa waxaa ay qaadatey magaca Tans-Humanism. Luuqad ahaan macnaha Trans-Humanism waa banii-aadamnimada wax ka dambeeya. Trans-Humanism waxey ku doodeysaa in xaaladda banii-aadamka la baddalo iyada oo la soo saarayo tiknoolajiyad kor u qaadeysa awoodaha banii-aadamka xagga awoodda xoogga, xagga awoodda fekerka, iyo xagga awoodda cilmu nafsiga. Dadka aaminsan aragtida Trans-Humanism ayaa waxa ay ku doodayaan in ay dadku sii jirayaan, nolol ahaanna ka fiicnaan doonaan haddii ay tiknoolajiyadda casriga ah ee isticmaasha caqliga aan dabiiciga aheyn ay la falgalaan.

Sida ay sheegayaan Tiknoolajiyadda casriga ah ee loo sameeyey caqliga aan dabiiciga aheyn (artificial intelligence)-ka waxa ka mid ah talefoonnada casriga ah ee (smart phones)-ka loo yaqaanno iyaga oo markaas ku doodaya teleefoonnada casriga ah in aad awooddid amar in aad afka ka siisid iyaga oo waxa aad ka rabtid markaa kuu qabanaya. Waxa sidoo kale ka mid ah mashiinka casriga ah ee loo yaqaanno Robot-ka, kaas oo hadda adduunka saameyn weyn ku yeeshey, adeegyo badanna loo isticmaalo.

Waxa kale oo soo raaca mashiinnada caqliga aan dabiiciga ahayn loo sameeyey mashiinka la yiraahdo Watson oo ay soo saartey shirkadda IBM, kaasoo kadis aqooneedka loo yaqaanno Jeopardy ka soo qayb galey, kana guuleystey dad badan. Tiknoolajiyadahan casriga ah ayaa dhammaantood waxa ay wada isticmaalaan (artificial intelligence)-ka ama caqliga aan dabiiciga ahayn.

Dadka fekerkan ama aragtidan taageersan ayaa u arka faa’iido weyn in ay ku soo kordhiyeen caalamka, faa’iidadaas oo ah in banii-aadamka hawlo badan oo wakhti iyo qarash ka geli lahaa ay u fududeeyeen. Dadka ka soo hor jeeda fekerkan ayaa ku ceebeeyaa (artificial intelligence)-ka marnaba in uusan baddeli karin banii-aadamka. Waxa kale oo ay ku doodaan in aaladaha isticmaala caqliga aan dabiiciga ahayn aan la isku halleyn karin oo ay macquul tahay in ay istaagi karaan. Waxay kaloo ku eedeeyaan qalabka isticmaala (artificial intelligence)-ka in ay hoos u dhigeen awoodaha iyo wax soo saarka banii-aadamka, kaas oo macquul ay tahay in laga dhaxlo kobac la’aan ku dhacda awoodaha banii-aadamka.

Falsafadda aragtida caqliga ee reer galbeedka oo ah falsafad jah-wareer iyo jiho-la’aan qofkii isku mashquuliya ku rideysa ayaa marba waxa ay qaadataa jiho cusub iyo magac cusub. Waxa soo baxdey aragti la yiraahdo Humanism. Haddana waxa soo baxey aragti aragtidaas lid ku ah oo la yiraahdo Anti-Humanism. Haddana waxa soo baxdey aragti la yiraahdo Post-Humanism. Haddana waxaa soo baxdey aragti la yiraahdo Trans-Humanism oo ka xagjirsan aragtida Post-Humanism. Aragtida caqliga waa aragti caqiido la’aan uu qofku ka dhaxlayo haddii uu manhaj ka dhigto maadaama dhammaan dadkii galey ay ahaayeen kuwo caqiido ama se wax Alle ku taxaluqa meel iska dhigey.

