HUBAALMEDIA.COM
Axmed M. Seed Oo Mansabka Xirsi Xisbiga WADDANI Ka Hayo Waraabe-u-taag Ku Sifeeyey, Sababta Uu KULMIYE Xil Uga Qaban Waayeyna Sharraxay
February 27, 2017 - Written by Mustafe Faro

Annagu markii aanu WADDANI ahayn, Xirsi waxanu siinay waraabe-u-taag oo waxanu ku nidhi Hoggaamiye ayaad tahay, laakiin Hoggaamiyuhu meel uu sharciga xisbiyada kaga jiraa ma jirto”

“Waxa la I weydii KULMIYE muxuu ku siinayaa, balse waxan go’aan ku gaadhay inaanan qaadanin kursi aan ku qornayn distoorka Somaliland ama shuruuc hoosaadka xisbiyada ku qornayn oo aanan Somaliland sharci-darro u horseedin,…..”Axmed M. Seed.

axmed-muumin-seed

Boorama:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee hore ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo haatan ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, ayaa sharraxay sida uu ixtiraamka iyo qaddarinta ugu hayo xeerarka iyo shuruucda dalka, isaga oo tallaabo sharciga baal marsan ku sifeeyey xilka hoggaamiyenimo ee uu xisbiga WADDANI u cumaamaday wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Axmed Muumin Seed oo shalay ka hadlayey madal uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey saraakiishii xisbiga WADDANI ugu sarraysay gobolka Awdal, ayaa sheegay in waqtigii uu hoggaanka WADDANI ka tirsanaa ay Ex. Wasiir Xirsi u dhiibeen xil uu ku tilmaamay mid waraabe u-taag ah oo aan xeerarka ku jirin, waxana uu yidhi, “Annagu markii aanu WADDANI ahayn golihii wasiirrada ee Dawladda ka yaacay maalintii ay nagu soo biirayeen, Xirsi waxanu siinay waraabe-u-taag oo waxanu ku nidhi Hoggaamiye ayaad tahay, laakiin Hoggaamiyuhu meel uu sharciga xisbiyada kaga jiraa ma jirto.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu jawaab ka bixiyey su’aalo dadku iska weydiiyaan dheefta laga siiyey xisbiga uu kamidka yahay ee KULMIYE, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hammigiisu yahay sidii uu murrashax Muuse Biixi Cabdi u dhisi lahaa, isla markaana aanu marnaba diyaar u ahayn inuu damaciisa ku xidho wax aan xeerarka dalka ku jirin, “Aniguna ilaa maalintii aan xisbiga KULMIYE ku biiray dadku waxa ay isweydiinayaan guddoomiye-ku-xigeenkii baad tahay oo musharrax madaxweyne-ku-xigeen baad u socotaye KULMIYE muxuu ku siinayaa, balse waxan go’aan ku gaadhay inaanan qaadanin kursi aan ku qornayn distoorka Somaliland ama shuruuc hoosaadka xisbiyada ku qornayn oo aanan Somaliland sharci-darro u horseedin, waxana aan go’aansaday inaan masiirkaygii, taageerayaashaydii, awooddaydii dhaqaale iyo tii karitiyeed ee ilaahay I siiyeyba ku dhiso Muuse Biixi Cabdi aniga oo aan wax shuruud ah ku xidhaynin, waayo waxa aad u muhiim ah inaynu  shuruucda dalka oo aynu ta xisbiyada dhawrno, haddii uu maanta Muuse Biixi ii magacaabo Hoggaamiye meel uu shuruucda kaga qoran yahayna ma jirto waana waraabe u taag uun markaa intaan waraabe-u-taag noqon lahaa waxan door biday inaan Muuse dhiso oo aan abaalkayga dib u dhigto”ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Axmed Muumin Seed waxa uu si gaar ah  bulshada ugu faahfaahiyey astaamaha uu ku go’aansaday inuu Muuse Biixi dhiso, kuwaas oo ay kamid tahay go’aan qaadasho aan gabasho ku jirin, waxana uu yidhi, “Calaamadaha aan Muuse Biixi ku doortay waxa kamid ah Muuse Beenaale ma aha, waana nin hadallo cad oo marka uu halkaas soo socdo waxad garanaysaa inuu amba ku dilayo amba ku noolaynayo, waana nin go’aan qaadan kara oo aan mus-dambeed lahayn, musdambeedkiisuna waa aqoonta, wuuna leeyahay dhammaan calaamooyinkii hoggaaminta.”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews