Awliyo Allaay Adeeg: Waa qasiido yaabloo qaadiryo tirisee qiirada bal aayara,waa quruumo hoosoo qaylada ku toosee qiimeeye weligiin

0
610

Waa qasiido yaabloo

Qaadiryo tirisee

Qiirada bal aad yara

Waa quruumo hoosoo

Qaylada ku toosee

Qiimeeye weligiin

Qulka madaxa weyniyo

Qudha caasha badhiyeey

Qaranimada difaacoo

Qirin qiir ka soo kaca

Awliyo Allaay Adeeg

Jinacyada qadh muuniyo

Aaway daba qaloocii

Qoratiyo abeesoow

Qaranimada difaacoo

Qudhaan jooy ka soo kaca

Awliyo Allaay Adeeg

Kuwa qolofta adagiyo

Jir jiroole qoor weyn

Inta bahal qaniiniyo

Halaqiyo abeesiyo

Buuryo goys qaloocdaay

Qaranimada difaacoo

Qun yaruun ka soo kaca

Ha iska qara yaraate

Qaniinyaday ku baastee

Qum yaa tagfiya

Awliyo Allaay Adeeg

Awliyo Allaay Adeeg

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here