Baarlamaanka Itoobiya oo soo Dhaweeyey Xog-warankii Ra’iisul-wasaare Abiy Ka Siiyey Qaddiyada Ereteriya iyo hindisihiisa dhaqaalaha

0
1

“Waxaan filayaa in dad badani ay taageeri doonaan fikradaha Ra’iisul-wasaaraha oo ah afkaartii ay maskaxda ku hayeen,” Xildhibaan Temesegen.

 

Addis ababa (Hubaal)- Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa shalay  ku qancay warbixin uu Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu tafaasiil kaga bixiyey go’aannadiisa ku wajahan  khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya iyo hindisihiisa ku saabsan  dib u habaynta dhaqaalaha, siday werisay  wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.

 

Xildhibaan Temesegen Burka oo ka tirsan Baarlamaanka dawladda federaalka Itoobiya, ayaa wakaallada ENA u sheegay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya uu warbixin waafiya ka siiyey Baarlamaanka  xaaladda dalka, waxaanu xusay in  laga yeeshay falanqeyn dheer.

 

Xildhibaanku wuxuu sheegay in warbixintii Ra’iisul-wasaaraha iyo jawaabaha uu ka bixiyey su’aalihii la weydiiyey  ay ahaayeen qaar meesha ka saaray  wixii madmadow ahaa ee jiray.

 

“Waxaan filayaa in dad badani ay taageeri doonaan fikradaha Ra’iisul-wasaaraha oo ah afkaartii ay maskaxda ku hayeen,”ayuu yidhi Xildhibaan Temesegen.

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga All Ethiopia Democratic Party Mr. Zemenu Molla, ayaa sheegay in Xog-warankii  Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed ka jeediyey Baarlamaanku ay meesha ka saartay wixii shaki laga qabay  go’aannadii uu hore ugu dhawaaqay.

 

Mr. Zemenu Molla wuxuu caddeeyey in xisbigiisu si buuxda u garab taagan yahay mowqifka Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya.

 

Sidoo kalena  Maxamed Nuur oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in ummadda reer Itoobiya ay u baahan tahay shaqo, waxaanu tilmaamay inuu Ra’iisul-wasaare Ahmed doonayo inuu xasiliyo ammaanka Itoobiya oo dhan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here