HUBAALMEDIA.COM
Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Difaacay Guddi Uu Ku-xigeen Ka Yahay Oo Komishanku Xaarraantinnimeeyey Sifaha Loo Xulay
September 30, 2016 - Written by admin

“Guddidayadu Xaqba Uma Laha Inay Wax Yeedhiso, SONSAF-Na Weligeedba Way Jirtay Oo Qolada Doorashooyinka Way Wada Shaqayn Jireene Anigu Markii Guddidan Lagu Dhawaaqay Waxa Meesha Ka Uray Garan Maayo.”Axmed Y. Yaasiin

axmed-yuusuf-yaasiin
Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay walaac ay komishanka doorashooyinka qaranku kasoo saareen guddi uu  guddoomiye-ku-xigeen u yahay oo ay dhawaan aasaaseen dallada ay ku bahoobeen jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF oo loogu talo galay inay ka garnaqaan murranada soo baxa xilliyada doorashooyinka.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo la hadlay Telefishanka STAR, ayaa ugu horrayn sharraxay waxa ay guddidaasi qaban doonaan,“annaga waxa naloogu yeedhay in marka  sharciga ay arrintu soo dhaafto iyo ka hor inta aan sharciga la isla gelin haddii wax yimaadaan ayaa bulshada rayidka ah laga soo dhex xulay 27-xubnood, ujeeddaduna waa in markaas la helo cid heegan ah oo arrinta gacanta ku qabata, laakiin marka uu arrinku marayo jaran-jarrooyinka sharciga cidda sharciga garanaysaa soo gelimayso” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Mudane Yaasiin oo hadalkiisa sii wata, ayaa su’aal geliyey sababta keentay walaaca komshanka doorashooyinka iyo weliba ururka Qareenada oo iyagu hore eedo culus ugu jeediyey guddida ka-garnaqidda khilaafka arrimaha doorashooyinka oo ay aasaaseen dallada ay ku bahoobeen jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF, waxana uu yidhi,“guddidayadu xaqba uma laha inay wax yeedhisee  waa isu soo jiid uun waxoodu, SONSAF-na weligeedba way jirtay oo qolada doorashooyinka way wada shaqayn jireene anigu markii guddidan lagu dhawaaqay waxa meesha ka uray garan maayo.”

Dhawaan ayey ahayd markii dallada ay ku bahoobeen jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF ay shaaciyeen guddi 27-xubnood ah oo ay sheegeen inay ka garnaqi doonto murranada ka yimaadda arrimaha doorashooyinka, waxana guddidaas sida fiinta uga qayliyey, isla-markaana sharci-darro ku tilmaamay komishanka doorashooyinka qaranka oo iyagu ku tilmaamay qaar sharciga baalmarsan  oo cid dano gaar ah lihi wadato.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews