Askar Kasoo Goosatay Puntland Oo Isu Soo Dhiibay Somaliland

0
1

Askartan Oo Tiradoodu dhan tahay 130 askari oo ka tirsanaa Maamulka Goboleedka Puntland ayaa waxa la wareegay Taliyaha Ciidankanka qaranka ee ku sugan Aaga Widhwidh G/ Sare Cabdilaahi Dheere

Widh Widh (Hubaal):- 130 Askari Oo Ka tirsanaa Maamulka Goboleedka Puntland ee joogay Deegaanka Geed Xamar Ee Degmada Widhwidh Ayaa u soo goostay dhinaca Somaliland.

Saraakiisha Ciidankan Watay Ayaa Sheegay In Ay Markii Hore Ahaayeen Maamulka Khaatumo Balse Ay Ka cadhoodeen Ciidankii Khaatumo Ee La kala Reebay Qaarna La qaremayay Qaarna Aan Aan La qaramayn.

Waxgaradka Widhwidh Ayaa Siweyn Usoo dhaweeyay Ciidankan Puntland Kasoo Goostay Ee Kasoo Mid Noqday Cidanka Soomaliland.

Taliyaha Ciidankanka qaranka ee ku sugan Aaga Widhwidh Gaashaanle Sare Cabdilaahi Dheere Ayaa Ciidanka Lawareegay Xukuumadana Kacodsaday In Ay Soo qarameeyaan Ciidankan.

Wasiirka Amniga Khaatumo Keyse Cabdi Yuusuf Ayaa Baaq Udiray Xukuumada Somaliland Isagoona Ugu baaqay In Ciidanka La soo Qarameeyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here