Australia: Shiishyahanno La Amray Inay Laayaan 10,000 Geel Ah!

0
2

Dawladda Ustareeliya Oo Sheegtay Oo In Geelaasi Uu Dhibaatooyin Ku Hayo Bulshooyinka Ku Dhaqan Deegaanada Fogfog

Canberra, (Hubaal) – Dawladda Australia ayaa amartay in la laayo 10,000 (10 kun) oo neef oo Geel ah oo ku nool kaymaha dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin uu daabacya wargeyska The Australia. Dawladda ayaa amarkan ku sababaysay in Geelaasi uu dhibaato ku hayo bulshooyinka ku dhaqan deegaanada fogfog ee dalka, kadib markii abaar ba’ani ay ka dhacday qaybo ka mid ah wadankaasi. Shiishyahanno shaqo ka helay dawladda Australia ayaa Arbacada bilaabaya toogasho ay Geelaasi ku laynayaan. Qaar ka mid ah bulshooyinka dalkaasi ku dhaqan ayaa ka cadhooday laynta la amray Geelaasi in la sameeyo, iyagoo ku doodaya inuu Geelu sharaf ku leeyahay diinta ay rumaysan yihiin sidaasi awgeedna ay tahay in aan tallaabadaasi la qaadin.

Dalka Australia waxa todobaadkii lasoo dhaafay ka holcay dab xoog leh, dabkaasi oo baabiiyay dhir iyo xayawaano aad u badan.

SHARE
Article horeBuuhoodle: Tirada Dadka U Geeriyooday Cudurka Shuban biyoodka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here