Baaq Ay Soo Saareen Odayaasha Beesha Bariga Burco Oo Lagu Taageeray Musharaxnimada Muuse Biixi Sacad Muusena Loogu Baaqay In Isbaahaysigii ka Dhexeeyay Ka Dhaqaaqin

0
19

Burco (Hubaal) Kulan Balaadhan oo magaaladda Burco ay ku Yeesheen Cuqaal,Odayaal Aqoonyahan iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ayay ku sheegeen in Cida Dhaxlaysa isla markaana ay ku taageerayaan Marka Madaxweynuhu Wareejiyo Jagada Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye uu Yahay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyadoo Waxgaradkii Madashaasi ka hadlay iska daba mareen in Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Yahay nin la aamini karo beeshaasna ku leh Magac iyo Maamuus Beeshuna ay Hiil iyo Hooba la Garab taagan tahay.

 Muuse Biixi

Caaqil Cabdi Xasan oo isagu ugu Horayn Hadalka Furay ayaa ku nuuxnuuxsaday Halka Muuse Biixi ka Taaganyahay Beelaha Habar jeclo “Gudoomiye Muuse Biixi Waa Mujaahid Beelaha Habarjeclo Meel weyn kaga yaala,maalmahan waxaynu maqlaynaa rag baa la tartamaya ama daba guclaynaya Ma xuma inuu Qofku Han yeesho Laakiin waxaan leeyahay Ninkii Dhici Jiray Dhib kuma ahee Dhawaan baradkoow ka Dheeliman Odayaasha Cusub oo dhawaan aynu magacooda baranaya Maxamed Biixi iyo Samaalle meeli ugama bannaana Beeshan beeshan Cod oyo Cududba waxay siinaysaa Muuse Biixi Madaxweynahana waxaanu leenahay Ninka Beesha Bariga aad ku wareejinayso ee halkii aad noogu jirtay marka aad kursigaa iyo Musharaxnimada Wareejiso aad nagu ogtahay waa mUjaahid Muuse Biixi Cabdi Cid Kale iskuma ogin Caaqilka oo Si Gaara ula Hadlay Beelaha Sacad Muuse Fariin gaarana u diray ayaa ku adkeeyay in aan Geesigooda iyo Ninka Fiican loo bahalo gelin isla markaana aanay kala garan waayin Cida ka iibsamaysa iyo Cida Qabadka ah.

“Beelaha Sacad Muuse Waxaan Leeyahay Waxaad ahaydeen Hormoodkii Siyaasadda Somaliland Xadaaraddana dadaka kale waa kaga horayseen Maalinba Ninka idiin yimaada ha u sacab tumina Ragga Runta u kala sheega Annaguna Xubnaha noogu jira Golha Dhexe ee Kulmiye iyo ulintaba waxaanu ku dhaarinaynaa iskuna raacsanahay in Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Yahay Murashaxa ka dambeeya Madaxweynaha ee Xisbiga iyo Beelaha Danwadaagta ah ee Siyaasadda iyo Noloshaba Wadaaga u Sharaxan. Dhinaca kale qaar ka mida Odayaasha,Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Kulankaasi ka Soo Qayb Galay ayaa ku dheeraaday Taageradda ay u hayaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Hogaanka Xisbigaasi Waxayna uga digeen kuwa dib u soo kiciyay Wixii laga soo gudbay in aan Beeshaasi marnaba ka yeelayn in Raggaa u soo gaadiidey ee dhibta badan ka soo maray Halgankii Dib u Xoraynta Dalka kii Xisbiga Kulmiye iyo Qaranimadda Somaliland aanay Cidna ku Doorsanayn

DHAMAAD

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here