HUBAALMEDIA.COM
Baahi Intee Le’eg Baan U Qabnaa Aqoonta Hadalka?
March 30, 2017 - Written by Mustafe Faro

W/Q: Cabdinaasir Axmed Abraham

“Qofka Soomaaliga ah ee dhaladka ah. Isla-markaa dhaqanka lagu gardaadiya, WAA HADAL-AQOON. Sababtoo ah; Soomaalinimadu waxa ay taqaan ahmiyadda hadalka. Sidaa awgeed, ayay waalidku ugu barbaariyaan ubadkooda xirfadda hadalka” Pathology” Waxa qoraalkaygan marag uga filan hal-xidhaaleyaasha Carrab-leyliga. Tusaale B; Diin god gal. God geri gal. Geri god gal. God diin gal. Tusaale T; Abtigay kol is-wad. Kol I wad.

naasir axmed kkkk

Weedhahan noocan ahi inta badan waxa ay leeyihiin xayn-daab, kaasi oo aan ka xasuusan karo, in marka lagu celceliyo uu cay ama erey fool-xun noqday. Sidaa darteed, waa in qofku isagoo iska dhawraya in uu erey qadaf ah ku dhaco haddana doono in uu hal-xidhaalaha furo. Waxa looga gollahaa, in la la dagaallamo CARAB-JALAQADA, si loo helo qof cod-kar ah. Ahmiyadda hadalka iyo halka uu Soomaalidu ka taagnayd waxa aad ka arkaysaa inta maahmaahood ee ku soo aroorey iyo sida uu suugaanta uga dhex buuxdo.

In-door ah oo aan madal-shireedyo ka qayb-galay, waxa aan dhagaystay hadallo dhaadheer oo ugu yaraan saddex saacaddood qaatay. Marka aan ka soo baxo ee aan dib u milicsado, waxa aan ka dheefay khudbadihii dhaadheeraa ee aan dhagaystay.

Waxaana gunaanadka ii soo baxday in dadka badankoodu qodobka hadalka dacal-maraan. Haddii la isku soo xooriyana waxa ay dhalaysaa in dadka badankoodu aanay xeerka hadalka aqoon. Taasina waa sababta keentay in ay inta badan kulamadeenna aynnu il-duufno hannaanka hadalka, asluubta hadalka,xubinta hadalka, goorta hadalka iyo goobta hadalka; Sababtuna waa in aynaan wax xog ah ka haysan culuumta hadalka.Taasina waa ta keentay in guud ahaan hadalkeennu bato oo baaqdo.

TODOBA IYO TOBANKA QODOB EE ASLUUBTA HADALKA EE HADRAAWI

Waxa aan qaddar ka fikiray sida qofkasta ba ugu baahan yahay in hadalkiisu wanaagsanaado, dadku fahmaan, wali ba la jeclaysto. Taas oo u baahan in marka hore aad cilmi-baadho, si ay kuugu soo baxaan qodobbada hadalka bila iyo kuwa biiya. Hayaankaygaa waxa aan ku arkay in xeerarka asluubta hadalka oo dhan kuwan hoos ku qorani igaga filan yihiin, isla markaa ay maskaxdiisa ka dhasheen, indheer-garad aan ab iyo afba wadaagno. Waxa aan u arkay in aanay jirin sabab aan u raadiyo qoraallo iyo talooyin kale oo ku saabsan asluubta hadalka. Waxa aanu Rabbi I garansiiyay qodobbadan ammin aan ku jiray baadhitaankayga Cilmiyaynta suugaanta Soomaalida. Goor aan akhriyay buugga Hal-karaan. Gaar ahaanna maansada Sirta nolosha ee uu curiyay Maxamed Warsame “Hadraawi”

  1. Hadalkana sar weedhiisa,
  2. Una saaf qofkii waaya,
  3. Ha ka tegin sarbeebtiisa,
  4. Hana gelin sursuur oodan,
  5. Hana lumin sargoyntiisa,
  6. Hana liqin san-gaabtiisa,
  7. Ha ku saxan badheedhkiisa,
  8. Runta sogor-doh haw yeelin,
  9. Ha suul-daarin dooddiisa,
  10. Sisibaa wadaaggiisa,
  11. Sababee abbaartaada,
  12. Hana badin su’aashiisa,
  13. Sarrifkiyo tilmaantiisa,

Saddex erey halkii dooni,

Soddon yaanay kaa qaadan,

  1. Siddi-qabaxi yay raacin,
  2. Sare haw dhig-dhigin luuqda,
  3. Gacantana ha saydh-saydhin,
  4. Hana odhan wax sawliila

Murti-maahmaaheedyada hadalka kuwan aan ka soo qaadanno;

  1. HADAL WAA BOQOL IYO BOQON: maahmaahdani waxa ay muujinaysaa in aan hadalka la badan ee hal-abaarkiisa la taabto.
  2. HADAL WAA DHEH AMA DHAGAYSO: oo dhiiri-gelinaysa is-maqalka iyo in hadalka la kala helo.
  3. ANAA HADHAY LOO MA HADLEE, MAXAA HADHAY BAA LOO HADLAA: Oo soo gudbinaysa in aanay macno buuran lahayn shakhsiyaadka oo wada hadla ee ay ka muhiimsan tahay arrinka oo wixii dhiman lugu daro, haddii kuu muuqato.
  4. HADAL NIN BADIYANA MA WADA ODHAN: nin yareeyay na kama wada tagin; Oo Iyana muujinaysa in aan badnaanta hadalka lagaga dhergi Karin.

Halkaas baan ka dheehan karnaa ahmiyadda aqoonta hadalka iyo sida uu u midho-dhali karo, Soomaaliduna wax badan ayay ka tidhi, oo inta yar ee aan kor ku xusnay ka mid tahay.

Haddii aan madal iskugu nimaadno muhiim maaha in dhammaanteen aan goobta ka hadalnaa. Hasa yeeshee, waxa muhiim ah in dhammaanteen madasha aan wax ka faa’iidno. Dadka wax dhagaysta iyo dadka wax akhriya ayaa ka dheef badan kuwa hadla iyo kuwa wax qora iyaga oo aan wax ba akhriyin.

Qof kastaa in uu ka hadlo xaflad macno ma leh, waxa se macno buuran leh in goob kasta dadka u ehelka ah ka hadlaa.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews