Baaq Cabasho Oo Ka Dhan Ah Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka JSL

0
107

Odayo-dhaqameed xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ku eedeeyay inuu iska Indho Tiray xayiraad Maxkamadeed oo la jebiyay

“Annaga oo ah odayaasha beesha ee magacyadoodu hoosta ku xusan yihiin, waxaannu ka cabanaynaa, xayiraad sharci oo la jabiyey, dhul ku yaalla degmada Wajaale, kaasi oo ay maxkamadda sare hore u xayirtay, isla markaana uu si badheedh ah xeer ilaaliyaha guud ee qaranku iskaga indho tiray inuu talaabo ka qaado cida jabisay.

Tixraac:-  xukunka sumadiisu tahay ,DMG /DDL/75/2017 ee ku taariikhaysan 03/06/2017  xu- kunkaasi oo ay ku cadahay in ay maxkamada Gabiley si sharciga khilaafsan ku siidaysay, Rashiid Cisman Maxmaxamed , balse aan racfaanka sharciga ah ka qaadanay iyadoo marka horena ay si sharci darro ah ku siidaysay xeer-illaalintu laba eedaysane oo kale ah

  1. Xasan Muxumed Bade
  2. Muuse C.laahi Nuur

Oo ay eedda ka reebtay.

Tixraac:- xukunka sumadiisu tahay MRGM/DDRL/159/0017 ee ku taariikhaysan 18/07/2017 mar labaadna ku taariikheysan 03/08/2017, xukunkunkaasoo labada taariikheed eek ala duwan  wata ee ceebta ku ah qarsoorka , islamarkaana sharci darro ah u ayidda xukunka maxkamada  gabiley kor ku xusan.

Tixraac:- qaarka sumadiisu tahay MS/48/14 ee ku taariikhaysan 03/04/2015 qaarkaasi oo ay maxkamada sore hore u xayirtay dhulka dacwadu ka taaqan tahay ee xayiraad jabin lagu ka cay, xiyiraad dhulka dacwadu ka taaqan tahay ee xayiraad jabin lagu ka cay, oo ay ka dhalatay eedda kiiskan.

Tixraac:- qaraalka sumadiisu tahay MS/XIG/G.10/419/2016 ee ku taariikhay san 16/06/2016 ujeeddadiisuna tahay soo baadhis xayiraad jabin.

Qoraalkaasi oo ay maxkamada sare ku amartay xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka J.S.L natiijadii baadhitaanka ay ka dhalatay eeda kiiskan kadib markii xeer-ilaaliyaha guud ee qaranku ku tallo bixiyay in eedda kiiskan xeer-ilaalinta gabiley samayso, sidaana uu dhagaysigii dacwadu ku bilaamay. Iyadoo ay maxkamada sare an ay mar labaad inteeda ku soo araqtay in xayiraadii lagu jabiyay seesas dhinaca eedaysanayaashu sameeyeen sidaas darteedo ay amar ku bixisay in sharciga la horkeeno dhinaca xayiraadda jabiyay, sida ku cad qoraalka uu maxkamada sare ee ku taariikhaysan 29/03/2016.

Haddaba muddane madax weyne waxaa dhacday in aan xeer-ilaaliyaha guud qaranka J.S.L  ka codsanay in uu raacfaan noogu qoro maxkamada sare J.S.L si aannu horteeda uga cadayno in xukumada laba maxkamadood ee kor ku xusani ay cadaalada baal marsan yihiin ay balse si badheedh ah codsigaa nooga diiday, kuna talaabsaday khaladaadkan hoos ku taxan.

  1. Waxa uu naqa horjoogsaday xaqii racfaan qaadashadii ee muwaadinku xaqa ula ahaa .
  2. Wuxuu diiday kuxigeenkiisii nooqori lahaa inuu eed ka nagosho sameeyo isagoo maxkamadii dibada ka jooga si ay dacwadu nooga baaba’ado.
  3. Wuxuu qareen difaaca u noqday dhinac eedaysan, halkuu ka gudan lahaa waajibkiisa oo ah in uu noo doodo dhinacayaga oo dhibnaha ah.
  4. Wuxuu dhexda ka jabiyay darajooyinkii maxakamadaha, madaama ee horjoogsaday racfaankii aan u qaadan lahayn maxkamada sare.
  5. Wuxuu is hortaagay dacwad sharci ah, taasi oo keeni karta in labada dhinac isku dhacaan, wixii ka dhaca isagu masuul ka naqonayo.
  6. Wuxuu u ka falaaqoobay dhibani hii ay waajib ahayd in ay si sharci ah ugu doodo iskaashadaan sidaas darted mudane madaxweyne waxaan si sharaf leh kaaga codsaynaa in arintaasi soo fara galisaan, si uu xeer-ilaaliyahu guud uga baxo uu joogsado jid go’aynta uu dac wada ku sameeyay.
  7. Wax sharci ah uma hayo ayuu nooggu jawaabay isaga oo ah xeer ilaaliyihii dalka

 

Sidaasi awgeed waxaannu codsnaynaa intii aan meeshaasi dagaal ka dhicin oo reeruhu isku jabin, in sida ugu dhakhaha badan wax looga qabto, annagoo u dirayna codsigan, madaxweynaha, ku-xigeenka, iyo hay’addaha sharciga waafaqsan iyo guddida caddaaladda, in si degdeg ah arinkan loo soo farogaliyo, maadaama xeer ilaalintu raali ka tahay in dhiig ku daato oo reerahaasi isu rogmadaan.

 

Magacyada odayaasha

  1. Caaqil Axmed Cumar Qallinle
  2. Cumar Iimaan Cali
  3. Cabdi Iimaan Cali
  4. Cabdisalaan Xaaji Xirsi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here