“Baarlamaankii Qufacay Dawadiisii Waa La Helay”

0
137

(W/Q: C/raxmaan Caydiid)

Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka xiga waxaan Salaan Diiran hawada u marinayaa bahda Saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho.  Qoraalkan kooban waxaan aniguna Ra’yigayga ku biirin dadkii faraha badnaa ee arintan ilaa imika ka hadlay amaba ka hadlaya. Arintaasi waa Doorahshada Guddomiyaha Baarlammanaka Somaliland oo kursigisuu baanannaday.

Sidee Wax U Dhaceen.

August 2, 2017 waxa is casilay Guddoomiyaha Baarlammanka Somaliland Mudane Cabdiraxaman Cirro, si uu firaaq iyo waqti ugu helo tartanka madaxtooyada oo uu xisbiga Waddani u ordi doono haddi Eebe idmo. Laba musharax  oo Gobolka Sool kasoo Jeeda, waa Mudane Baashe iyo Mudane Talynale e ayaa ku loolamay. Codayn baarlamanku u qaaday August 6, 2017, Sidaynu warbaahinta kala socnay 39 cod ayuu Baashe ku badinayaa, halka Mudane Talyanlena 38 keenay. Laysu hambalyee go’aankiina sidaa lagu dhaabadee oo ku hirgal.

Meeqaamkii Doorashda.

Doorashadaas  aad baa Somaliland loogu sad buriyay loona arkay inay tahay waddan gaamuray oo sida awooda loola kala wareegaa ay gaadhay heer aan weligeed dib usoo noqosho lahayn. Waxa la majeertay tirada lagu kala helay oo ah hal cod. Sidoo kale inaan qabyaalad iyo xisbiyo toona aan loo kala bixin oo aanay codayntii dhacday aan marnaba taa laga dhadhansan ayaa iyana hoosta laga xariiqay. Afkalaqaad wuxuu yimi markii Talyanle iyo taageerayaashiishii yidhaahdeen wixii aanu gardaadinay sax muu ahayn, waxay intaa kusii dareen Guddoomiyaha baarlamaankuna waa Talyanle ee Baashe maaha..!!!.

Imika Halkee Xaal Marayaa.

Xaalku wuxuu marayaa Talyanle iyo taageerayaashiisa oo lasoo taagan “anagaa helnay”.  wixii ay caddayn heli karayeen ee ay u arkeen inay cuskan  karayaanba way soo bandhigeen taas oo ay ugu muhiimsantahay sawiradii kamaraduhu duubeen xilligii condbixinta. Waxa kale oo Talyanle iyo xildhibaanada taageersani ay dacwad u gudbiyeen Maxkamadda Sare. Dacwaddii maxkammadu way kazoo jawaabtay waxaanay soo saartay qaraar mucdiisu tahay “haddaa Golaha tihiin arintiina xeerhoosaadyadiina ku dhamaysta”. Qolada ka soo horjeeda ee Baashe la safan oo xukummdda iyo xisbga kulmiye u badan waxay istaageen sheekadaasi way xidhantahay ee sidaa halugu biyo cabbo oo yaan lagu saxan waa sheeko dhamaatay, igama-qudhuntana siyaasadda kuma jirto ayay raaciyeen. Qaraarka Maxkamaddau wuxuu faray dhinacyada inay guddi saran si arinta loo soo afjaro. Goluhu fasax usbuux ah ayuu galay waxaana loo qalabqaadanayaa sidii arintan loo soo afjari lahaa. Insha-Allah khayr baanay ku dhamaan.

Saamayn Intee Leeg Ayuu Qaranka Ku Yeelan Karaa Murankani?

Arintani hadday sii socoto saamayn taban ayay leedahay, weliba iyadoo imika doorashooyin loo diyaargaroobayo. Waana xilli aan buuq loo baahnayn. Rabshado ayaa dhici kara haddii dadka wararka imika warbaahinta laga  wado lagusii joogteeyo. Waxaa kale oo iman karta in Shirarka goluhu qabsoomi waayaan Kooram (quorum) la’aan, taasina jiritaanka golaha ayay mugdi gelin kartaa.

Maxaa Xal Noqon Kara.

Dhawr siyaalood ayaa loo soo afjari karaa arintan. Dhowrkan suuraalood aan isyara dul taagno.

