Baadi-goobka Hantida Qaranku Waa Libin. W/Q: Abdishakur Gande

0
1

FG: Barnaamij siyaasadeedkii Kulmiye lagu doortaa balan qaadayay sixida qaranka hore uga qaldamay.—

Madaxwaynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi go’aanadu kusoo celinayo hanti qaran oo luntay  ama sidii loogu talagalay aan ushaqayn maaha tirtirida waxqabad xukuumad kahoraysay balse waa sixida hawl aan uhir galin sidii haboonayd. Markale, waa waafajin sharcida iyo distoorka. Wixii inaga weecsamay ama qaladadkeeni hore dhibahay inagu yeesheen dhaawacyadeed hadanaanay xukuumada talada haysa dhayin. waxay noqonayaan boogo qaranka kuyaala iyo dhaawac dawladnimadu u dhimato. Sidookale hadaynaan dhiiri galin waxqabadyada tirada dhaafay waxaynu dhabar jab ku noqonaysaa in hore loo dhaqaaqo si loo gaadho halka la joogo meel ka saraysa iyadoo la dhabaynayo rajada shacabka JSL ee dheeraatay.

Dulmigu wuxuu ku awoodaysta damiir la’aanta dulmanaha baadilka ka doorta xaqa taasoo ka dhigan dulinimo dad is-dooriyay.

Xaqa iyo baadilka oo la kala saari waayaa. Waa mar wanaaga laga door bidayo xumaanta. Iyo xis la’aan umad garasho guur ku dhacay.

Madaxwyne Muse Biixi, ma tirtirayo waxqabad kahoreyay balse wuxu saxaya qalad kahoreyay. Isagoo hirgalinaya hogaaminta wanaagsan iyo hal adayga maamul wanaaga.

FG: Kulmiye isma raad gurayo laakiin wuxuu dhabaynayaa qodabaduu codka shacabka ku helay ee barnaamij siyaasadeedkii xisbiga. Kaasoo qodabadiisa ugu qarada way ay ka mid ahaayeen 1. Sixida waxyaabihii qaldamay. 2. Socodsiinta horumarkii socday 3. Ilaalinta iyo sii wadidda guulihii la gaadhay.

Ugu danbayn… garasjadeenu haday wada goobto hanti wixii maqan & gidi ahaan guryahii dawlada oo dhan waxaynu u gafaynaa sharciga sidaadarteed waa in garashadrenu ogolaataa wixii sifo sharci ah ku baxay iyo gafkeega ay leeyihiin cidii dakhliga lunsatay.

Abdishakur Gande

Gandeabdishakur@gmail.com

Hargaisa, Maroodijeex Somaliland.

https://www.facebook.com/Mr.Abdishakur.Gande

SHARE
Article horeDib U Jaleec Waayaha Dalkaaga. (Q.5aad)
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here