Dadka aragtida caqliga aaminsan waxa ay u haystaan diintu in ay cadow ku tahay hormarka iyo hagaajinta nolosha banii-aadamka. Waxa ay aaminsan yihiin caqliga oo la kaashado in uu yahay waddada keliya ee libta lagu gaaro. Waxa ay ka fogaadaan hadallada diinta iyo aragtida diimeedka ku saleysan iyaga oo mar walba isticmaala hadallada caqliga iyo fekerka ku salaysan. Waxa ay dhaliilaan qofkii jannada iyo naarta Alle ka sheekeeya iyaga oo dooddooda ku saleeya jannada iyo naarta in aysan cidina gacantooda ku jirin. Weedhaas oo ah weedh sax ah balse iyagu ay uga dan leeyihiin jannada iyo naarta in aan cidina lagu cabsiin.

Sida aynnu ognahay, caqligu waa nimco uu Alle ku manaystey aadanaha oo dhan si ay ugu ogaadaan xaqa iyo hanuunka. Nasiib darro, dad badani nimcadaas fadliga iyo faa’iidada loo siiyey waxa ay u isticmaaleen waddo khaldan ama si khaldan. Maalinta Qiyaame dadka Alle diidey markii ay naarta galaan, cabashooyinka iyo cudurdaarrada ugu waaweyn oo ay ku andacoonayaan waxaa ka mid ah in aysan caqli lahaan jirin. Dadkaasi naarta marka ay galaan waxa ay leeyihiin, “haddii aan ahaan lahayn kuwa wax maqla ama caqli leh, maanaan ahaanneen naarta saciira dadkeeda” (Al-Mulki 10).

Cudurdaarkaas waxa ay dadka Alle diidey ku doodayaan iyaga oo caqli iyo cilmi ba lahaan jirey markii ay adduunka joogeen. Kow, caqli in ay lahaayeen waxaa daliil u ah sida ay u hormariyeen oo ay u hagaajisteen nolosha adduunyadooda. Labo, caqli in ay lahaayeen waxaa daliil u ah in caqligooda uu u keeney in ay sare dhaadheer oo dhalaalaya ka dhistaan guryo. Saddex, caqli in ay lahaayeen waxaa daliil u ah sida ay u sameysteen dariiqyada hawada mara (Sky Ways) iyo kuwa dhulka hoostiisa maraba (Sub Ways).

Annaga oo og caqligaas in ay lahaayeen ayuu Alle inoo sheegayaa in la cadaabayo sababta oo ah caqligooda uma aysan isticmaalin siduu Alle rabey. Caqligooda waxa ay ku dhibeen waxaan dheef u keenayn aakhiradooda. Sidaas daraaddeed caqligooda waxa uu ka mid noqdey cuquusha waddadii saxda ahayd ka marin habawdey.

Caqligu waa in uu ka shidaal qaato Kitaabka Alle iyo Sunnaha Nabigiisa (SCW). Sidaas daraaddeed ayey culummadu yiraahdaan: Caqliga saliimka ah iyo Naqliga (Aayadda iyo Xadiiska) iskama hor yimaaddaan sababtoo ah Allaha caqliga sameeyey ayaa naqligana soo dajiyay kana dhigay naqliga mid ku fiican meel walba iyo wakhti walba.

Xigashooyin:

  1. Badmington, Neil. “Posthumanism”: Readers in Cultural Criticism. Palgrave. 2000. Pg, 3.

  1. Brown, Alistar. “Science Fiction as the Discovery of the Future: Rereading Posthumanism inThe War of the Worlds and Independence Day”.Durham University, 2000. Pg. 1-5. ProjectMuse. Web: March, 2013.

  1. Johanna M. Smith. Rev. ed. of Mary Shelley. Frankenstein: Case Studies in Contemporary Criticism series. Boston: Bedford-St. Martin’s, 2000.

  1. Kessel, John. Imagining the Human Future. Academy of Science at the Field Museum in Chicago. 2001. Project Muse. Web: March, 2013.

  1. Ravenfox, Dylan, Race, Animality, and the Language of Pain in “The Island of Dr. Moreau’ by      H.G. Wells. Pg. 5. Project Muse. Web: March, 2013

Cabdiraxmaan Cabdulle

Email: xiddig@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here