  1. Midi waxa weeye, sida dad badan oo hadlay ama qoraal sameeyay tilmaameen, in Talyanle iyo taageerayaashiisu hambalyadoodii hore ku deystaan. Haddii ay sidaa sameeyaan faa’iidooyin badan baa ku jira. Kow waxay arintani ku biiraysaa mucjisooyinka Somaliland caanka ku noqotay ee xalinta khilaafaadka siyaasiga ah iyo kuwa doorashooyinkaba. Sida tii Cigaal lagu gola keenay 37/36 votes. Tii Madaxtooyada Kulmiye/UDUB ee 80ka cod. Dhaarintii degdegga ahayd ee Riyaale markii Cigaal xaqu u yimi iyo sidii Somaliland oo dhami uwada aqbashay…iyo qaar kaloo badan. Dhinaca kale Talyanlena wuxuu noqonayaa ninkii halka cod kaga tegay ee uga tudhay dalkiisa inuu buuq siyaasadeed galo, waayo doorasho muhiim ah ayaa imika ina hor taalla.
  2. Waxaa kale oo la yeeli karaa in mar labaad cod la qaado, ka dib marka mooshin laga keeno qaraarkii hore, iyadoo habka tirintana wax laga bedelayo. Kadibna kii hela loogu duceeyo. Waa suuragal, laakiin inay dhacayso uma muuqato imika. Waase wax la yelikaro haddii danta qaranka laga dhex arko.
  3. Waxa kale oo la samyn karaa in labada mudane loo qori tuuro, kadibna sidaas ayaa loogu fooladayn doonaa kii hela. Waa Arin ka baxsan nidaamkii sharciga ee yaalay, laakiin mararka qaar ayaa in xeerka layskaga tago oo xalka laga fekeraa fiicanatahay, sideedabana wixii lagu heshiiyo intaan garta lagoyn ayuun baa xeer ah. Waa habka xeerbeegtiga oo kalsooni labada dhinac ee ishaya marka hore laga qaado, kadibna wixii loo go’aamiyo ay ku qancaan ama ku go’aan. Guddiga la saaray ayay taasi u furantahay.
  4. In iyadoo la raacayo dastuurka Q.81, baarlamaanka la-kala diro, iyadoo sidaasna mooshin lagu keenayo, baarlamaankuna ku ogolaado 2/3 majority. Ha yaabin mudanayaashu laba term iyo badh (12yrs) ayay fadhiyeene. Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso, doorasho madaxweyne ayaaba la qabanayaaye, mid baarlamaan yaa imika itaal u haya. Xalku waxa weeye Madaxweynaha ayaa Maxkamadda sare waraaq u qoraya uu kaga codsanyo inay sharciyayso in xubnihii kaydka ahaa (ilayn nin-walba oo kursi fadhiyaba ninbaa kusoo cod-xigaye oo daba fadhiya e) ay soo buuxiyaan kuraasida. Taasi waqti qaadan mayso, bal e waaba saacado, waana metelayaal dadweyne laftoodu ilayn sida kuwan fadhiya ayuun baa loo doortaye, qaarkood faracididood ayaaba lagaga helay e, oo cidi kuma doodi karto mudanayaal maaha. Qoladii UDUB ayuun baa loo ogolaan lahaa inay iyagu xisbigay doonaan geli karaan markay baarlamaanka soo fadhiistaan.  Arintaa faa’iidooyin badan baa ku jira. Waa midda koowaade waxa kala yar nasan lahaa qolyahan imika baarlamaanka inoo ah ee 12 ka sano isasoo horfadhiyay. Waxa kale oo laga faa’iidayaa in Madaxweynaha cusubi la shaqeeyo baarlamaan cusub oo aan kharash doorasho oo weyni inagaga bixin, inta doorasho baarlamaan la gaadhayo, waayo way iska caddahay in duruufihii baarlamaan kordhintu iska soo noqnoqan karaan, markaa waa istratijiyad wanaagsan. Muddada ay fadhiyayaan waa laga heshiin karaa, kollayba 5 sano – full term – ma noqonayso.  Ugu dambayn in badan oo aqoon iyo waayaragnimo u leh ururada (institutions) waa ay garan kartaa hadii hay’ad (mid dawli ah ha ahaato ama mid aan dawli ahayne) aan isbedel lagu samayn ama aan kolba dhiig cusub lagu shubin oo ay iska muddo dhaafto inay noqoto mid gaabis ah oo wax soosaarkeedu hoos u dhaco, markaa 12 sannaood oo shaqo  ah oo wax isku mid ah uun la qabanayay dee waad garan kartaa inay qaranka dhib ku tahay. Arintaasi waa in marka hore dibadda layskula sii fahmaa, ka dibna sharciga uun la waafajiyo. Waan garan karaa in xubno badani nolol ahaan ku tiirsanyihiin mushaharka, taana waa la xalinayaa oo hal sano musharkood ayaa la siinayaa nin walba, dhowr jeerna waa  la kala siin karaa haddii hal mar aanay suuragal ahayn. Sidaas haddii aan  la yeelin waxaa inuga dhici kara inaynu ku wareerno oo ku rafano labada tiro ee  38 iyo 39. Waxaan rajaynayaa in xubno badan oo soo daalay oo si ay xilkan uga fadhiistaan garan la’aa ay aad u ducayn lahaayeen haddii la yidhaa walaalayaal Ilaahay khayr haydin siiyee waad noo soo adeegteen, doorashana qabsoomi weydaye iska yara nasta.

Arrintan Maxaa Laga Baran Karaa

Waxaa laga baran karaa in sida baarlamaankeenu codaynta (codad tirinta) u maamulo ay ka dhalan karto khaladaad. Sidaas darted waa in taas wax laga bedelo. Soo jeedimo hore loo sheegay ayaa jira oo ah in codka sanduuq muraayad ah lagu rido, sida baarlamaanada qaarkood isticmaalaan. Sanaadiiqdaas inta badan waxa loogu eertaa in nabadgelyada xildhibaanka la ilaaliyo (waa marka hal sanduuq oo keliya la isticmaallayo). Inaga maadaama duruufahaasi aanay jirin, laba sanduuq iyo ka badan oo kala gaara ayaa xildhibaanku ku ridi karaa codkiisa, iyadoo la wada arkayo. Ilaahay sidii khayr leh hayn a waafajyo, xildhibaanadana waxaan u rajaynayaa inay xal keenaan.

Wabillaahi Tawfiiq

Cabdiraxman Caydiid

abdiaideed11@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here