Arooska Inan Uu dhalay Madaxweynuhu Ninka War Ka Dhigtay Tolow Muxuu Soo Wadaa. W/Q: Cali Xasan

0
26

Saxaafadu waxay lahayd haybad iyo sharaf  lagu yaqiinay hasa ahaatee waxaa beryihii danbe soo baxay saxaafad qiimo dhacsan oo laga qaaday karaamadii iyo milgihii ay lahayd, loona hadoodilay  qabyalad , Dhuuni doon iyo ku xumee cidaad doonto.

Maal mahan waxaan ku arkaayey Warbaahinta Akhlaaqda Xumada Edeb-dara kaalinta koobaad ka jirta dad kusoo qoraayey reer islaama  oo la doonayo in la taago aqalkooda  laguna jiro  dhismaha iyo yagleelida hoygaa cusub oo ah wax lagu farxo loona duceeyo ayey qaarkood kasoo qaadeen wax xun, kuwa dhaafi waayey reer aroosa maxay dhaafayaan “ Alla maxaa Qalinkii la qiimo riday”.

Arooska  inan uu dhalay Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hore Xaflad balaadhan loogu sameeyey Madaxtooyada islmarkaana lagu bixiyey  ayaa sida la sheegay  lagu jiraa qal qaalada Arooskeedii, hadaba siday ahayd sharafta iyo karaamada umadeenu waxay ahayd in loo duceeeyo aqalkaasi cusub oo lagu farxo loona hanbalyeeyo , balse waxaa arintaasi si khaldan u dhigay kuwo isku sheegay Warbaahin oo war ka dhigay Inan uu dhalay Madaxweynuhu ayaa la aroosayaa, Oo Hadii Ina Madaxweyne La Guursado waa iga su,aale Maxaa ku jaban ?

Kolay magaranaayo jawaabteeda balse waxaan u daynayaa kuwa maangaabyada ah ee iyadoo dhegaha iyo indhahaba xidhan soo galay saxaafada islamarkaana qaarkood isku sheegana inay yihiin Tafatireyaal ama maamulayaal hay’add Warbaahineed, War iyo Warbixin midna kuu noqon mayso ina madaxweyne ayaa la aroosayaa  anshaxa saxaafadana kuma jirno  shikhsiyadaada ayey ceeb ku tahay  lamana arag oo lama maqal cid  guri cusub oo la dhisaayo wax ka sheegta cid u ducaysa mooyee,  hadiiba saxafinimadii kula marayso ka sheekaynta reeraha islaamkaa xaafadooda dee taasi saxaafad maaha waa damiir xumadadaada.

Saxaafadii Somaliland waxay noqotay saxaafad suxufiyiintu qaarkood usoo galaan dhuuni  heer ayey marayaan masuuliyiinta iyo madaxda qaranka ku caayaan si ay uga doonaan lacag laaluusha,  suxufiyiinta qaardood ayaa noqday kuwo la iibsado ninka siyaasigaa siduu doono ugu danysto, waxaana muuqata inay noqdeen lagu danaystayaal lagu adeegto  sida eyga loogu tuuro lafta iyaga loo tuuro xoogaa shilimaada, arintaasi waxay khasabtay inay  in suxufiyiintii qaardood sidaas ku noqdaan budhcad qalinley ku qadhaabta waxaasi aan soo sheegnay ee laga yaq yaqsoonaayo.

Cali Xasan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here