Askari Cadhooday Oo Rasaas La Dhacay Qaar Ka Mid Ah Maxaabiistii Uu Ku Hayay Xabsiga Hargeysa

0
19

Hargeysa(Hubaal) – Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa waxa xalay fiidkii laba maxbuus ku dhaawacay Askari ka hawlgalayay Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Askarigan oo ka hawl-galayay sidda warku sheegay qeybta loo yaqaano block “B” ee dabaqa sare ee Xabsigaasi ayaa maxaabiistu la hadleen, waxaana la wariyay in maxaabiistii ku sugnayd qeybtaasi iyo Askarigan uu dhexmaray muran xoogani, muddo kadib markii ay isa fahmi-waayeena, maxaabiistii qaar ka mid ah ayaa shabaga makhsinka ay ku jireen kaga soo tufay candhuuf Askariga wakhtigaasi.
Xabsiga-HargeysaWarku waxa uu intaasi ku darayaa in kadib askarigii uu kaga jawaabay arrinkaasi Xabad nool,kuna dhaawacay laba maxbuus oo la kala yidhaahdo Khaalid Cumar Ibraahim oo ay kaga dhacday Xabadu Caloosha, halka ka kale ee la yidhaahdo Cabdifataax Cabdilaahi Jaamac ay kaga dhacday lugta.
Kadib markii sawaxanka iyo qeyladu is-qabsadeen ayaa waxa meesha ku soo uruuray ciidanka ka hawlgala Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa iyo kuwa ka hawlgala taliska guud ee Ciidanka Asluubta.
Muddo yar kadibna waxa la furey qolkii ay ku jireen maxaabiista dhaawacantay, waxaana loo la cararay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Arrintani xalay ka dhacday Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaanu kala xidhiidhnay qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka Asluubta si aanu warar xog-ogaala oo dheerada uga helno, arrintaasi noomay suuragelin inay naga qabtaan Telefoonadooda.
sidoo kale, waxaanu la xidhiidhnay Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeya Guuto Maxamed Xuseen Faarax(Xiirane), iyo Taliye Kuxigeenkiisa kowaad Gaashaanle Sare Xasan Cali Dheere, inkasta oo aanay masuuliyiintaasi kala duwani naga qabanin Mobile-kooda gacanta oo aanu dhowr jeer la xidhiidhnay.
Xigasho: Hayaannews.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here